Home Blog Page 834

Wasiirka Shaqada XFS Oo Kulan La Qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Iyo Barakacayaasha Qaranka

0

Sadiiq Xirsi Warfaa, oo ah Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Dr. Aamina Saciid.

Kullanka ayaa diiradda lagu saaray wadashaqeynta Wasaaradda iyo hay’adda, wuxuuna ballanqaaday wasiirku in hay’adda ay si dhow ay uga taageeri doonaan in shaqo abuur loo helo dadka barakacayaasha ah iyo sidii lagu heli lahaa taageero joogto ah oo ay dowladda ka helaan Qaxootiga dibadda ka soo laabanaya iyo kuwa gudaha ku barakaca.

Kulanka labada Mas’uul oo ay ku wehliyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Agaasime Waaxeedyada Arrimaha Bulshada iyo Qorsheynta.

 

Xarunta Gobalka Shabeellaha Hoose Oo Laga Dhagax Dhigay Marko+Sawirro

0

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Abuukar Cabdi ayaa maanta gaaray magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana isaga iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyay maamulka gobolka shabeelaha hoose iyo kan degmada Marko.

Sidoo kale Wasiir Maxamed Abuukar Cabdi ayaa warbixin ka dhageystay maamulka gobolka xaaladihii ugu dambeeyay ee magaalada,sida dhinacyada Amniga, Caafimaadka iyo waxbarshada.

Sidoo kale waxaa maanta magaalada Marko laga dhagax dhigay xarunta uu ku shaqeyn doono Maamulka gobolka shabeellah Hoose taasi oo in muddo ah laga soo shaqeynayay in heerkaan dhagax dhiga ay soo gaarto, waxaana sidoo kale qeyb-ka ahaa Senotar Xuseen Cali Xaaji oo ka tirsan golaha aqalka sare lagana soo doortay gobolka shabeella hoose.

Xaruntaan waxaa si wadajir ah u dhagax dhigay guddoomiyaha Degmada Marka Cabdulaahi Cali Maxamed Waafoow, guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax , Senator Xuseen Cali Xaaji iyo Wasiirka arrimaha gudaha maamulka koofur galbeed Soomaaliya Maxamed Abuukar Cabdi.

Dhismaha xaruntaan uu ku shaqeyn doono maamulka gobolka shabeellaha hoos ee magaalada marko ayaa noqoneyso mid loogu talagalay in lagu fududeeyo adeegyada bulshada.

Taliyaha Xoogga Oo Kormeeray Xerada Gaaska 11-Aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka+Sawirro

0

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka General Odawaa Yuusuf Raage oo Cabuudwaaq Ku sugan ayaa kormeer Ku tagay Xerada Gaaska 11-aad ee Guutada 35-aad  ee ciidanka xoogga dalka oo ka mid ah Xeryihii Ilaalinta Xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya oo haatan dib u habeyn lagu wado si markale ay kaga mid noqoto xeryaha Ciidanka Xoogga Dalka .

Kormeerkaan waxaa ku wehliyay Taliyaha Xoogga saraakiil ka tirsan qaybaha 21-aad iyo 27-aad ee ciidanka xoogga dalka sida Genaral Saalax yacquub oo ah Abaanduulaha qaybta 27-aad iyo Gaashaanle Aadan Siyaad Cabdi Abaanduulaha Qaybta 21-aad.

Xeradan oo dhismeheedu meel dhexe marayo ayuu Taliyaha Xoogga Ku amaaney saraakiisha Qaybta 21-aad iyo dadka reer Caabudwaaq juhdiga ay galiyeen dib u qaabeynteeda oo taliyuhu ku tilmaamey in ay faa’iido badan u yeelan doonto dib u dhiska Ciidanka Xoogga.

“Waxaan ku bogaadinayaa saraakiisha ciidanka xoogga qeybta 21 iyo guud ahaan shacab weynaha cabud-waaq sida ay isugu xilqaameen dib udhiskaan xaruntaan oo ah mid ahmiyad balaaran ugu fadhisa dalka iyo dadka Soomaaliyeed maadaama ay ku taallo xadka dalkeynu uu la wadaago wadanka itoobiya “Ayuu yiri taliyaha xoogga Generaal Odowaa yuusuf Raage.

 

 

Guterres: “Hoos U dhac Horumar Darteed, Afrika Taageero Ayay Dunida Uga Baahanyahay” “Sawirro”

0

Saameeynta COVID-19 ee Afrika oo ay dalalka qaaradda si dhaqso leh kaga jawaabeen dhibaatada Cudurkaana ayaa waxaa haatan lagu soo waramayaa in uu jiro hoos u dhac ku yimid tirada dadka uu covid-19 soo ritay halka in ka badan 2,500 oo qof ay cudurkani u dhinteen.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guteres ayaa ku baaqay in la xoojiyo qorshayaasha iyo howlaha hay’adaha caafimaadka, Sahayda Gargaarka, Tahortagga mashaakilaadka lacag la’aanta, Taageero Waxbarashada, Shaqo Abuurista, Wax kaqabashada ganacsiga sii sabeeynaya iyo in la dejiyo hoos u dhaca xaaladaha dhakhliga ka soo xaroon jiray waxyaabaha dibadaha loo dhoofiyo oo hoos u sii dhacay.”

Mr. Guterres ayaa sheegay in qaaradda Afrika ay u baahan tahay in ay ka hadasho burburka ku yimid dhaqaalaha iyo cawaaqibyada ay wajahayso bulshada kaasi oo ka yimid kadib markii uu shaac baxay coronavirus.

Hadaba, si waxyaabahaasi loo suurrogeliyo waxaa loo baahan yahay in ka badan $200 bilyan oo doolar, in lagaga gudbo amaahda lacageed ee lagu leeyahay wadamada Afrikaanka ah taasi oo ah arin weli taagan.

Dhaqaalaha Qaaradda Afrika ayaa sanadihii dhowaa ahaa mid si xoog leh u sii kordhaysay iyadoo uu jiray heshiis laga gaaray ganacsiga xorta ah ee qaaradda, waxaa sidoo kale Meesha ka baxay dalabaadka badeecadaha Afrika ee loo iibgeyn jiray dalalka dunida, Sidoo kale Dalxiiskii iyo xawaaladihii ganacsiga ayaa gebi ahaanba istaagay.

Qaaradda Afrika ayaa wajahaysa xaalado halis ah oo laga cabsi qabo in cudurka halista ah ee Covid-19 uu gebi ahaanba baabi’iyo dhaqaalaha iyo horumarka tiro dad lagu qiyaasay malaayiin ruux  ee ku kala nool dalalka saboolka ah ee Afrika islamarkaana malaayiin  qof ay wajahaan saboolnimo xad dhaaf ah.

Cudurka Caronavirus ayaa gaaray 89,000 xaaladood iyo 2,848 dhimasho, sida laga soo xigtay xarumaha xakameynta iyo la socodka cudurka ee loo soo gaabiyo (CDC).

Haddii aanan la qaadan tallaabooyin ku filan kahortagga iyo xakameynta coronavirus waxaa suurtagal ah in 190,000 oo qof ay u dhintaan cudurka sanadka ugu horeeya ee uu cudurkan uu ku dhaco 26% iyadoo in lagu qiyaasay 1 bilyan oo Afrikaan ihi uu ku dhacayo cudurkan COVID-19, sida ay sheegtay hay’adda C/fimaadka Adduunka ee WHO.

Dadyowga Qaaradda Afrika ayaa bilowgiiba dareemay xanuunka iyo jahawareerka uu cudurkan sababta uu unoqday sida shaqo la’aanta, cunno yarida iyo iyadoo caruur badan aysan helin talaalka iyo cunnadii ay ka heli jireen iskuulada maadaama gebi ahaanba la xiray.

Madaxweynaha Puntland Oo Ka Hadlay Geerida Wasiirkii Deegaanka, Beeraha Iyo Isbedelka Cimilada

0

Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay Geerida Wasiirkii Degaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Ismaaciil Diiriye Gama’diid oo ku geeriyooday manta Magaalada Muqdisho.

“Anigoo ku hadlaya magaca Dowladda, kan Shacabka Puntland & keygaba, waxaan ka tacsiyaynayaa Geerida Wasiirkii Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland Ismaaciil Diiriye Gama’diid” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu madaxweyne Deni sheegay in Wasiir Gama’diid uu ka mid ahaa aqoonyahanada Puntland ee ka tirsanaa Golaha Wasiirada oo runtii shaqo wanaagsan u hayey dalka iyo dadka.

Madaxweyne Puntland ayaa xusay inuu tiiraanyada Geerida Wasiirka la qaybsanayo Goleyaasha maamulkiisa gaar ahaan golaha xukuumadda, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay marxuumkaasi,wuxuuna Alle uga baryay inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna ka siiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland.

WHO Oo Ku Dhawaaqday In Xanuunka Corona Virus-Ka Uu Ku Si Fidayo Koonfurta Ameerika

0

Tirada xaaladaha la xaqiijiyay ee cudurka Corona Virus ee adduunka ayaa kor u dhaafay 5.3 milyan, xilli Ururka Caafimaadka Adduunka uu ku dhawaaqay in maalmahii danbe cudurkan uu si xowli ah ugu faafayay Koonfurta Ameerika, iyada oo laga tixraacayo xaaladda halista ah ee ka jira dalka Brazil.

Michael Ryan oo ah sarkaalka gurmadka deg-degga ah u qaabilsan WHO ayaa ka sheegay shir ka dhacay magaalada Geneva in koonfurta Ameerika ay noqotay meel ugub ah oo cudurkan uu ku beermay dhawaan.

“Waxaan aragnaa tirada dadka uu soo ritay xanuunkan in ay ku sii faafayaan dalal badan oo dhaca Koonfurta qaarada Ameerika, waxaan walaaca aan qabno ka mid ah in xanuunkan uu wada sameeyay wadamada Ameerika oo idil.

Dalka Brazil ayaa sida muuqata ah halka ugu badan oo ay si ba’an u saamaysay marka loo eego dalalka kale ee kulaala Laatiin Ameerika.”

Ururka Caafimaadka Adduunku wuxuu cadeeyay in Brazil laga diiwaangeliyay in ka badan 300, 000 oo xaalada cusub ah iyo 19,000 oo dhimasho ah.

“Inta badan kiisaska waxaa laga diiwaangeliyay gobolka São Paulo, laakiin dhimashada ugu badan waxay ka dhacday gobolka Amazon” ayuu yiri markale Michael Ryan.

Madaxweyne Waare Oo Cafis U Fidiyay 10-Maxbuus

0

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedla Hirshabelle Dr. Maxamed Cabdi Waare ayaa munaasabadda Ciidul Fidriga awgeed cafis u Fidiyay Maxaabiis kala duwan oo ku jiray Xabsiyada deegaannada maamulkaasi.

Guddiga Qaran Ee Ka Hortaga Covid-19 Oo Ka Hadlay Hoos U Dhac Ku Yimid Faafintaanka Karoona

0

Kulanka ay yeesheen Guddiga Qaran Ee Ka Hortaga Cudurka Covid-19 oo ahaa  qaab muuqaaleedka Internet-ka ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray qiimeynta  guud ee lagu sameeyay saameynta uu dalka ku reebi karo safmarka Covid19, maadaama uu billowday hoos u dhaca heerka faafitaankiisa.

R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa guddoomiyay shirka jogtada ah ee Guddiga Qaran ee xakameynta COVID-19, kaas oo looga hadlo arrimo dhowr ah.

Sidoo kale R/Wasaare  Kheyre ayaa Guddiga ka hortagga faray dardargelinta howlaha looga hortagayo faafitaanka dalka ee Cudurka Coronavirus iyo fatahaadaha ka jira meelo kamid ah dalka Soomaaliya.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa la dareemayay inuu bilowday hoos u dhac ku imaanaya tirada dadka uu soo rito cudurka gaar ahaan gobolka Banaadir waxaana wali jira dadaalo lagu xakameynaya halista uu leeyahay covid-19 iyadoo guud ahaan dalka lasyka kaashanayo sidii dalka looga ciribtiri lahaa.

Guud ahaan tirada uu soo ritay cudurkaan Karoona ayaa gaartay 1,594 halka 204 ay ka bogsoodeen markii lala tacaalay.

Wasiir Maareeye Oo Soo Xiray Tartan Ay Baahinaysay Warbaahinta Qaranka Oo La Soo Gebo-gabeeyay

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayari Maareeye ayaa caawa si rasmi ah  u soo gabo gabeeyay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo sanadkan ay ka qeyb galeen 30 degmo oo ka kala tirsan gobollada dalka oo ay ugu badnaayeen degmooyinka Gobalka Banaadir.

Munaasabadda xiritaanka tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka waxaa ka kaloo ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamed Maxamuud, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti, Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Yaxye Cali Faarax iyo Guddiga tartan cilmiyeedka.

Mudan C/fataax Daahir Jeyte oo ka mid ah xubnaha guddiga ayaa ugu horeyn ku soo dhaweeyay Wakiilada Tartamayaasha Degmooyinka Buurhakaba iyo Dharkeynley, kuwaasi oo ka mahadceliyay sida wanaagsan ee uu tartanka u dhacay, iyagoo si wada jir ah u qiray inay aad ugu qanacsanyihiin hannaanka uu tartanka ku bilowday, kuna soo dhamaaday.

Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Yaxye Cali Faarax ayaa sheegay in sanadkan la qabtay tartankii ugu balaarnaa marka loo eego dhanka ku baahinta baraha bulshada ee Warbaahinta Qaranka, isagoo mahadcelin u jeediyay maamulka Gobolka Banaadir oo gacan ka geystay taaba gelinta tartanka.

“Waa tartankii sagaalad oo ay taabo geliso maamulka Gobolka Banaadir, waana tartanka ugu balaaran ee tartan aqooneed laga qabto magaalada, waxaa intaas dheer in ka badna shan kun oo qof ayaa si toos ah uga daawanayay baraha bulshada ee Warbaahinta Qaranka, waxaan rabaa inaan u mahadceliyo tartamayaasha kaalimaha koowaad, labaad iyo saddexaad galay,  howl-wadeenada Wasaaradda Warfaafinta ayaa u dhabar adeegay in uu tartanka heerkan soo gaaro” ayuu yiri Agaasime Yaxye Cali Faarax.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa sheegay in ay sharaf u tahay in uu ka soo qeyb galo gunaanadka tartan aqooneedka Warbaahinta Qaranka, isagoo intaa ku daray in aqoon lagu tartamo ay tahay wax aad u wanaagsan.

“Waan uga mahadcelineynaa telefishinka Qaranka iyo Radio Muqdisho, anaga aan taabo gelino, balse in bulshada ay gaarsiiyaan waa talaabo aad u wanaagsan, waana soo dhaweyneynaa in la dhiiri geliyo dadka wax bartay” ayuu yiri Cumar Filish oo hadlakiisa ku daray in ay sii wadi doonaan taaba gelinta tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka.

Guddoomiyaha ayaa tartamayaasha uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay uga qeyb qaateen, isagoo si gaar ah u mahadceliyay tartamayaasha caawa tartanka ku guuleystay ee Buurhakaba oo ka tirsan Gobolka Baay, halka kaalinta labaad ay galeen tartamayaasha degmada Dharkeynley.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Maareeye oo soo xiray tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ayaa ugu horeyn maamulka Gobolka Banaadir uga mahadceliyay taabo gelinta tartanka, isagoo hambalyo taa la mid ah u diray tartamayasha Degmada Xamar Jajab oo ku guuleystay tartanka iyo Kismaayo oo galay kaalinta labaad.

“Waxaan hambalyo u dirayaa tartamayaasha ka qeyb galay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa tartamayaasha kala galay kaalimaha 1aad, 2aad iyo 3aad oo kala ah Buurhakaba oo tartanka ku guuleysatay, Dharkeynley oo kaalinta 2aad gashay iyo Warta Nabadda oo kaalinta saddexaad soo tiigsatay, oo ka kala tirsan gobollada Baay iyo Benaadir”. ayuu yiri Wasiir Maareeye oo hadalkiisa ku daray “Waxaan  u mahadcelinayaa intii ka qeyb qaadatay iyo intii lahayd fikirka aqoonta lagu tartamayo, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Guddiga tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo maamulka Gobolka Banaadir taabageliyay tartanka”.

Wasiirka ayaa xusay inay aad u wanaagsan in tartamayaasha ay fursad u heleen inay bartaan degmooyinka Gobollada dalka.

“Tartanka waxaa laga faa’iidaa meelaha ay ku liitaaan ardaydeena iyo waxyaabaha ay ku fiicanyihiin, waxaan soo jeedinayaa in cilmibaarista ka soo baxda tartanka loo gudbiyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dalka” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in tartanka ay ka qeyb qaateen dad aqoonyahanno ah oo dalka soo maray, ayna tahay talaabo lagu faano.

“Waxaan bulshada ugu baaqeynaa in ay qaataan talooyinka caafimaadka, anigoo ku hadlaya magaca guddiga la dagaallanka cudurka COVID-19, inay si dhab ah u qaataan cudurka oo ay ka taxa daraan waxkasta oo cudurka faafin kara”. Ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya.

0

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u bilowday in ay dib usoo celiso muwaadiniinta Soomaaliyeed kuwaasoo muddo bil ah ku xayirnaa dibadaha iyagoo doonayay in dalka ku soo noqdaan arintani ayaa waxaa fududeysay wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku baaqday in dadka ay dib ugu soo laabtaan dalka islamarkaana ay u hogaansamaan tilmaamaha sharciga ee Kahortagga Cudurka Karoona.

Xoghayaha joogtada wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, ayaa sheegay in ku dhowaad 114 muwaadin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalalka deriska sida dalka Kenya oo kale kuwaasoo si nabadgelyo leh ku soo gaaray garoonka caalamiga ee Aadan Cabdulle iyo magaalada Garowe ee Puntland.

Safaaradaha Soomaaliya ee Kenya, Turkiga iyo Pakistan ayaa si aad ah uga shaqeeyay howlaha soo daadguraynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka dib loogu soo celiyay, iyadoo la hubiyay bad-qabkooda caafimaad gaar ahaan feyruska Karoona kahor inta aanay soo safrin.

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ayaa diiwaangelisay tan iyo 16 Maarso 1,594 bukaan oo uu soo ritay xanuunka Koroona feyrus, oo ay ka mid yihiin 204 ruux oo bogsatay iyo 61 ruux oo u geeriyootay.