Madaxii Shaqaalaha Aqalka Cad ee Maamulka Trump Mr Mark Meadows ayaa laga Helay cudurka Covid 19.

Date:

Madaxa shaqaalaha aqalka cad ee Maamulka Madaxweyne Trump ayaa laga helay cudurka Corona Vires iyadoo Dalka Mareykanka laga helayo kiisas cusub la diiwaangalinayo kuwaasi oo la xaqiijiyay inta lagu gudajiray aafada Cudurkan.

Laba sarkaal oo sare oo ka tirsan maamulka Trump ayaa jimcihii Warka Arrintan u xaqiijiyay wakaaladda wararka ee AP.

Cudurkan Covid-19 ayaa Dalka Mareykanka ku diley in ka badan 236,000 oo Mareykan ah illaa iyo sannadkan.

Dhanka kale Faahfaahin lagama bixin goorta uu madaxa shaqaalaha la soo dersay fayraska Cudurkan wallow haatan la shaaciyay in uu qabo Covid-19 waxaana intaasi lagu daray in la karantiilay,

Ugu dambeyntii Warbixintan ayaa timid maalmo uun ka dib markii Mr Meadows uu ka soo muuqday munaasabad ka dhacaysay Aqalka Cad isagoo ay wehliyaan dad badan oo aan xirneyn maaskaro taasi oo cabsi hor leh dhalisay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Guddoomay Shahaadada Musharraxnimo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna...

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo...