Faransiiska oo wadatashi ugu yeertay Safiirkiisa dalka Turkiga.

Date:

Madaxwaynaha Turkiga Racep Dayip Erdogan oo la hadlayay xubno ka tirsan xisbigiisa AK party ayaa sheegay in madaxwaynaha faransiiska Macron uu u baahan yahay baaritaan dhanka maskaxda ah, kadib markii uu hogaamiyaha Faransiiska sheegay inuu gacan bir ah ku qabanayo Islaamiyiinta xagjirka ah ee wadankiisa, dhanka kale Madaxwaynaha Faransiiska Macron oo ka carooday hadalkaasi Ordagan ayaa wadatashi ugu yeeray safiirkiisa u fadhiya Turkiga.

Madaxweyne Macron oo ka falcelinayay dilka nin macallin ahaa oo qoorta laga jaray kadib markii uu soo bandhigay sawir uu ku suurad xumaynayay Nebi Maxamed NNKH, ayaa  ku adkaystay  in dalkiisa uusan joojin doonin sawirrada noocaasi ah.

Labadaan madaxwayne oo dalalkoodu ay ka tirsan yihiin gaashaanbuurta NATO ayaa isku haya arimo ay ka mid yihiin dagaalada Suuriya, Liibiya iyo Nagorno- Karabakh. Balse hadalka Erdogan ayaa ahaa mid si toos ah uu ugu weerarray shakhsiyadda Macron.

Madaxweyne Erdogan ayaa ka carooday in qaar ka mid ah dhismayaasha dowladaha hoose ee Faransiiska lagu soo bandhigay sawir gacmeedkii macallinka loo dilay, xilli xus loo samaynayay Arbacadii.

Waxa uu sidoo kale dhaliilay hadal uu Macron jeediyay ka hor dilkaasi oo ahaa in “Diinta Islaamka ay dhibaato ku tahay caalamka oo dhan.”

Muslimiinta Faransa ayaa ah kuwa ugu badan Yurub, qiyaas ahaanna waa 10% tirada shacabka dalkaas. Qaar kamid ah Muslimiintaas ayaa ku eedeeyay Macron inuu cadaawad u hayo diintooda

Xiisadda labada waddan ayaa meel adag gaartay, waxaana Turkiga uu taageeray in la qaadaco alaabaha Faransiiska lagu sameeyo, arintaasi oo ka billaabatay qeybo ka mid ah Bariga Dhexe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir Maaliyadeed oo u dhexeeya DFS iyo IMF oo lagu soo gabagabeeyay Riyadh

waxaa maanta Magaalada Riyadh ee Boqortooyada Saudi Arabia lagu...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Golaha Wasiirrada oo bogaadiyey Ciidamada Puntland oo guulo ka gaaray dagaalka Khawaarijta 

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulen la yeeshay ku-simaha Madaxa UN Women

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Soomaaliyeed -SoDMA mudane Maxamuud Macalin...