Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo ka wada-hadlay iskaashiga labada dhinac.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan la qaatay safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac iyo taageerada Mareynkan ee Soomaaliya si loo cirib tiro Argagixisada.

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya ayaa qiray dadaallada dib u habeynta Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya iyo sugida amniga oo wax weyn ay iska baddeleen waxuuna sheegay in Dolwadiisu ay sii wadi doonto taageerida Dowlada Soomaaliyeed.

Dowlada Mareykanka ayaa dhicanyo badan ka taageerto Dowlada Federalka Soomaaliya gaar ahaa Tababarida Ciidamo gaar ah iyo Qalabeyntooda iyadoo sidoo kalena ka qeyb noqoto Howlgalada Duqeynta ah ee lagu beegsanyo Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Argagaxisada Alshabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya...