Wasiirka Qorsheynta JFS oo la kulmay Guddiga Maaliyadda iyo Qorsheynta Golaha Shacabka+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan lagu turxaan bixinayey Sharciga hay’addaha aan dowliga aheyn la qaatay guddiga maaliyadda iyo qorsheynta Golaha shacabka barlamaanka federaalka Soomaaliya.

Kulankaan oo  lagu turxaan bixinayay sharciga hay’addaha aan dowliga ahayn, Wasiirka qorshynta maal-gashiga iyo horumarinta dhaqalaha iyo howl-wadeenada wasaaradda la qaatay guddiga maaliyadda, qorsheynta iyo la xisaabtanka hay’addaha aan dowliga ahayn  ee horyaalo golaha shacabka.

Guddiga iyo wasaaradda ayaa si qoto dheer u eegay turxaan bixinta sharciga hay’adaha aan dowliga ahayn, Agaasimaha xalka –waara ee wasaaradda Qorsheynta Marwo Sahra Cabdi Maxamed ayaa guddiga u sharaxday qeybaha sharciga uu ka kooban yahay iyo muhiimada ku dul xusan ee faa’iidada u leh dalkeena.

Guddoomiyaha guddiga maliyadda, qorsheynta iyo la Isxaabtanka hay’yaddaha aan dowliga ah, Marwo Aaamino Shiekh Cusmaan  ayaa boggaadisay wasaaradda hanaanka ay u diyaarisay sharcigan, ayna diyaar u yahiin waajibaadkooda  dastuuriga  si ay gutaan sharciga isla amarkaana golaha shacabka u ansixiyaan.

Wasiirka wasaaradda qorsheynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha  Danjire Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka jawaabay su’aalo ay soo jeediyeen xildhibaanada oo ku aadanaa sharciga oo sharaxad dheeri ah la wadaagay sharciga isla amrkaana qiray in dowladda iyo umadda Soomaaliyeed ahmiyadd weyn ugu fadhiyo Sharcigan.

“‘hadda waxaa gacanteena ku jiro mustaqalka umadda iyo wadanka tasoo ah in manata gacanta ku hayno sharcigii horumar gaarsiin lahaa, dakhliga dowladana kobcinayo, fursado shaqano u abuurayo dadkeena oo shaqa la,aan ahayso, sidoo kale waxa uu sharcigan si cad u qeexayaa in la ogaado hay’add walbo waxa ay qabanayso iyo meelaha ay ka shaqeyso waqti walbo ayuu horseedayaa sharcigan”.

  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...