Home Blog Page 834

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo loo doortay Yuusuf Dabageed.

0

Mudanayasha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa Madaxweyne ku-xigeen u doortay Mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed kaddib markii uu helay 87 cod, halka musharaxa la tartamayay Maxamed Maxmauud Cabdulle uu isna helay 12 cod.

Doorashada oo ka dhacday magaalada Jowhar ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Cabdixakiin Luqmaan, waxa uu ku dhawaaqay in tartanka Madaxweyne ku-xigeenka uu ku guuleystay Mudane Yuusuf Axmed Hagar, kaasi oo afarta sano ee soo socota noqonaya Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle.

 

Waxaa goor dhaw Magalaada Jowhar lagu doortay Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hirshabelle+(SAWIRRO).

0

Waxaa so idlaaday tirintii codadkii la qaaday ee doorashada Madaxweynaha Hirshabelle waxaana codeynta ku guuleystay Ali guudlaawe xuseen oo codadkii ugu badnaa helay, 99 xildhibaan ayaa Codeysay 13 cod ayuu helay Cabdiraxmaan JImcaale Halka Cali Guudlaawe uu helay 86 Cod waxaana lagu dhawaaqay in uu Madaxweynaha Hirshabelle yahay Cali Guudlaawe.

Hada waxaa socoto codeynta madaxweyne kun xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle oo ay ku tartamayaan Musharax Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf dabageed) iyo Musharax Maxamed Maxamuud Cabdulle (M. dheere).

Taariikhada Madaxweynaha la doortay

Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)

Waxa uu Dhashay 1974-tii

Waxa uu Ku dhashay Degmada Mahadaay ee G/Sh/Dhexe.

Waxbarashada.
Dugsiyada Hoose Dhexe iyo Sare Waxa uu kusoo qaatay Magaalada Jowhar.

Jaamacada.
Heerka Darajada Koowaad ee Jaamacada Somali International University

Xilalkii waxaa uu horay u soo noqday Madaxii Maaliyadda Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Xilligii Maamulkii Maxamed Dheere 2001-2006.

Waxaa uu noqday Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe xilligii dowladdii KMG aheyd sanadihii 2007-2009

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe ayuu soo ahaa sanadihii 2014 2016.

October 2016 ayaa loo doortay Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Halkaan kala soco waxii kusoo kordha.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Itoobiya oo xabsiga loo taxaabay.

0

17 sarkaal oo ka tirsan ciidanka federaalka Itoobiya ayaa la xiray kadib markii la sheegay in ay ku kaceen falal xasiloonida lid ku ah.

Sida uu sheegay taliyaha booliska Itoobiya saraakiishaan ayaa jaray qadka isgaarsiinta ee isku xirayay taliska dhexe ee ciidanka iyo taliska waqooyiga ee ku yaalla gobalka Tigreega, halkaas oo TPLF ay qabsatay.

Saraakiishan la xiray waxaa ugu darajo sareeya oo ugu magac dheer sareeye gaas, Gebremedihn Fekadu, oo caan ka ah ciidanka Itoobiya .

Saraakiisha ayaa waxaa lagu soo qabtay howlgal ay wada fuliyeen ciidanka iyo malatariga itoobiya.

Gebremedihn wuxuu ahaa madaxa isgaarsiinta ee ciidanka Itoobiya, waxaana la sheegay in uu la shaqeynayay TPLF.

Janaraalkan ayaa sidoo kale boolisku sheegeen in lagu qabtay 11 sanduuq oo ay ku jireen gantaalo iyo waxyaabaha qarxa oo uu doonayay in uu gacanta u galiyo kooxda TPLF.

Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo si rasmi ah ubilaabatay.

0

Xidhibaannada dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa goor dhaw bilaabatay codeynta madaxweynaha afarta sano ee soo socoto hogaamin doono Hirshabeelle .

Codeynta ayaa mid qarsoonka oo lagu ridayo sanduuq waxaana goobta ku sugan wasiiro ka tirsan dowladda dhexe  iyo xilidhibaanno ka tirsan labada aqal ee barmamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale guddoomimaha barlamaanka Hirshabeelle Mudane Dr. Cabdi Xakiim Luqmaan Xaaji Muxumad.

Xilka madaxweynaha waxaa u tartamaya illaa iyo labo musharax oo kala ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo musharax Cabdiraxmaan Jimcaale Cusmaan.

Xilka Madaxweyne ku xigeenka waxaa sidoo kale u tartamaya Musharax Yuusuf Axmed Hagar iyo Musharax Maxamed Maxamuud Cabdulle (M. dheere).

Shirka gabo-gabeyda dib u Eegista farsamo ee Dastuurka oo Muqdisho ka socda+(SAWIRRO).

0

Waxaa hadda ka socda magaalada Muqdisho, Shirka Wadatashiga Hay’adaha Dastuurka ee heer federaal iyo heer dawlad goboleed.

Shirka ayaa lagu wadaa in lagu soo gebo-gabeeyo dib u eegista farsamo ee Dastuurka ku-meel gaarka ah.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ah guddoomiyaha guddiga dib u eegista dastuurka baarlamaanka Soomaaliya Senator Cabdi Qeybdiid,xildhibaanno iyo khubaro ku xeel dheer arrimaha dastuurka.

Guddoomiyaha Barlamaanka Hirshabeelle oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida ee ku suganMagaalada Jowhar+(SAWIRRO).

0

Guddoomiyaha Barlamaanka Hirshabeelle Mudane Dr. Cabdi Xakiim Luqmaan Xaaji Muxumad ayaa maanta oo arbaco ah waxaa uu kulan lagu xoojinayo sugida amaanka la qaatay saraakiisha ciidamada qalabka sida iyadoo waqti yar uun ay harsantay doorashada hogaanka sare ee Hirshabeelle.

Guddoomiyaha ayaa waxaa xubnaha oo la kulmay ka mid ahaa taliye ku Xigeenka ciidanka booliska dowlad goboleedka Hirshabelle iyo  Taliyaha Guutada 3-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Abshir Maxamuud shataqeey waxaana uu kula dar daarmay in sii xoojiyaan sugida amaanka.

“Waxaa xafiiskayga ku qaabilay maanta  taliye ku xigeenka ciidanka booliska Dowlad goboleedka Hirshabelle iyo  taliyaha guutada 3-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka xoogga dalka Abshir Maxamuud shataqeey waxaana kula dar daarmay in la xoojiyo sugidda Amniga deegaannada dowlad goboleedka Hirshabelle.

Deg Deg Ra’iisul wasaaraha Boqotooyada Baxreyn oo geeriyooday.

0

Ray,sul wasaarihii boqortooyada Baxrayn Sheikh Khalifa bin Salman al Khalifa ayaa geeriyooday, sida ay Qasriga Boqortooyada shaacisay Maanta.

Sheikh Khalifa bin Salman oo 84 sano jiraa, ayaa saakay ku geeriyooday isbitaalka Mayo Clinic ee dalka Mareykanka, sida ay ku warameyso wakaaladda wararka Baxreyn.

Boqortooyada Baxrayn ayaa ku dhawaaqday baroor diiq rasmi ah muddo toddobaad ah inta lagu gudajiro.

 

 

Dowlada Ruushka oo bilowday geynta ciidamo nabad ilaalineed Gobolka lagu muransanyahay ee Karabaakh.

0

Wasaraadda difaaca ee Dalka Ruushka ayaa sheegtay in ciidamo nabad ilaalineed ay u dirtay Gobolka ay isku Hayaan Dowladaha Azrebijaan iyo Armeeniya waayadii danbe ee Karabaakh.

Ciidamada nabad ilaalinta ayaa ka amba bixi doona dalka Armeeniya iyagoo jari doona masaafo dhan 250km, waxaana hubkooda iyo qalabkooda kale loogu daabuli doona diyaarado.

Soo daad gureynta ciidamada nabad ilaalinta ee Ruushka ayaa imaaneysa kadib markii Dowladaha Azerbijaan iyo Armeeniya ay kala saxiixdeen heshiis talaadadii lasoo dhaafay.

Wasiirka gaashaandhiga Armeeniya Davit Tonoyan ayaa uga mahadceliyay Ruushka soo diridda ciidamo nabad ilaalineed.

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in ciidamada nabad ilaalinta ee karabaakh la geynaayo ay tiradoodu dhantahay 1960 asgari oo heysta qalab ciidan oo dhamaystiran.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka oo ka hadlay diidmada Trump ee guushiisa.

0

Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay in diidmada Trump uu diiday in uu ogolaado in doorashada looga guuleystay ay tahay ceeb ama wax laga xishoodo.

Biden oo tan iyo shalay xiriirro kala duwan la sameynayay hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa ku adkeysanaya in aysan jirin wax ka hor-istaagi kara in uu xilka la wareego.

Dhanka kale madaxweyne Trump ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ku sheegay in ugu dambeyntii isaga ay raaci doonto guusha doorashada oo inta badan warbaahinta ay saadaalisay in uu ku guuldarreysan doono.

Wali si rasmi ah looma xaqiijin natiijada dhammaan codadkii laga dhiibtay gobollada dalka Mareykanka, waxaana wali soconaya tirinta codadkii la dhiibtay.

Natiijada rasmiga ahi ayaa la shaacin doonaa kaddib marka ergooyinka doorashada ay kulmaan 14 bisha Diseembar.

Dagaalada ka socda gudaha Dalka Itoobiya oo sababay in kumanaan qof oo qaxooti ah ay u qaxaan Wadanka Suudaan.

0

In ka badan lix kun oo Itoobiyaan ah ayaa gaaray dalka Suudaan si ay uga baxsadaan dagaalada ka socda gobolka Tigray-ga sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Suudaan.

Dowladda Suudaan ayaa filaysa in 200,000 oo Itoobiyaan ah ay soo gaari doonaan dhulkeeda maalmaha soo socda, maadaama dagaalku sii socdo.

Hay’adaha gargaarka oo diyaarinaaya xero qaxooti oo la dejiyo dadka soo qaxaaya ayaa ka digay in dhibaato bini aadanimo ka dhalato qalalaasaha ka socda Itoobiya.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa hore u go’aamiyay in howl gal military laga fuliyo gobalka Tigrega si loosoo afjaro jabahadda hubeysan ee mucaaradka ku ah dowladda.

Boqolaal qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen intii uu socday dagaalka, taas oo dhalisay cabsi laga qabo in dagaal sokeeye dillaaco.

Mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya ayaa sheegay in aysan wax wadahadal la geli doonin dowlad deegaanka Tigerega, illaa ay ka baabi’iyaan dhammaan hubka militariga, siina daayaan saraakiisha federaalka ah ee ay xirteen.

Si kastaba Ururka Goboleedka Midowga Africa oo maalin ka hor ka hadlay dagaalkan u dhaxeeyo Ciidamada Difaaca Dowlada Federalka Itoobiya iyo Jabhad TPLF ee taageersan Ismaamulka Tigreega ayaa labada dhinac ugu baaqay in la joojiyo dagaalka wixii khilaaf ah ee jirana lagu soo dhameeyo wada hadal iyo nabad si loo badbaadsho Dadka rayidka ah.