Home Blog Page 841

Warfaafinta Oo Qalabka Kahortagga Covid-19 Ku Wareejisay Ciidanka Booliska

0

Wasiirka Warfaafinta ahna Guddoomiyaha Guddiga Wacyigalinta Qaran ee COVID-19 Maxamed C/di Xayir ayaa qalabka kahortagga cudurka dillaaga ee Covid-19 ku wareejiyay Taliska  ciidanka Booliska Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaliya  Jeneraal C/di Xasan Maxamed Xijaar oo guddoomay qalabkaan oo isugu jiray mid afka iyo sanka lagu daboosho iyo galoofiska gacmaha ayaa u mahadceliyay cid kasta oo gacan ka geeysatay dadaalka lagu keenay qalabkaan loo gaashaanto Coronavirus.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiisaka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha guddiga wacyigalinta Qaran ee COVID-19 ayaa sheegay qalabkaan in loogu  talagay ciidanka booliska ee shaqada ku jira har iyo habeen si ay uga hortagaan cudurka in la qaadsiiyo ama ay dad qaadsiiyaan.

Danab Oo Weerartay Meel Ay Ku Shirayeen Saraakiil Ka Tirsan Al-Shabaab

0

Ciidamada Danab ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay weerareen deegaanka Carabow oo 50-km u jira degmada Bu’aale ee Gobalka J/ dhexe halkaasoo ay ku sugnaayeen kooxda Al-shabaab.

Saraakiisha CXD ayaa intaas ku daray in xiliga ay weerarka qaadayeen uu deegaanka Carabow shir uga socday saraakiil sare oo ka tirsan Al-shabaab , ayna weerarka qaadeen markii ay xogtaasi heleen.

Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumandooska Xoogga dalka ee Danab G/lle Ismaaciil Cabdi maalik Maalin ayaa sheegay in ciidanka ay khasaare culus gaarsiiyeen goobtii uu shirku uga socday maleeshiyada Al-shabaab.

G/lle Maalin ayaa xusay in ay dileen 3-sarkaal oo mid ka mid ah uu magaciisa lagu sheegay Abuu Ayman oo lagu soo waramayo inuu ka soo jeedo dalka Maali.

Sidoo kale taliyaha ayaa tilmaamay in magacyada labada horjooge ee kale oo Soomaali ah ay dib ka soo sheegi doonaan, isagoo xusay in sidoo kale ay dileen maleeshiyaad fara badan oo goobtaas ilaalo ka ahaa.

Beeraleeyda Xudur Oo Dalagii Ay Filayeen Baaba’ay

0

Beeraleyda Degmada Xuddur ee Gobalka Bakool ayaa markale dalagooda ku baaba’ay roobab daadad watay oo nawaaxiga magaalada Xudur ka da’ay.

Daadadkaan oo marwalba sanado barwaaqo tahay aafeeya beeraha degmada Xudur gaar ahaan beeraha khudaarta ayaa waxa ay ka yimaadaan roobabka ku da’a  dhulka taaga ah oo illaa 50-km waqooyi ka xiga magaalada.

Roobka Gu’ga oo daadad la socdeen ayaa si weyn u saameeyey khudaar xilligii jiilaalka la beerey oo bisha ramadaan loogu talo galay in ay soo go’do iyo geedo waa weyn, waxaa ba jira dad sanadkii deyrta ee la soo dhaafey ay khudaartii ay filayeen uu daadku baabi’iyay.

Guddoomiye  Ku xigeenka degmada Xudur Mustaf Aadan oo ka hadlay ayaa sheegay inuu jiro qorshe ay u dejiyeen si looga baaqsado saameynta daadadka qorshahaasi oo ah mid uu maamulku dejiyay.

Waxa jira toogag waa weyn oo biyo keena magaalada Xudur xilliga uu roob ku da’o meelo ka baxsan magaalada hase ahaatee ma muuqato qorshe biyo xireen loogu sameeyo daadadkaan soo noq-noqday.

 

Dharkeynley Oo U Gudubtay Wareegga 3-aad Ee Tartanka

0

Tartan cilmiyeedkan oo galay sanadkii 9-aad socda oo si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka iyo Raadiyaha ayaa waxaa xalay kulankii 17-aad wareegga 2-aad ku tartamayay Degmooyinka Dharkeyley Vs Jilib.

Barnaamijka sanadkani waxaa maalgelinaya Gobalka Banaadir.

Tartameyaasha ayaa muujiyey tartan aad u adag iyo asluub wanaag labada dhinac ah.

Dharkeynley

Tartameyaasha Degmada Dharkeynley waxaa la weydiiyey todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen 4 su’aal, iyagoo qalday 3-su’aal, balse waxa ay ka faa’iideysteen 1- su’aal oo soo hareer-martay Jilib, sidaa darteed dhibcaha tartameyaasha Dharkeynley ayaa waxay noqotay (10) dhibcood.

Jilib

Tartamayaasha Degmada Jilib ee Gobalka Jubbada Dhexe waxaa dhankooda la weydiiyay 7-su’aal way ka jawaabeen 4-su’aal, 3-way qaldeen, 1-way ka faa’iideysteen kadib markii ay ay soo hareer-martay tartamayaasha Degmada Dharkeynley, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha Jilib waxa ay noqotay 10-dhibcood.

Tartanka oo xalay aad u adkaa ag ayaa la isla dhaafi waayay bar baro, balse su’aalo dheeraad ah oo lagu daray si loo kala saaro, ayaa waxaa ka faa’iideystay tartamayaasha Degmada Dharkeynley halka tartamayaasha degmada Jilib ay jawaabta su’aashii la waydiiyay qaldeen, sidaas ayaana Dharkeynley ay ku heshay 14 dhibcood, halka ay Jilib la yimaadeen 12 dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Dharkeynley ee Gobalka Banaadir ayaa xalay ugudbay wareegga 3-aad ee tartanka.

Haddii uu Alle idmo caawa oo ah habeenka 18-aad ee tartanka waxaa la qaban doonaa labo tartan oo ay ku tartami doonaan degmooyinka Garbahaareey Vs Shibis oo ka kala tirsan Goballada Gedo iyo Banaadir, halka qeybta dambe ay ku tartami doonaan Kismaayo iyo Hodan oo ka kala tirsan Goballada Jubbada Hoose iyo Banaadir.

 

Dhagar-qabe Al-shabaab ah oo doonayay inuu dilo askari oo lagu qabtay Degmada Hodan+Sawirro

0

Muqdisho.(SNTV):- Shacab Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa Maanta gacanta ku dhigay dhagar-qabe ka tirsan kooxda argagixisa Al-shaab oo diyay inuu dilo Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Falkaan ayaa ka dhacay waaxda Actober ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Ciidamada amaanka ayaana gacanta ku dhigay dhagar-qabihii .

Guddoomiyaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhagajuun oo barta uu ku leeyahay Facebok ku qaray arrintaan ayaa shacabka ku dhiirigaliyay howsha wanaagsan oo ay qabteen Maadaama ay fashiyeen dhagarta uu Maleegayay dhagar-qabaha .

“Waa dhaqan ugub ah in Shacabku soo qabtaan haraadiga kooxda cadowga ee argagixisa Al-shabaab ayaana ka mid ahaa qoraalka bartiisa facebook uu soo dhagay Guddoomiyaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhagajuun”

Muddooyinkaan waxaa sii xoogeysanayay wada-shaqeynta shacabka iyo laamaha amaanka iyadoo la fishilyay dhibaatooyin badan ay kooxaha Cadawga u maleegayeen bulshada Soomaaliyeed waxaana howsha maanta ay sameeyeen shacabka ay ka dhigantahay sida ay ugu midoobeen ka hortaga iyo gacansiin laamaha amniga si looga hortaga Cadawga qatarta ku ah guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee Al-shabaab.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo ka Tacsiyadeysay geeridii ku timid Danjire Cabdiqani Maxamed Waceys

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiiru dowlaha Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi , Xoghayaha joogtada Wasaaradda Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada Guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Danjire Cabdiqani Maxamed Waceys oo saaka aroortii hore, 10 May, 2020 ku geeriyooday Caasimadda dalka Kuwait ee Kuwait oo labadii todobaad ugu dambeeyay uu ku xanuunsanayay.

Marxuum Cabdiqani Maxamed Waceys oo ku dhashay 15 May, sanadkii 1945 Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxbarashadiisii dugsiga sare kaga qalinjebiyay Magaalada Qaahira sanadkii 1965, waxa uu shahaadada koowaad ee heerka Jaamacadda oo ahayd Taariikhda uu ka qaatay Jaamacadda Alexandria ee dalka Masar sanadkii 1969, waxa uu shahaado sare oo difaaca iyo amniga qaranka ka qaatay Akadeemiyadda sare ee Istiraatiijiyadda Qaranka ee Soomaaliya sanadkii 1988.

Marxuumka oo koorsooyin tababar oo diblomaasiyadda, maamulka waxbarashada, akhris qorid la’aanta, waxbarashada dadka waa weyn, cilmi baarista iyo dib u habaynta iyo horumarinta manhajka waxbarasho ee Soomaaliya ku kala qaatay wadamada Soomaaliya, Masar, Urdun iyo Indonesia sanadihii 1974, 1979,1980, 1983, 1985, 1986, 1988 iyo 2008.

Ambassador Cabdiqani Maxamed Waceys  oo macalin Juquraafi iyo taariikh ka noqday dugsiyo sare oo dalka ku yaalla intii u dhexeysay sanadihii 1970-1973 ayaa sidoo kale waxaa uu maamulay dugsiga sare ee hoyga lahaa ee Magaalada Beydhabo intii u dhexeysay sanadihii 1973-1976.

Marxuumka ayaa noqday Kormeeraha guud ee Wasaaradda Waxbarashada intii u dhexeysay sanadihii 1976-1977, isagoo sidoo kale noqday Iskuduwaha Waxbarashada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug intii u dhexeysay sanidihii 1977-1978, waxa uu si la mid ah noqday Iskuduwaha Waxbarashada Magaalada Hargeysa ee xarunta Gobolka Waqooyi galbeed intii u dhexeysay sanadihii1978-1980, sidaasi si la mid ah waxa uu noqday Iskuduwaha Waxbarashada Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan intii u dhexeysay sanadihii 1980-1986.

Madaxii Qeybta Af Carabiga ee Xarunta Qaran ee Akhris iyo qorid li’idda iyo waxbarashada dadka waa weyn ee Muqdisho, Soomaaliya intii u dhexeysay sanadihii1986-1987.

Sarkaalka xidhiidhiya Wasaaradda Waxbarashada iyo hey’adda Action Aid intii u dhexeysay sanadihii 1987- 1988.

Agaasime kuxigeenkii Waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda intii u dhexeysay sanadhii1988-1991.

Lataliye ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda intii u dhexeysay sanadihii 2000-2001.

Lataliyahii koowaad ahna Safiir kuxigeenka Safaaradda Soomaaliya ee Kuwait intii u dhexeysay sanadihii 2001-2009.

Siihayahii Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya intii u dhexeysay sanadihii 2009- July 2012.

Safiirkii Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya intii u dhexeysay sanadihii 2012- 2016.

Safiirkii Safaaradda Soomaaliya ee Masar ahaana Ergeyga Joogtada ee Ururka Jaamacadda Carabta intii u dhexeysay sanadihii 2016 – May 31, 2019.

Marxuum Danjire Cabdiqani Maxamed Waceys oo ifka kaga tagay xaas iyo caruur ayaa si wacan ugu hadli jiray Afafka Carabiga iyo Ingiriiska, isagoo bishii Maarso sanadkii 2019 la wareegay hoggaanka Ergooyinka Joogtada ee Ururka Jaamacadda Carabta, kaltankiisii 151 aad, halka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad la wareegay shirguddoonka heer Wasiir Arrimo dibadeed muddo xileed gaarsiisnaa lix bilood. Marxuumka ayaa kaalin wacan ka qaatay shirar kala duwan oo ururkaasi ku kala yeeshay wadamada Masar, Lubnaan, Kuweyt iyo Ruushka.

Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows, qoyskiisa, ehelladiisa iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin

Maamulka Dhuusamareeb oo Amarro ka soo saaray dhulalka sharci darada ee Magaalada

0

Maamulka Magaalada Dhusamareb ayaa soo saaray Amaro ka dhan ah Dhulalka iyo Dadka Dhisanaya Wareegto ka soo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Magaalada Dhusamareb Macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-qorow ayaa Bulshada looga digay inaysay Dhisin Dhulalka iyagoon soo ogaysiin Maamulka.

Arrintaan ayaa timid ka dib markii ay maalmahaan soo bateen kiisaska is qab qabsiga dhulalka waxaana maamulka ku sababeeyay inaan sharciga loo hogaansamin .

Sidoo kale maamulka Magaalada waxa uu sheegay in cidi la helo iyadoo sharciga baal mareysa laga qaadi talaabo sharciga waafansan islamarkaana bulshada ay qaataan nidaamka Dowladnimada.

Dhinaca kale Maamulka ayaa Mamnuucay inaan la qaban karin Shirarka iyo Kulamada Bulshada ee aan Maamulka la soo ogaysiin si looga hortago faafitaanka Xanuunka Covid-19.

Gudoomiyaha Magaalada Dhusamareb  Macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-qorow oo  goordhaw la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aanan la ogeyn shirarka ay dadweyne isugu imaanayaan madaama loo baahanyahay in la qaato fariimaha wacyigalinta ee looga hortagayo Faafitaanka Cudurka safmareenka ah ee Karoona Feyruska.

“Lama ogola in la qabto shirar iyo in laysku yimaado goobaha bulshada ay ku kulmaan maxaa yeelay cudurkaan sida ugu fudud uu ku faafi karo waa isdhaxgalka sidaa daraadeed waa muhiim la qaato fariimaha wacyigalinta “sida ayuu yiri guddoomiye Macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-qorow

Diyaarad sidday agab looga hortago Fatahaadda oo gaartay Baladweyne+Sawirro

0

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta udirtay diyaarad siday agab loogu talagalay in caro tuur loogu sameeyay goobaha laga cabsi qabo inuu wabiga shabeellle fataahaad uu ka sameeyay ee Magaalada Baladweyne .

Diyaaradaqan siday agabka ayaa goordhawey caga dhigay garoonka diyaaradaha Ugaas khaliif ee Magaalada Baladweyene ee Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan.

Marka laga tago agabka waxaa diyaarada la socday Masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’isulwasaaraha dalka Xasan Cali Khayere waxaana ka horeysan diyaar kale oo ay Dowladda Gaarsiisay todobaadkii lasoo dhaafay iyo wafdi balaaran oo qiimeyn ku soo sameeyay .

Wabiga shabeelle ayaa Sanadkii 2018 Fatahaad qasaaro  geystay ka sameeyay Magaalada baladweyne iyadoo ay ku bur bureen nolosha dad badan oo xoogsato ahee ku nool Magaalaadasi waxaase markale soo wajahday cabsi xooggan ka dib markii uu fatahaad ka sameeyay qeybo ka mid Magaalada .

Dowladda Soomaaliya ayaa xoogga saareyo sidii wax loga qaban lahaa xaaladaha ka taagan dalka iyadoo muruq iyo maalba layskugu geynayo in laga hortago qasaaro ka dhasha wabiga ee Magaalada Baladweyne.

Madaxweyne Waare oo gaaray Magaalada Baladweyne

0

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Hirshabeelle Madaxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhaw gaaray Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan halkaasi oo ay ka jiraan howllo looga hortagayo fatahaada Wabiga Shabeele ee magaalada Baladweybe.

Madaxweyne Waare iyo wafdigiisa ayaa kasoo kictimay Magaalada Jowhar oo haatan xarun u ah maamulka Goboleedka Hirshabeelle.

Qeybo ka  mid bulshada ,Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada ayaa soo dhaweeyay Madaxwyeneha  waxaana loo qaaday isaga iyo wafdigiisa gudaha Magaalada halkaasi oo lagu wado inay ku yeesheen kulamo ay uga arrinsayaan xaalada fatahaada wabiga iyo sidii loo xakameyn lahaa maadaama uu haatan qeybo ka mid Xaafadaga Magaalada ka bilaawday fatahaad.

hore Maamulka Gobolka ,kan Degmada, Ganacsatada deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa u waday howllo ay ku sameeynayeen Caro tuuryo goobaha laga cabsi qabo inuu Fatahaad ka sameeyo wabiga sidoo kale waxaa jira cabsi xooggan iyo barakac soo wajahay dadka deegaanka Maadaama qeybo ka mid haatan uu ka bilaabay inuu fatahaad ka sameeyo.

Ra’iisulwasaare Khayre oo Warbixin ka dhageystay Guddi Hoosaadka Ka Hortagga Fatahaadaha

0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, mudane Xasan Cali Khayre ayaa Wasaaradda Maaliyadda faray fududeynta kharashaadka ku baxaya dadaallada looga hortagayo fatahaadda Beledweyne ee wadajirka ay u wadaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, si looga baajiyo fatahaad ku soo rogmata magaalada.

Ra’iisul wasaaraha oo warbixin faahfaahsan ka dhageystay guddi hoosaadka ka hor tagga fatahaadaha ayaa dhammaan qeybaha kala duwan ee ee bulsahda ugu baaqay in xoogga la iskugu geeyo ka hortago fatahaadda oo aan la sugin waxyeellada.

Dadaallada iminka socda ayaa isugu jira; Carro-tuur lagu sameynayo meelaha uu jiinka webiga ka jilicsan yahay iyada oo la isticmaalayo agab u adkeysan kara biyaha muddo fog iyo furista kanaallo yar yar oo qeyb ka qaadan kara hoos u dhigidda biyaha webiga, arrinkaan ayaa ka dhashay qiimeyn lagu sameeyay goobaha uu webigu ka fataho iyo cabbirka biyaha ay xilli roobaadkan gaari karaan.

Guddiga ayaa sheegay in diyaarado lagu daabulayo agab dheeraad ah oo loogu tala galay in biyaha looga celiyo magaalada Beledweyne, si ay u guuleystaan dadaallada iyo iskaashiga shacabka iyo dowladda, looguna gogol xaaro hannaan ay bulshadu cabsi la’aan ugu noolaan karto magaalada.

Dowladda Federaalka ah ayaa dhowaan soo bandhigeysa qorshe ballaaran oo xal waara loogu raadinayo fatahaadaha soo laalaabta ee ka dhasha wabiyada iyo roobaka kuwaas oo sannad waliba dhibaata xaddigeedu ballaaranyahay gaarsiiya qaybo badan oo kamid ah dalka.