Ra’iisul Wasaare Rooble oo golaha shacabka uga mahadceliyay ansixinta Xukuumadda

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo golaha Shacabka horgeeyay xubnaha cusub iyo qorshaha golaha Xukuumadda ayaa xusay in barnaamijka Xukuumaddu ay saldhig u yihiin arrimaha hortabinta u leh dalka oo ay ugu horreyso qabsoomidda doorashooyinka, adkaynta amniga, horumarinta caddaaaladda, dowlad-wanaagga, kordhinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay wadajir ugala shaqaynayso dowladaha xubnaha ka ah DF iyo shacabka Soomaaliyeed suggidda aminga xilliga doorashadda, iyadoo laga amba-qaadayo go’aannadii ka soo baxay shirarkii Samareeb iyo midkii ka danbeeyey ee Golaha Wadatashiga Qaranka ay ku heshiiyeen Muqdisho, 17kii Sebtember 2020, laguna qeexayay qaabka doorashooyinka, ergooyinka, deegaan doorashada, qoondada haweenka iyo in ay doorashooyinku ay ku dhacaan waqtigooda.

“Xukuumadda oo kaashanaysa dowladaha xubnaha ka Ah DF, waxay dardar-gelinaysaa dadaallada dhammaystirka dib-u-eegista qorshaha Amniga ee xilligan muhiimka ah. Waxa aan shaki ku jirin in fulinta qorshahaan uu siin-doono shacabka, hay’adaha dowladda iyo ciidamada amniga fursad ay si wadajir ah u sugayaan xasilloonida iyo nabadda dalka”ayuu yiri ra’iisalwasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya wuxuu uga mahadceliyay golaha shacabiga ansixinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda, si ay u gutaan shaqooyinka adag ee laga sugayo, wuxuuna cadeeyay in xukuumaddiisa ay mudnaan gaar ah siin doonto wax ka qabashada xadgudubyada ka dhanka ah qaybaha bulshada ee nugul.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Saddexdii Xubnood ee Ka Dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood...

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Ruushka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Soomaaliya oo Taageero U Muujisay Kuwait Kadib Weeraradii Gantaalka Iyo Diyaaradaha Drones-ka

War-Saxaafadeed. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa garab istaag buuxa oo...