Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo lagu wado in ay goordhow ka billaabato Magaalada Jowhar.

Date:

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee doraashada madaxweynaha iyo ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa waxa ay ka socotaa magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay waxaana ku sugan dad kala duwan gaar ahaan, siyaasiyiin,odoyaasha dhaqanka iyo musharaxiinta u tartameysa xafiisyada ugu sareeya Hirshabeelle.

Xilka madaxweynaha waxaa u tartamaya illaa iyo labo musharax oo kala ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo musharax Cabdiraxmaan Jimcaale Cusmaan.

Xilka Madaxweyne ku xigeenka waxaa sidoo kale u tartamaya Musharax Yuusuf Axmed Hagar iyo Musharax Maxamed Maxamuud Cabdulle (M. dheere)

Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa inay ka bilaabato magaalada jowhar gaar ahaan hoolka doorasha madaxda hirshabeelle.

Shalay ayey musharaxiinta u tartameyso jagada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle khudbadahooda ka horjeediyeen xildhibaannada Hirshabeelle.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada (COP30)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...