Wasiirka Haweenka oo Daah furtay Ololaha 16 Maali ee Ka Hor Tagga Tacadiyadaha Dumarka+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Soomaaliya, Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaabsade) ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah furtay ololaha 16 maalin ee ka hor tagga tacadiyadaha haweenka.

Kulanka daah furtay ololaha, waxaa ka qeybgalay, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, iyo ururada haweenka, wasiirka haweenka oo ugu horeyn ka hadashay kulanka waxaa ay ka tacsiyeysay dhacdadii xanuunka badneyd ee habeen hore ka dhacay degmada Waajid ee gobolka Bakool oo Alshabaab qoys idil ku laayeen.

Alshabaab ayaa habeen hore degmada Waajid ku laayay qoys ka kooban todobo xubnood oo ay ku jiraan hooyo uur leh iyo carruur aad u yar yar, sidoo kale waxaa dadka la dilay ku jiray aabaha qoyskaas, Allah u naxariistee.

“Falkaas wuxuu ka suurtagalaa qof aan damiir laheyn, waxay ka suurtagashaa qof aan diin laheyn.. waa dad birimageydo ah.. laakiin qolyahan argagaxisada ah arrintaas ma ixtiraamaan, waxay beegsadaan dadka ugu nugul bulshada, runtii dhibaatooyinkaas waa wax aan qof damiirkiisu nool yahay u dul qaadan Karin,” ayay tiri wasiir Xaniifa.

Xildhibaan Canab Xasan Cilmi, oo ka hadashay munaasabadda ayaa sheegtay in wasaaradda kala shaqeyn doonaan sidii loo dhisi lahaa guddiga madaxa banaan ee xuquuqul insaanka, iyadoo xustay in guddigaas ay yihiin kuwa wax ka qaban kara dhibaatooyinka soo laa laabtay ee haweenka lagula kaco.

Wasiirka haweenka xukuumadda Soomaaliya, oo si rasmi ah u daahfurtay ololaha ayaa xustay in shaqooyinka hor tabinta leh ee wasaaradda u yaala ay kamid yihiin dhismaha guddiga madaxa banaan ee xuquuqda aadanaha oo dalka muhiimad gaar ah u leh.

“Qorshaha 100 maalin ah ee wasaaradda waxaa ku jira dhowr hal beeg; oo ay ugu horeyaan horumarinta xuquuqda aadanaha, sida dhismaha guddiga madaxa banaan ee xuquuqul insaanka, dhismaha hey’adda naafada qaranka iyo meel marinta sharciga la dagaalanka guddniinka fircooniga,” ayay xustay Xaniifa Maxamed Ibraahim.

Hal ku dhegga sanadkan ayaa ah in loo ololeeyo ka qeybgalka haweenka siyaasadda dalka, iyadoo ololaha 16 maalin uu socon doono ilaa 10 bisha December, waana olole caalami ah oo dunida oo dhan laga waddo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...