Home Blog Page 824

Madaxweyne Farmaajo oo daah-furay Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daah-furay Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka oo saldhig u ah geeddi socodka shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ku xaqiijinayaan himilooyinkooda Qaran.

Madaxweynaha oo mid mid u dul istaagay tiirarka afarta ah ee uu ku saleysan yahay qorshaha Qaran oo kala ah amniga iyo siyaasadda, kobcinta dhaqaalaha, deegaanka iyo horumarinta bulshada ayaa sheegay in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo wadajir ah ay maanta awood buuxda u leeyihiin ka miro-dhalinta hiigsiyadooda Qaran.

“Waxaa bogaadin mudan in aan soo bandhigno qorshe horumarineed oo ay soo diyaariyeen aqoonyahanno iyo khubaro Soomaaliyeed oo saldhig u ah Qorshaha Qaranka ee Shanta sano ee soo socota. Waxaa lagama maarmaan ah in aan u babac-dhigno xal u helista dhibaatooyinka soo noq-noqday ee jilbaha u dhigay dhaqaaleheenna iyo wax-soosaarkeenna.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Qorshahan Qaran uu caalamka u muujinayo sida shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in ay la jaanqaadaan dhiggooda caalamka ee horumarka ku tallaabsanaya, Dowladdooduna ay xoogga saareyso hirgelinta caddaaladda iyo sinnaanta bulshada, sarreynta sharciga, hufnaanta iyo maamul-wanaagga.

Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Dowladdu ay ku shaqeyn doonto 5-ta sano ee soo socota ayaa waxaa soo diyaariyey Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, arrimaha ugu waaweyn ee qorshahani uu diiradda saarayo waxaa ka mid ah; yareynta saboolnimada, dib u habeynta kaabeyaasha dhaqaalaha, tayeynta hay’adaha dowliga ah, hirgelinta nidaam siyaasadeed oo loo dhan yahay, xoojinta sharciga, garsoorka iyo xaqiijinta amniga dalka.

Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Wasiirro, Mudaneyaal ka tirsan Baarlamaanka, Maareeyayaasha Wakaaladaha Qaranka, Aqoonyahanno iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Wasiirka Amniga Hirshabeelle oo ka hadlay Howlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab

0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Maxamed C/raxmaan Kheyre oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa Sheegay in howlgalo ka dhan ah Maleeshiyada Al-Shabaab ay ka wadaan deegaanno ka tirsan Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka amniga Hirshabeelle Maxamed C/raxmaan Kheyre ayaa Sheegay in maleeshiyadu ay isku uruursanayeen deegaanno Hoos yimaada degmada Cadale, iyagoo qorsheynayay iney soo abaabulaan weeraro Shacabka ay la damcsanayeen, balse ciidanka Xoogga dalka uu ka war haley sidaasna howlgal ka dhan ah loogu qaadey

“howlgalka waxa ay ciidamadu kula wareegeen deegaannada Buur baxaar, Faqiyaale iyo Daarusalaam oo dhammaan hoos yimada degmada Cadale ee gobalka Shabeellaha dhexe” ayuu yiri wasiir Maxmed Kheyre.

Sidoo kale wasiirka amniga ayaa intaa ku darey in howlgalladaan ay yihiin kuwo dhammaan deegaannada Dowlad gobaleedka Looga xureyn doono argagaxisada, isagoo Sidoo kale sheegay in ay sameeyeen barnaamijyo shacabka looga wacyi gelinayo Fikirka xagjirka ah.

Maxamed C/raxmaan Kheyre ayaa ugu dambeyn ka hadlay kulamo uu uga soo qeybgalay magaalada baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo xaqiijisay dhaqangalka Manhajka dugsiga dhexe

0

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in uu dhaqan galay Manhajka dugsiga dhexe ee dalka, kaas oo dhawaan ay soo saartay wasaaradda.

Agaasimaha Xafiiska Manaahijta iyo fayo dhowrka Wasaaradda Waxbarashada, mudane, Maxamed Xasan Mukhtaar ayaa tilmaamay in Manhajka dugsiga dhexe uu dhaqan galay, isla markaana iskuulada dalka laga bilaabay Manhajkaan oo uu sheegay inuu wax badan uu ka bedeli doono tayada waxbarasho ee dalka.

Agaasimaha ayaa sheegay in manhajkaan uu yahay mid ay soo diyaariyeen Macalimiin Soomaaliyeed,isagoo xusay in  manhajku uu ka turjumayo dhaqanka Soomaaliyeed, isla markaana uu yahay mid uu leeyahay dalka Soomaaliya taasoo meesha ka saareysa isticmaalka manaahijtii hore ee wadamada kale.

Dhinaca kale iskuulada dalka ayaa soo dhaweeyay manhajkaan dugsiga dhexe ee ay wasaaradu soo saartay,iyagoo sheegay in uu yahay mid si weyn loo tayeeyay oo wax badan ka bedeli kara waxbarashada.

Maamulaha Guud ee iskuulka Hoose, Dhexe iyo sare ee Al-Muxarram, Maxamed Cabdulqaadir Ibraahim “Maadeey” ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Manhajka dugsiga dhexe,isagoo xusay in uu dhaqan

Ayax ku dagey qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in uu ay ayax uu ku degay qaar ka mid ah Gobolka Gobolka Hiiraan.

Ayaxa ayaa shalay ku soo dagey deegaanka Ceel-jaalle ee gobolka Hiiraan iyadoo marki dambe ay dadku iska kiciyeen kadib markii ay rasaas ku rideen.

Dadka beeralayda ah ee ku nool koofurta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in uu beerahooda xalay ku dagey Ayaxaas ,iyagoo sheegay in ay cabsi xooggan ka qabaan in uu dalagyada ka baa bi’iyo.

Ayaxa ayaa Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa ka cabanayay dadka beeraleyda ah ee ku dhaqan gobolka Galgaduud,waxaana hadda ay u muuqataa in uu ku dageyo kuna fidayo qaybo kale oo ka mid ah gobollada dalka.

Wherever Can I Get Supplements?

0

Buy Supplements Online is an excellent place to get supplements web based. In fact , there is also a very very good chance that if you look at their website, you will come across some very good choices.

The identity can suggest that the corporation specializes in just vitamins, employing fact they specialize in a significant selection of other nutritional products, including all-natural food products, https://supplementsph.com.ph/ hair care items, skin care products, wild hair replacement therapies, and many others. Almost everything they sell, you can get online.

Just like anything more, there are some risks that come with buying supplements on-line. The first is the chance that you will not likely be getting what you procure. A good dietary supplement should offer you no harmful effects and should not be more expensive than the wallet will manage.

Yet another thing to watch out for certainly is the possibility that the supplement you bought is not going to offer you not a quick repair, and that it will provide you with nothing but a temporary relief from your state. In fact , you could even realize that the product provides you with some more side effects which can be just will make things more serious. This is why it usually is recommended that you simply do your research purchasing anything, and stick with a reputable company that will give you a great product.

Buy Health supplements Online will most likely provide you with everything required in order to get what you would like out of the supplements. They will provide you with a list of things that you will need so as to have a safe and effective nutritional supplement, and they will offer you with a detailed breakdown of what you will require to get the benefits that you want. They are experienced https://ifbb.com/ experts who discover how supplements work, and they know that their customers deserve only the ideal. The only thing that you must look out for certainly is the shipping costs, which should not become more than $10,50.

Therefore , if you want to be familiar with where you can acquire supplements online, i then would suggest that you look in Buy Supplements Online. You need to be able to find all you need to help you get the results that you want, and so. You will be pleased with the benefits, and the secure feeling that comes with having balanced and healthy diet. and healthy living.

Wasiirka Warfaafinta oo xilka ka qaaday maareeyihii Tiyaatarka.

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xilka ka qaaday maareeyihii Golaha Murtida iyo wacyigalinta Qaranka Maxamed Abuukar Axmed Ma’da.

Wareegto kasoo baxay Xafiiska Wasiir Maareeye ayaa waxaa Maareeyaha Cusub ee Golaha Murtida iyo wacyigalinta Qaranka loogu magacaabay inuu noqdo Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Yuusuf “Shubbe’.

Shirkii wasiirada maaliyadda oo Kismaayo lag usoo gaba gabeeyay

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xilka ka qaaday maareeyihii Golaha Murtida iyo wacyigalinta Qaranka Maxamed Abuukar Axmed Ma’da.

Wareegto kasoo baxay Xafiiska Wasiir Maareeye ayaa waxaa Maareeyaha Cusub ee Golaha Murtida iyo wacyigalinta Qaranka loogu magacaabay inuu noqdo Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Yuusuf “Shubbe’.

Guddoomiyaha guddiga kheyraadka golaha Aqalak sare oo soo xiray shir ay lalahaayeen Wakiilo ka socday maamul goboleedyada.

0

kulankaan ayaa ahaa mid la-tashi ah  waxaana   Guddiga Kheyraadka Qaranka,Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Golaha Aqalak Sare baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay la qaateen Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka loogana tashanayay   Hindise-sharciyeedka Batroolka.

Kulanka ayaa waxa uu soconayay mudo labada maalmood ah iyadoo qodobada Hindise-sharciyeedka Batroolka goobta laga aqriyay, lagana dooday.

Kulanka markuu soo gaba gaboobay ayaa warbaahinta la hadlay Xildhibaan Bile Cabdulle Cabdi oo ka mid ah xildhibaanada dowlad goboleedka Jubaland iyo Maxamed Xasan Geelle oo ka mid ah xildhibaanada Galmudug, waxa ay sheegeen in wax wanaagsan ay tahay wadatashiga una mahadcelinayaan guddiga Qeyraadka gollaha aqalka sare BFS.

Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka Qaranka ,Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Golaha Aqalak Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  Sen, Ilyas Cali Xasan oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in sharcigaan Batroolka uu yahay sharci la doonayo in ay ku dhaqmaan dadka Soomaaliyeed muhiimna ay tahay la tashiga dowlad goboleedyada maadaama uu aqalka sare matalo.

Kulankan latashiga ay Guddiga Kheyraadka Qaranka ,Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Golaha Aqalak Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  ay la yeelanayeen dowlad goboleedyada dalka ayaa waxa uu soconayay mudo laba maalmood.

Xuska 76 guuradii ciidanka booliska Soomaaliyeed oo Muqdisho laga xusay.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow oo ka hadlayay munaasabadda xuska 76 guurada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka booliska ayaa ciidanka ku booriyay inay labo jibaaraan u adeegidda shacabka.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in ciidanka boolisku ay ku guuleysteen ka hortagga falal badan oo ay argagixisada Al-Shabaab dooneysay inay ku dhibaataan shacabka, isagoo bogaadiyay sida ay ciidanka u gudanayaan gudashada waajibaadka loo igmaday.

“Waxaan bogaadinayaa xilkasnimada, daacadnimada iyo gudashada waajibaadka idinka saaran howsha la idin igmaday, ciidamada booliska ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan qaraxyo ay maleegayeen argagixisada Al-Shabaab, Wasaaradda Amniga waxaa ka go’an horumarinta iyo kobcinta aqoonta ciidanka booliska, si ay u gutaan waajibaadka loo xilsaaray” ayuu yiri Wasiirka Amniga gudaha.

Mudane Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ku guuleysatay u kuurgelidda xaaladda dhabta ah ee uu ku suganyahay ciidanka booliska.

“Waxaa noo soo dhameystirmay wajiga labaad ee baaritaanka u kuurgalka marxaladaha booliska, waxaana noo soo baxday in ciidanku ay u baahanyihiin kobcin dhankasta ah, waxaa kaloo noo soo baxay inay lagama mar maarntahay casriyeynta booliska Soomaaliyeed si ay ula jaanqaadaan booliska adduunka, sida ka hortagga argagixisada, muqaadaraadka iyo tahriibka.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow ayaa faray ciidanka booliska inay si cadaalad ah ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo si diiran u soo dhaweeyay wafdi ka socda Somaliland oo deeq keenay

0

Wafdi uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Guddiga gurmadka fatahaadaha Baladweyne ee Somaliland ayaa maanta deeq lacageed oo gaareysa 600,000 oo dollar (Lix boqol oo kun oo Dollar) soo gaarsiiyay Muqdisho, iyadoo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ay ku soo dhaweeyeen Wasiirro, Xildhibaanno, ganacsato iyo Culimo Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa boggaadiyey in dadka walaalaha ee Soomaaliya iyo reer Somaliland ay is caawiyaan, taasina ay muujineyso sida dadkeennu ay ugu weyn tahay Soomaalinimada.

Jamaal Ceydiid Ibraahim guddoomiyaha guddiga gurmadka fataadaha Baladweyne ee Somaliland, ayaa sheegay in dhaqaalahan ay iska soo uruuriyeen shacabka iyo madaxda Somaliland si ay u garab istaagaan walaalahood ay fataahaduhu saameeyeen ee reer Baladweyne..

Xildhibaan Suleybaan Maxamuud Xaashi iyo Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka socday Culimada Soomaaliyeed ayaa si weyn uga mahadceliyey dadaalka iyo dadnimada ay walaalaha Somaliland muujiyeen.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa tilmaamay in gurmadka dhaqaale ee reer Somaliland uu muujinayo sida weli labada shacab ay isu jecel yihiin, loona baahan yahay in madaxdu ay ka faa’iideysato midnimadaas.

Gurmadka dhaqaale ee gaaraya Lixda Boqol oo kun oo Dollar ee Somaliland ka yimid ayaa muujinaya walaaltinimada dheer iyo isku gargaaridda labada dhanba, waxaana lagu xusuustaa in abaarihii qeybo ka  mid ah dalka ku dhuftay  sannadkii 2011-kii in ay kaalin muuqata ka qaateen gurmadkii lagu badbaadinayey boqollaal kun Soomaaliyeed.