Home Blog Page 806

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada oo ka qeyb galay shir muhiim ah.

0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta ka qeybgalay madasha Wasaaradaha oo ku aaddan iswaafajinta socdaalka Shaqaalaha Bariga iyo Geeska Afrika.

Kulanka oo ku qabsoomay habka fogaan aragga ee aaladda internet-ka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirrada Bariga iyo Geeska Afrika ee arrimaha Shaqada iyo shaqaalaha qaabilsan.

“Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya waxay saxiixday khariidad-nabadeed si loo ilaaliyo xuquuqda muhaajiriinta Shaqaalaha Soomaaliyeed ee doonaya shaqo dibedda ah”.ayuu yiri Wasiir Duraan oo hadalkiisa ku daray in shirka uu ku soo idlaaday jawi guul ah.

Xidigii hore ee Kubadda Cagta Aduunka Maradona oo u geeriyooday wadno xanuun.

0

Sida lagu qoray Daily mail halyeygii hore ee Xulka kubadda cagta Argentina Diego Armando Maradona ayaa goordhow ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaalla magaalada Tigre ee dalka Argentina kadib markii uu asiibay wadno xanuun.

Maradona oo ahaa 60 jir wuxuu ka mid ahaa xirfadyahanadii ugu sareeyay ee abid soo maray kubadda cagta, waxaana si gaara loogu xusuustaa koobkii dunida ee sanadkii 1986 uu gacanta u galiyay dalkiisa Argentina, isagoo xulkiisa u saftay 91 cayaar caalami ah, una dhaliyay 34 gool.

Guulihii uu ka gaaray ciyaaraha kubadda cagta waxaa ka mid ah

Koobkii Adduunka oo u qaaday dalkiisa sanadkii 1986 ee lagu qabtya Mexico

Copa América oo uu ka galay kaalinta saddexaad 1989 laguna qabtay Brazil

Koobka Adduunka ee ka yar 20 jirada ee lagu qabtay Japan oo uu xulkiisa u qaaday sanadkii 1979-kii.

Xidiga ayaa u soo cayaaray Kooxaha Argentinos Juniors, Boca Juniors oo labaduba ka dhisan Argentina, Barcelona oo Spain ah, Napoli oo Talyaani ah oo uu kula guuleystay labo koob oo horyaalka Talyaaniga ah, Sevilla oo sidoo kale Spain ah, Newell’s Old Boys iyo markale oo uu ku soo laabtay naadigii hore ee Boca Juniors.

Madaxweynaha xirirka kubadda cagta ee dalka Argentine Claudio Tapia ayaa xaqiijiyay geerida halyeeyga xulka Qaranka Argentine.

Maradona ayaa lagu tiriyaa in uu ahaa xidiggaha mucjisada ah ee kubadda cagta adduunka soo maray.

Horaantii bishan ayaa lagu sameeyay qaliin dhanka maskaxda ah, waxaana dib loogu celiyay hoygiisa markii lagu guuleystay qaliinka.

Maradona wuxuu dhashay 30 October 1960, wuxuuna geeriyooday 24 November 2020

Taliyaha qeybta booliska Gobolka Bari oo dhiiri geliyay arday ka qalin badalaneysay Jaamacadda bariga Afrika+(SAWIRRO).

0

Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud “Anagu waxaan u baahanahy dhallinyaro aqooon leh oo u adeega dalka iyo dadka Soomaaliyeed, kuna biira ciidamada Dowladda”

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa hadalkaani ka yiri mar uu maanta ka qeybgalay xaflad ay ku qalin badalanayeen arday dhammaysatay heerka koowaad ee Jaamacadda Bariga Afrika, laanteeda Boosaso, kuwaas oo bartay kuliyado kala duwan.

Taliyaha qeybta booliska gobalka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa ardayda uga mahadceliyay dadaalka ay soo muujiyeen, waxana uu ugu baaqay in aqoonta ay uga sii faa’iideeyaan shacabka, waxa kaloo uu ku dhiirigeliyay in ay dalkooda aaminaan oo aqoonta ay sii wataan, kana shaqeeyaan horumarinta guud ee dalka iyo ka shaqaynta hal abuuro cusub oo wax tari kara bulshada Soomaaliyeed

Maamulka Jaamacadda bariga Afrika ayuu Taliye Xuseen uga mahadceliyay bilad sharaf iyo shahaado sharaf wada socda oo ay guddoonsiyeen, iyagoo u arkay shaqsi dadaal badan oo wax wayn ka badalay xaaladda amni ee Gobalka Bari.

Munaasabad lagu furayay xafiis uu yeelanayo ururka ardayda Soomaaliyeed ee Uganda oo ayna ka qayb galeen madax ka socotay safaaradda ka dhacday Kampala+(SAWIRRO).

0

Munaasabadan lagu daah furayay xafiis uu ugu adeegi doono ururka ardayda Soomaaliyeed ee Uganda ayaa waxaa ka qayb galay Uqaysanaha Waxbarashada Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Mudane Liibaan Xuseen Deerow iyo madax kale.

Gudoomiyaha Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Uganda Cabdimaajid Cabdiraxmaan Salaad ayaa uga mahadceliyay taageerada balaaran ee safaaradda Soomaaliya siisay ururka ardayda si xafiiskan u furaan, isagoo si gaara ah uga mahadceliyay siihayaha Safaaraddda Mudane Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabaruur.

Gudoomiye Maajid ayaa ardayda Soomaaliyeed ee Uganda waxkabarata ugu hambelyeeyay xafiiskan cusub oo ardayda loogu adeegi dooni.

Uqeybsanaha Waxbarashada Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Liibaan Xuseen Deerow oo ka hadlayay munaasabadda ayaa sheegay in dadaal dheer lagu bixiyay in maanta la hirgaliyo xafiiskan ardayda u adeegi doona.

Liibaan ayaa sheegay in Safaaradda oo uu horkacayo Siihayaha Safaaradda Cali Cagabaruur ay mahadeeda leedahay hirgalinta xafiiskan.

Ururka arday ayaa in muddo ah lahayn xafiis ay ku shaqeeyaan si ardayda wax ugu qabtaan, waxaana muuqata in xiligan ay ardayda iyo safaaradda dadaal ku bixinayso sidii ururka iyo waxqabadkiisa loo hormarin lahaa.

 

FAO oo Warbixin ka soo saartay Duufaantii GATI ee ku dhufatay xeebaha Bari ee Soomaaliya.

0

Heyada FAO ee qaramada midoobe ayaa sheegtay in ay iminka daciiftay oo ay tabar dareysay duufaanta GATI ee xeebaha bari ee soomaaliya ku dhufatay 22 bishaan November.

Duufaanta ayaa xawaaraheedu yaraaday 12 -saac ee la soo dhaafay iyada oo dhanka waqooyi galbeed u jiheysatay.

roobab xoog leh ama dhexdhexaad ah oo la xiriira duufaanka ayaa da’i doona illaa 26 Nofeembar 2020 ayaa lagu yiri warbixinta FAO

Saameynta duufaanta ay deegaanka u geystay ayaa wali jirta sida FAO tilmaantay.

Dhanka Somaliland waxay sheegtay in baddu wali kacsan tahay islamarkaana aan la isku haleyn karin in laga kaluumeysto.

Sidoo kale dhanka somaliland waxaa la saadaalinaya roobab dhex dhexaad ah sadaxda cisho ee soo socota.

Puntland ma jiraan roobab la faliyo in ay hooraan sida warbixinta lagu sheegay

OGEYSIIS JAGOOYIN SHAQO OO BANAAN.

0
Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Federaalka ah, wuxuu dadweynaha Soomaaliyeed oo shaqo doonka ah u baahinayaa sagaal (9) jego oo ka bannaan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed. ciddii leh aqoonta iyo qibradda shaqooyinkan shuruudahooda halkan ku lifaaqan, waxaa lagu wargelinayaa inuu ka codsan karo bogga Guddiga oo halkan hoosa kaaga muuqdo.
                                                                 Nasiib wacan
Fadlan Link-gan hoos riix si aad u dalbato shaqooyinkan;
Haddii aad u baahato caawin, fadlan la soo xiriir ciwaanka hoos ku qoran;
recruitment@ncsc.gov.so
Haddii aad u baahato caawin dhanka online application ah, fadlan la xiriir lambaradan hoose;
Tell:- +252-615-499-078 / +252-615-503-693

Dowlada Itoobiya oo beesha caalamka uga digtay faro-gelin lagu sameeyo Arrimaha Gudaheeda.

0

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay ka gaabsadaan faro galin kasta oo aan sharciga caalamiga ku qotomin, taas oo ku saabsan arrimaha gudaha Itoobiya .

War qoraal ah uu ra’iisul wasaaraha soo saaray ayaa lagu sheegay in dowladda Itoobiya ay awooddo in arrimaha ka socda dalkeeda sharciyadeeda ku xaliso oo aan loo baahneyn faro galin shisheeye.

Abiy wuxuu tilmaamay in Itoobiya ay ka mid tahay waddamada wax ka aasaasay Qaramada Midoobe islamarkaana sharciga Qaramada Midoobe uu si cad u qeexayo in aan dal kasta xaq u leeyahay ilaalinta midnimadiisa iyo madaxbanaanidiisa.

Hadalka ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa imaanaya iyada oo ay isa soo tarayaan baaqyada caalamka ee ku wajahan in wada hadal lagu xaliyo xiisada ka taagan waqooyiga dalkaasi.

Golaha ammaanka ee qaramada midoobe ayaa shalay yeeshay kulan gaar ah oo diirada lagu saarayay xaaladda Itoobiya

Sidoo kale waxaa maanta dhamaaday 72-saac oo dowladda Itoobiya u qabatay ciidanka TPLF, iyaga oo sheegay in haddii saddex cisho dhamaato ay weerari doonaan magaalada Mekelle ee xarunta is-maamulka Tigreega.

Ra’iisul wasaare Rooble oo Saraakiisha Taliska qeybta 60aad ee xoogga dalka iyo AMISOM kala hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab+(SAWIRRO).

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane,Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay taliyaha qeybta saddexaad ee ciidanka AMISOM iyo taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Kulanka oo ra’iisul wasaaraha uu ku wehlinayay madaxweynaha Koofur galbeed mudane,C/casiis Xasan Maxamed ayaa looga hadlay dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Alshabaab ee lagu xaqiijinayo amniga dalka.

Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda XFS oo xilka loo dhaariyay+(SAWIRRO).

0

Wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuukar ayaa maanta loo dhaariyay xilka wasiirnimo ee dhawaan loo magacaabay.

Munaasabadda dhaarinta oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya mudane, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo ku xigeenkiisa koowaad C/weli Sheekh Ibraahim Muudey.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo Mucaaradka kala hadlaya Arrimaha Doorashooyinka.

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee walaaca ka muujiyay guddiyada doorashooyinka Qaranka uu diyaar u yahay in uu ka dhaadhiciyo guddiyada iyo waxyaabaha loo igmaday.

Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in guddiyadu ay yihiin kuwo ku imaaday heshiiskii siyaasadeed ee Muqdisho ay ku gaareen dowladda federaalka, dowlaha xubnaha ka ah iyo maamulka gobolka Banaadir, isagoo xusay in mas’uuliyadda culus ee loo igmaday uu ka rajeynayo in si daacad ah ay u gutaan.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in laga wadashaqeeyo sidii dalka looga saari lahaa marxaladda kala guurka oo guddiga loo xilsaaray.

Ra’iisul wasaaraha XFS, mudane,Maxamed Xuseen Rooble ayaa caddeeyay inuu musharaxiinta kala hadli doono cabashooyinka si uu u fahamsiiyo guddiga iyo shaqada hortaalla.

“Waxaa jiro rag walaalahey ah oon si fiican u garanayo oo musharaxiin ah oo walaac ka muujiyay guddiyadaas lasoo magacaabay,waxaan walaalahey ka codsanayaa in aan diyaar u ahay markasto sidii aan u fahamsii lahaa,si walaaltinimo ku jirtana aan ulana tasha lahaa waxa lasoo magacaabay inay yihiin wax macno leh oo ummadda ka gudbinaya doorashooyinka una gudbinaya xukuumad cusub”ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa dhaliilsan habka loo soo xulay guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka, iyagoo tilmaamay in ay ku jiraan shaqaale dowle iyo xubno ka tirsan ciidanka amniga.