Home Blog Page 805

(DAAWO) BARNAAMIJKA QALIN IYO QORAAL ©SNTV // 26.11.2020.

Halkan ka Daawo Barnaamijka Qalin iyo Qoraal SNTV.

Gabar soomaaliyeed oo heysata dhalashada Mareykanka oo ka baxeysa shaqada Models.

0

Halimo Adan oo ah gabar soomaali mareykan ah islamarkaana oo heer sare ka gaartay dhanka Models ee dumarka dharka xayeesiiya ayaa sheegtay in ka baxday shaqada xayeesiinta dharka.

Halimo oo sanadkii 2017 iyada oo ah 19 jir ka soo muuqatay munaasabada xayeeysiinta dharka ayaa ahayd qofkii ugu horeeyay madaxu  u xijaaban yahay oo tartanka gasha.

Halimo ayaa wixii mudadaas ka danbeeyay noqotay xidig ka dhaxmuuqata hablaha models .

Halimo oo iminka 23 jir ah  ayaa sababta ay isaga dhaaftay shaqadan ku sheegtay in ay dooneyso in fuliso waajibaadka diineed iyo midka dhaqan oo ay leedahay.

waxay gabadhani ku dhalatay xeryaha qaxootiga ee kenya halkaas oo waalidkeeda ay ku noolaayeen.

Faransiiska oo Soomaaliya ka cafiyay lacag dhan 306 milyan.

0

Heshiiskaan oo dowladda Faransiisku Soomaaliya uga cafisay 306 milyan oo dolarka marekanka ah ayaa waxaa Muqdisho ku kala saxiixday Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale iyo Safiirka Dowladda Faransiiska ee Soomaaliya iyo Kenya Aline Ménager

Tani waa tilaabo kale oo Soomaalliya ay u qaaday ka guul gaarista wadahaldalka deyn cafinta oo maraya barta go’aan qaadashada.

Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa saxiixa heshiiska kadib u waramay Warbaahinta Qaranka wuxuu sharxay muhiimada ay nooledahay  heshiiskan.

“Faransiiska waxa weeye wadanka 4aad ee lacagta ugu Badan naguleh, wadanka 1aad waa Maraykanka, wadanka 2aad waa Ruushka halka kan 3aad uu yahay Talyaaniga, faransiisku wuxuu nagu lahaa lacag dhan 560 milyan oo maanta 306 milyan oo kamida uu naga cafiyay” ayuu yiri Wasiir Beyle

Wasiirka maaliyadda ayaa hadalkiisa ku daray in lacagaha soo harray lagu hishiiyay in muddo 3 sano gudohood ah hadii Soomaaliya ay deymo kale qaadan laga cafin doono

Horey Soomaaliya waxaa deymaha ugu cafiyay  Wadamo iyo Hey’adaha dhaqaalaha Caalamka waxaana talaabada Faransiiska uga cafiyay Soomaaliya lacagtan ayaa ku timid dib u habeyntii maaliyadda iyo guulihii Soomaaliya ka gaartay wadahadalka dayn dhaafka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo daah furay shir muhiim ah+(SAIWRRO)

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa magaalada Baydhabo ku Daah-furey Shirka Guddoomiyayaasha Gobalada iyo Degmooyinka Koonfur Galbeed.

Shirkan oo socon doono muddo shan maalmood ah ayaa waxaa ka qeybgalaya dhamaan Guddoomiyaasha Sedaxda Gobol iyo tobon iyo sideedda Degmo ee Koonfur Galbeed waxaana shirkan soo qaaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha gudaha, dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo ay taageero ka helaysa USAID iyo TIIS+

Wasiirka Qorheynta oo la kulmay hay’adaha Masiibooyinka Puntland+(SAWIRRO).

0

Wasiirka Wasaaradda Qorheynta Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya, mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay xubno ka socday Hay’adaha Gar-gaarka Arrimaha Beni’aadanimmada iyo Masiibooyinka Puntland.

Kulanka waxaa loo ga hadlay saameynta duufanta GATI ee ku dhuftay deeganada Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland.

Cabdicasiis Cabdullaahi Axmed oo ah Maamulka Hay’adaha Gargaarka Arrimaha Beni’aadanimmada iyo Masiibooyinka Puntaland ayaa sheegay in saameyn ay ku yeelatay dhul baxaadleh’ oo ay ka midyihiin Xaafuun, Isku shuban, Gurdiya, Baargeele, Boosaaso iyo tuulooyin kale ah.

“Mudane Wasiir Duufaanta GATI waxa ay sababatay geerida 12 ruux oo 8 Yemaniyiin tahay  iyo Afar Soomaali ah, sidoo kale qiyaasta dadka ay saameysay ayaa gaaraya 200 oo qoysas ah oo ku kala nool deegaannada  Xaafuun, Iskushuban, Gurdiya iyo Baargeele.

Halka Boosaso ay saameyn ku yeelatay Afar boqal oo kun oo Barakacyaal ah, xoolo fara badan oo isugu jira Geel, Ari ayey galaafatay Duufunta, waxa ay jartay Isgaarsiinta iyo koronta oo ay dhulka la gashay Duufaanta GATI,

Waxaan ku soo gaarsiinay dhibaatada halkaasi ka jirta Mudane Wasiir waxaan codsaneynaa in gurmad deg-deg ah lala soo gaaro” ayuu yari Cabdulcasiis.

Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Xukuumaadda Federaalka Somaaliya ayaa walaac ka muujiyay xajmiga ay ku dhuftay Duufanta GATI deegaanada Mamullka Puntland, waxuuna hoosta ka xariiqay  ka Wasaaradd ahaan ay diyaarinayaan isku dubaridka hay’adaha Gar-gaarka deg-dega ah ee isugu jira kuwa dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ugu jawaaban xaaladda Beni’aadannimo ee ka jirto halkaasi.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan waxaa kulanka ku wehliyay Madaxa Xafiiska  Xalka-waara, Zahra Cabdi Maxamed iyo Masuu’iliyiin ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta Maal-gaashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Haweenka oo Daah furtay Ololaha 16 Maali ee Ka Hor Tagga Tacadiyadaha Dumarka+(SAWIRRO).

0

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Soomaaliya, Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaabsade) ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah furtay ololaha 16 maalin ee ka hor tagga tacadiyadaha haweenka.

Kulanka daah furtay ololaha, waxaa ka qeybgalay, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, iyo ururada haweenka, wasiirka haweenka oo ugu horeyn ka hadashay kulanka waxaa ay ka tacsiyeysay dhacdadii xanuunka badneyd ee habeen hore ka dhacay degmada Waajid ee gobolka Bakool oo Alshabaab qoys idil ku laayeen.

Alshabaab ayaa habeen hore degmada Waajid ku laayay qoys ka kooban todobo xubnood oo ay ku jiraan hooyo uur leh iyo carruur aad u yar yar, sidoo kale waxaa dadka la dilay ku jiray aabaha qoyskaas, Allah u naxariistee.

“Falkaas wuxuu ka suurtagalaa qof aan damiir laheyn, waxay ka suurtagashaa qof aan diin laheyn.. waa dad birimageydo ah.. laakiin qolyahan argagaxisada ah arrintaas ma ixtiraamaan, waxay beegsadaan dadka ugu nugul bulshada, runtii dhibaatooyinkaas waa wax aan qof damiirkiisu nool yahay u dul qaadan Karin,” ayay tiri wasiir Xaniifa.

Xildhibaan Canab Xasan Cilmi, oo ka hadashay munaasabadda ayaa sheegtay in wasaaradda kala shaqeyn doonaan sidii loo dhisi lahaa guddiga madaxa banaan ee xuquuqul insaanka, iyadoo xustay in guddigaas ay yihiin kuwa wax ka qaban kara dhibaatooyinka soo laa laabtay ee haweenka lagula kaco.

Wasiirka haweenka xukuumadda Soomaaliya, oo si rasmi ah u daahfurtay ololaha ayaa xustay in shaqooyinka hor tabinta leh ee wasaaradda u yaala ay kamid yihiin dhismaha guddiga madaxa banaan ee xuquuqda aadanaha oo dalka muhiimad gaar ah u leh.

“Qorshaha 100 maalin ah ee wasaaradda waxaa ku jira dhowr hal beeg; oo ay ugu horeyaan horumarinta xuquuqda aadanaha, sida dhismaha guddiga madaxa banaan ee xuquuqul insaanka, dhismaha hey’adda naafada qaranka iyo meel marinta sharciga la dagaalanka guddniinka fircooniga,” ayay xustay Xaniifa Maxamed Ibraahim.

Hal ku dhegga sanadkan ayaa ah in loo ololeeyo ka qeybgalka haweenka siyaasadda dalka, iyadoo ololaha 16 maalin uu socon doono ilaa 10 bisha December, waana olole caalami ah oo dunida oo dhan laga waddo.

Kiisaska COVID-19 oo Dhaafay 60 Milyan Caalamka oo Dhan.

0

Tirada kiisaska COVID-19 ee dunida  ayaa dhaafay 60 million, sida arbacadii sheegtay jaamacadda Johns Hopkins.

Jaamacadda fadhigeedu yahay Mareykanka ayaa diiwaan gelisay 60,186,902 kiisas oo ah safmarka corona ah iyadoo 1,417,319 oo qofna u dhinteen xanuunka kolkii hore ka soo unkamay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha bishii December, ee sanadkii hore.

Dalka Mareykanka ayaa wali ah halka uu safmarka sida ba’an u dhibaateeyay, in ka badan 261,000  oo ruux ayaa u geeriyootay halka 12.7 million oo kiis laga diiwaan geliyay, waxaa ku xiga dalka India 9.2 million oo kiis ayuu marayaa safmarka corona, Brazil ayaa sidoo kale kamid ah meelaha uu saameeyay 6.1 million oo kiis ayaa laga heley iyadoo France  2.2 million kiis uu ku dhacay.

Ku dhowaad 38.4 million oo qof ayaa ka bogsootay feyraska corona caalamka oo dhan.

In ka badan 100  jaad oo tallaal ah ayaa hadda maraya heerar kala duwan, shirakadda dawooyinka ee Mareykanka Pfizer iyo tan Jarmalka laga leeyahay ee BioNtech ayaa todobaadkii hore sheegay in 95% tallaalka uu wax tar yeeshay isla markaana ku wadaan dib u habeyn.

Hadalka shirakadaha ayaa imaanaya maalmo ka dib markii shirkadda Mareykanka Moderna ay sheegtay in si iskeeda ah u sameysay tallaal isla markaana lagu kalsoonaan karo 94.5%.

Dedaalka loogu jiro soo saarista tallaalka, wuxuu muujineyaa in dhammaadka COVID-19, sida uu sheegay agaasimaha hey’adda QM u qaabilsan caafimaadka WHO.

Ethiopia oo Bilaabaysa Wajigii u Dambeeyay Howlgalka Gobolka Tigree.

0

Militiriga Ethiopia wuxuu bilaabi doonaa wajigii u dambeeyay howlgalka ka dhanka ah mucaaradka gobolka Tirgee, sidaa waxaa sheegay ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo bayaan soo saaray khamiistan maanta ah.

Hadalkan ayaa imaanaysa xilli uu dhammaaday 72 saac oo uu ra’iisul wasaaraha u qabtay in ay isku soo dhiibaan dagaalyahnada TPLF.

“72- saac oo aan siinay dambiiliyaasha TPLF in ay isku soo dhiibaan waa uu dhammaaday howlgalka ciidankeena wuxuu galayaa wajigii u dambeeyay,” ayuu Twitter ku soo qorey.

Waxaa uu intaas ku daray, in shacabka loo tureyo  isla markaana horey waxaa isku soo dhiibay kumanaan dagaalyahno ah.

Wakaaladda wararka Reuters oo warkan qortay saaka ayaa  sheegtay in aysan awoodin in xiriir la sameyso TPLF, sidaas awgeed sheegashada labada dhinac si madaxa banaan looma xaqiijin karo, sidoo kale isgaarsiinta degaanka ayaa hawada ka maqan.

Ergay ka socda midowga Afrika ayaa ku sugan Ethiopia  waxayna ka codsadeen madaxda dalka in arrintan nabad lagu dhammeeyo, kooxaha xuquuqul insaanka ayaa ka walaacsan dagaalka waqooyiga Ethiopia ayagoo ka cabsi qaba in waxyeelo ka soo gaarto shacabka.

Abiy ayaa 72 saac u qabtay TPLF in ay hubka dhigaan haddii kalena ay wajahi doonaan dagaal adag, buuraleyda ku heeran xarunta gobolka Tigree ee Mekelle ayaa la isku hayaa, magaalada waxaa ku noo 500,000 oo ruux.

Kumanaan shacab ah ayaa la aaminsan yahay in ay ku dhinteen dagaalka, sidoo kale waxaa jira burbur aad u bahsan oo ay sababeen duqeymaha dhanka cirka ah, affarta bishan ayuu bilowday dagaalka u dhexeeya militiriga Ethiopia iyo xooggaga jabhadda xoreynta dadka Tigree ee TPLF, in ka badan 42,000 oo qof ayaa u kala qaxay dalalka Suudaan iyo Eritrea.

Wasiirka Ganacsiga oo ka qeyb-galay Bandhiga cunnooyinka caalamiga ah oo lagu qabtay Turkiga+(SAWIRRO).

0

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukumadda federaalka Soomaaliya  Mudane Xildhibbaan Khaliif Cabdi Cumar, ayaa magaalada Istaanbuul ee Turkiga kaga qeyb-galay bandhigga cunnooyinka caalamiga ah oo la qabtay markii saddexaad sidoo kale na ay ka soo qeyb-galeen in ka badan 20 wadan.

Ganacsatada Soomaaliyeed oo garab ka helaaya wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha xukumadda federaalka Soomaaliya iyo hay’adda USAID gaar ahaan mashruuca GEEL, ayaa halkaas ku soo bandhigay cunooyin kala duwan oo ay ku jireen midhaha, sisinta iyo kaluunka kuwaasi oo ganacsatada iyo maal-gashadeyaasha caalamiga ahi ba ay aad u xiiseynaayeen.

Wasiir Khaliif oo booqday goobta loo asteeyey in lagu soo bandhigo wax-soo-saarka Soomaaliya, ayaa ganacsatada uga ku boggaadiyey dedaalka ay sameeyeen, waxaana uu xusay inay ka dawlad ahaan ka go’an tahay siddii suuqyo caalami ah looggu heli lahaa wax-soo-saarka wadanka isaga oo sidoo kale na u mahad-celiyey mas’uuliyiinta mashruuca GEEL oo iyagu na mar walba taageero la garab taagan ganacsatada Soomaaliyeed.

Bandhig Ganacsiyeedkan, ayaa kor-u-qaadaya siddii Soomaaliya ay suuqyo cusub ugu heli lahayd wax-soo-saarkeeda sidoo kale na ay maal-gasheyaal caalami ah ugu soo jiidi lahayd wadanka.

Ra’isulwasaarahii hore ee Sudan Sadiq al-Mahdi oo Coronavirus u dhintay.

0

Sadiq al-Mahdi  oo haa siyaasi caan ah iyo wadaad dhanka diinta oo Sudan iyo dunidaba magac ku lahaa ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaala dalka imaaraadka saakay oo khamiis ah.

Wuxuu ahaa ra’isulwasaarahii ugu danbeeyay ee Sudan kaas oo si xor ah loo doorto waxaana afganbiyay ciidanka oo talada la wareegay 1989 markaas oo Al-Bashiir majaraha Sudan qabtay.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in uu u dhintay xanuu ka Coronavirus.

Sadiq al-Mahdi  oo ahaa 84 jir wuxuu ra’isulwasaare ka soo noqday Sudan labo goor oo kala ahaa 1966 ilaa 1967 sidoo kale 1986 ilaa 1989