Kiisaska COVID-19 oo Dhaafay 60 Milyan Caalamka oo Dhan.

Date:

Tirada kiisaska COVID-19 ee dunida  ayaa dhaafay 60 million, sida arbacadii sheegtay jaamacadda Johns Hopkins.

Jaamacadda fadhigeedu yahay Mareykanka ayaa diiwaan gelisay 60,186,902 kiisas oo ah safmarka corona ah iyadoo 1,417,319 oo qofna u dhinteen xanuunka kolkii hore ka soo unkamay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha bishii December, ee sanadkii hore.

Dalka Mareykanka ayaa wali ah halka uu safmarka sida ba’an u dhibaateeyay, in ka badan 261,000  oo ruux ayaa u geeriyootay halka 12.7 million oo kiis laga diiwaan geliyay, waxaa ku xiga dalka India 9.2 million oo kiis ayuu marayaa safmarka corona, Brazil ayaa sidoo kale kamid ah meelaha uu saameeyay 6.1 million oo kiis ayaa laga heley iyadoo France  2.2 million kiis uu ku dhacay.

Ku dhowaad 38.4 million oo qof ayaa ka bogsootay feyraska corona caalamka oo dhan.

In ka badan 100  jaad oo tallaal ah ayaa hadda maraya heerar kala duwan, shirakadda dawooyinka ee Mareykanka Pfizer iyo tan Jarmalka laga leeyahay ee BioNtech ayaa todobaadkii hore sheegay in 95% tallaalka uu wax tar yeeshay isla markaana ku wadaan dib u habeyn.

Hadalka shirakadaha ayaa imaanaya maalmo ka dib markii shirkadda Mareykanka Moderna ay sheegtay in si iskeeda ah u sameysay tallaal isla markaana lagu kalsoonaan karo 94.5%.

Dedaalka loogu jiro soo saarista tallaalka, wuxuu muujineyaa in dhammaadka COVID-19, sida uu sheegay agaasimaha hey’adda QM u qaabilsan caafimaadka WHO.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...