Maamulka Gobolka Banaadir oo ku baaqay in garab lagu siiyo dhawaaqay inuusan awood uheynin saameynta roobka ka da’ay Caasimada+(SAWIRRO).

Date:

Maamulka gobolka banaadir ayaa ku dhawaaqay in dowladda hoose ee Xamar aysan ku filneen xal u helida saameynta ka dhalatay Roobabka ka da’ay Caasimadda.

Afhayeenka maamulka gobolka banaadir Salaax Cumar (saalax dheere) oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dowladda hoose aysan awoodeeda ku filneen xaalada ka dhalatay saameynta roobabka isdaba jooga ah ee ka da’ay caasimada waxaana shacabka Soomaaliyeed dowladda dhexe iyo beesha caalamka ugu baaqay inay ka qeyb-qaataan sidii wax looga qaban lahaa xaaladan.

Afhayeen waxaa uu sheegay in bankiga aduunka uu dowladda hoose Xamar u balan qaaday 37 milyan oo lagu kabayo dib u-dhiska goobaha biyo mareenada si loo furo goobahii xirmay waxaana maamulka gobolka banaadir uu ka qabanayo inta awooda uu u leeyahay.

Sidoo Afhayeen gobolka banaadir ayaa yiri“Roobka waxaa uu caasimada ka da’aa ilaa iyo sagaal bilood oo xiriir ah marka laga reebo afartan iyo shan cisho ee uusan roob da’in hase’ahaatee waxa uu saameyn xooggan ku yeeshay dhammaan gaabihii biyo mareenada caasimada, kuwii hore loo dayactiray iyo kuwii kaleba”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...