Jadwalka doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo la soo saaray.

Date:

Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle ayaa goordhow soo saaray jadwalka doorashada Madaxda Hirshabelle.

Gudiga ayaa shaaciyay Xiliga Rasmiga ah ee Jadwalka waxaana Araaji qabashada iyo diiwaan gelinta musharaxiinta ay dhacayaa maalmaha Axad iyo Isniin oo bisha November ku beegantahay 08-da iyo 09-ka bisha sida ku cad shaxda ay guddigu soo saareen.

Sidoo kale Maalinta Talaadada oo bishu ay ku beegantahay 10-ka ayeey xildhibaannadu dhageysan doonaan khudbadaha musharaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka halka 11-ka bisha oo ku beegan Arbacadana la qaba doono doorashada Guud.

Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa maanta waxaa cod aqlabiyad leh ku meelmariyay xildhibaannada cusub ee baarlamaanka 2aad ee Hirshabeelle.

Hoos ka Akhriso.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...