Home Blog Page 804

Taliska Booliska Gobolka Mudug oo Bulshada ugu baaqay in ay kala shaqeeyaan nabadda

Taliyaha qeybta Booliiska Fadaraalka Gobalka Mudug,G/sare; Maxamed Nuur Cali Gadaar, ayaa faah-faahin ka bixiyay xaaladda amni iyo halka ay marayaan dedaallo ku aaddan xallinta xiisado colaadeed oo kasoo cusboonaaday Gobolka.

G/sare; Maxamed Nuur Cali oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayaan dedaallo fara badan oo ay ku bixiyeen qaboojinta dagaalladii halkaasi ka dhacay iyo sidii looga kala Dab qaadi lahaa Beelaha ay xurguftu dhex martay.

Taliyaha ayaa Bulshada reer Mudug ugu baaqay in ay Booliska iyo laamaha ammaanka kala shaqeeyaan amniga iyo nabad gelyada Gobolka, isagoo usoo jeediyay in ay joojiyaan waxyaabaha xiisadda kicin kara.

Hadalka kasoo baxay Taliska qeybta Boliiska Gobalka Mudug ayaa imanaya xilli ay Maalmihii u danbeeyay dilal ku saleysan aanooyin Qabiil ka dhacayeen degaanno ka tirsan Gobolka Mudug inkastoo ay jiraan dedaallo lagu xakamaynayo waxyaabaha dhaliya Gacan ka hadalka.

Guddoomiyaha Maxaas oo booqday degaanno dhowaan laga xoreeyay Al-Shabaab

Guddoomiyaha Degmada Maxaas, Cabdi Muumin Xiish iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Maanta kormeer dhiirri gelin iyo dar-daaran ah ugu tagay degaanno ay ku sugan yihiin Jabhadda Macawisley oo dhowaan laga xoreeyay Argagixisada Al-Shabaab.

Jabhadda degaanka ee Macawisleyda oo kaashanaya Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kooxda Argagixisada ka saaray Tuulooyin ay ka mi dyihiin Waab weyn, Cali ganeey , Afar irdood, Miir caddeiyo Dhul daaqsimeed fara badan.

Cabdi Muumin, Guddoomiyaha Maxaas oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Dadka ku dhaqan degaannada ay booqdeen ay si weyn ugu riyaaqeen booqashadooda diyaarna ay u yihiin in ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxda nabad-diidka ah.

Dadka degaanka oo Hubkooda qaatay ee la baxay Macawisley ayaa Laba jibbaaray howl-galladooda ka dhanka ah Al-Shabaab, markii ay Kooxda nabad-diidku kordhiyeen dhibaatada ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Xoola dhaqatada Soomaaliyeed iyo Dadka deggen Tuulooyinka ay xoogga ku maamulayeen Al-Shabaab ayaa go’aansaday in ay ka gadoodaan dhaca joogtada ah ee ay ku hayaan maalkooda iyo xoolahooda intuba.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Oo Maanta Furtay Shir Caalamiga Ah

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukumadda Soomaaliya Marwo Fowziyo Abiikar Nuur ayaa furtay shirka maalinta Caalamiga ah ee ka hortagga FGM-ka.

Wasiirka Wasaaradda Caafilaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur waxaa ay sheegtay In lagama maarmaan ay tahay in la xoojiyo ka hortagga gudniinka Fircooniga ah, kaasi oo dhibaato ku yeeshay gabdhaha Soomaaliyeed

Sidoo kale Wasiir Fowsiya waxaa ay tilmaamtay in kaliya looga baahneen dumarka in ay ka shaqeeyaan ka hortagga gudniinka balse ay ku dhiirigelineyso dhalinyarda ay ka qeyb qaataan joojinta gudninka.

Waxaana dhammaan Bulshada Soomaaliyeed kula dardaarantay in loo wada istaago gudninka dhibka ku haya Bulshada sida ay sheegtay.

Wasaaradda Waxbarashada & Maamul Gobolleedyada Oo Heshiis Gaaray

0

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaraddaha dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir ayaa magaalada Muqdisho ku soo gaba gabeeyay shir ku saabsan imtixaanka Qaranka ee sanada 2019/2020, waxana ka soo qeyb-galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Feysal Cumar Guuleed Wasiiradda Wasaaradaha Waxbarashada Maamul Gobaleedyada qeybta ka ah dowladda Federaalka.

Sidoo kale waxaa shirka Goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Agaasimayaasha Wasaaraddaha Waxbarashada Maamul Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir.

Shirka ayaa Qodabada laga soo saaray waxaa ka mid ahaa.

1-Qorshaha imtixaanka Qaranka Fasalka 8-aad iyo Fasalka12-aad si looga baaraandago qorshayaasha xiga ee soo aadan iyo Ansixinta Qorshaha imtixaanka Fasalka 12-aad oo ah waajibaad Qaran oo dhawaan la galayo.

2-In la dhowro mas’uuliyadda dastuuriga ah ee ku saabsan hubinta helitaanka adeegyo Waxbarasho oo tayo leh oo ay helaan ardayda Soomaaliyeed.

3- Sidoo kale waxaa la isla gartay xaqiiqada ku qotanta in la hirgeliyo iyo in la xaqiijiyo hab mideysan oo ardayda loo siinayo shahaadada dugsiga sare iyo in la qaado imtixaanka shahaadiga ah oo mideysan dalka oo dhan.

4-Waxaa la isku raacay in la qaado imtixaan shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2019/2020 inta u dhaxeysa 15 ilaa iyo 29 Abriil, waxana la isla gartay in arday kasta oo aan galin imtixaanka shahaadiga ah ee mideysan uusan xaq u yeelaneyn in uu helo shahaadada ay bixiso Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

5-Sidookale waxaa la isla gartay in ardaydii ku dhacday imtixaankii laga soo gudbay ay ka qeyb galaan imtixaanka islamarkaan ay hadda xaq u leeyihiin in ay ka qeyb galaan imtixaan sanad dugsiyeedka 2019/2020-ka si waafaqsan sharuudaha iyo hab raacyada kale ee u dagsan imtixaanka Qaranka.

Waxaa la isku raacay in dowlaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay dajiyaan islamarkaan ay qaadaan imtixaanka fasalka 8 –aad ee dugsiyada Hoose iyo dhexe si loo hubiyo sugnaanta iyo tayada waxbarashada ardaga u soo gudbaya heerka fasalka 1-aad ee dugsiga Sare.

Sidoo kale shirku waxa uu ku booriyay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, in ay xaqiijiso hirgalinta iyo badqabka shahaadada Qaranka oo sumcad balaaran ku leh caalamka intiisa kale .

Ugu danbeeyntii xubnaha shirka ka qeyb galay waxa ay ugu baaqeen Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Puntland in ay ku soo biiraan hannaanka Waxbarashada dalka, isla markaana ay doorkooda ka qaataan mideynta iyo tayada waxbarashada ee uu dalku leeyahay si loo badbaadiyo mustaqbalka ardayda Soomaaliyeed.

Trump Oo Ka Badbaaday In Xil-Ka Laga Qaado

0

Madaxweynaha Mareykanka ee Donald  ayaa si dirqi ah uga badbaaday xil ka qaadis ay damac-sanayaayeen inay ku sameeyaan Xisbiga Dimoqraadiga, kaddib markii mooshin ay ka keeneen.

Donald Trump ayaa lagu waayay wax dambi ah, iyadoo 52 cod ay u codeeyeen in aanu wax dambi ah gelin, halka 48 cod ay u codeeyeen inuu dambi galay, taasoo ka dhigan inuu afar cod kaliya ku badbaaday.

Arrintan ayaa soo afjareysa inuu ka degay Madaxweyne Trump culeyskii saarnaa bilihii la soo dhaafay, waxaana mooshinka laga keenay uu ahaa mid aad u saameeyay xafiiskiisa iyo shacabka Mareykanka oo ku kala qeybsamay.

Aqalka Senate-ka oo ay ku badan yihiin Xisbiga Madaxweyne Trump ee Jamhuuriga waxay u codeeyeen in Madaxweynuhu aanu wax dambi ah  gelin, iyagoo difaacay.

Xisbiga Dimoqraadiga ayaa si weyn u waday ololaha ka dhanka ahaa Madaxweyne Donald Trump, inkastoo ay ku guuldareysteen qorshahooda xil ka qaadista Trump.

Haddii Madaxweyne Trump xilka laga qaadi lahaa waxaa dhici laheyd in Madaxweyne kuxigeenka Mike Pence uu sii hoggaamiyo talada Mareykanka, inta laga soo dooranayo Madaxweyne.

Trump ayaa mar kale doonaya inuu ku guuleysto doorashada soo socota ee dhamaadka sanadkan dhici doona, waxaana culeyska ka degay ay u sahli doontaa inuu ololihiisa doorashada sii wado.

Wasiir Beyle oo Jabuuti kula kulmay Safiirka Ruushka ee Soomaaliya+Sawirro

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa magaalada Jabuuti kula kulmay Safiirka Dowladda Ruushka u qaabilsan Soomaaliya H.E. Mikhail Golovanov oo ay ka wada hadleen arrimaha deyn cafinta Soomaaliya.

“Waxaa maanta la kulmay Safiirka Dowladda Ruushka ee Soomaaliya H.E. Mikhail Golovanov oo aan ka wada hadalnay arrimaha deyn cafinta Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Qorshaha deyn cafinta Soomaaliya ayaa hadda meel wanaagsan mareysa,waxayna Xukuumadda martay wado kasta oo sahli karta cafinta deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.

“Ruushka waa dalka 2-aad ee deyn cafinta ugu badan nagu leh, wada hadalkeenu wuxuu ku saleysnaa sidii ay deymahaas nooga cafin lahaayeen,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Beyle.

Ardayda Afrika ee jooga Shinaha oo sheegay in ay heystaan dayac iyo kaalmo la’aan

0

Ardayda Afrikaanka ee ku xayirmay cudurka Coronavirus ee ka dillaacay Magalada Wuhan,ee dalka Shiinaha ayaa dalbaday in loo fidiyo codsi caawimaad oo dib logu celinaayo dalalka Afrika ee ay ka soo jeedaam.

Thomas  Kanzira oo ah 25-sano jir ka soo jeeda dalka Yugaadha,isla markaana ka mid ah kumanaan arday ee wax ku barta ama ku nool Magaalada Wuhan,ayaa codsaday in dowladaha Afrika ay halkasi ka qataan muwaadiniinta ka jooga magaaladaasi.

Qaar ka mid ah ardaydaasi ayaa dalbaday in loo soo diro diyaarado,si ay uga badbaadaan cudurka Coronavirus ee u sii fidaya sida xowliga ah.

Maaalada Wuhan oo dhacda bartamaha dalka Shiinaha waxaa ku nool illaa 11-milyan oo qof,waxaana hadda tirada u dhimatay cudurka Coronavirus lagu waramay in ay gaareyso illaa shan boqol oo ruux

Wasaaradda Caafimaada Soomaaliya oo maamulka Isbitaalka Yardimeli ka dalbatay in ay la yimaaddaan sharciga ay ku shaqeeyaan

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya , Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in ay mar kale ay warqad u direen madaxda Isbitalka Yardimeli ee Magaalada Muqdisho, ayna ka dalbadeen inay soo caddeeyaan lana yimaaddaan sharciga u oggolaanaya inay ka shaqeeyaan Dalka Soomaaliya balse aysan kasoo jawaabin.

“Wasaaradda Caafimaadku waxay u xil saaran tahay ilaalinta arrimaha caafimaadka Dalka ,shaqada naloo igmaday ayaan gudanaynaa, balse maaha inaan daba gal ku hayno shaqo aanaan lahayn, hay’ad kasta oo ka shaqaysa arrimaha caafimaadka haddii aysan haysan ruqsad ay kaga shaqayso Dalka waxaa waajib nagu ah inaan shaqada ka joojino, balse ciddii haysato ruqsad shaqo oo sharci ah kuna saabsan arrimaha caafimaadka,  nidaamka Dowladnimo ayaa u oggol inay shaqeyaan” ayay tiri Wasiirada Caafimaadka Soomaaliya.

Wasiir Foziya ayaa intaa ku dartay in gudashada shaqadooda aysan cid kale marti uga ahaan doonin, Wasaaradduna ay markasta si dhow u ilaaliso shaqada loo igmaday ee ku saabsan arrimaha caafimaadka Dalka.

Ciidanka Danab oo howlgal ku dilay horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab

0

Ciidanka kumaandooska XDS ee Danab ayaa dilay horjooge Maxamed Xuseen “Abuu Muxsin” oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kadib howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen degaanno katirsan Gobolka Jubbada hoose.

Horjooge Abuu Muxsin oo Al-Shabaab u qaabbilsanaa diyaarinta qaraxyada ay kooxdu ka fuliso Gobolka Jubbada hoose ayaa lagu dilay howl-gallo ka dhacay degaannada Beerxaani, Jannaay Cabdalla ,Kuuba Kibir iyo Birta dheer ee duleedka Kismaayo sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Taliyaha Guutada 16-aad ee Ciidanka Danab G/lle; Ismaaciil Cabdimaalik Maalin.

Taliye Ismaaciil C/maalik Maalik, ayaa sidoo kale sheegay in la qabtay horjooge kale oo Al-Shabaab u qaabbilsanaa dhinaca maaliyadda oo lagu Magacaabo, Cabdi dheere, qasaarana uu kasoo gaaray duqeymo lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Golaha Wasiirada Suudaan oo Shir Degdeg ah Ka Yeeshay Kulankii Dhex Maray Cabdifataax Al Burhaan iyo Nitanyaahu.

0

Golaha Wasiirada dalka Suudaan ayaa kulan deg deg ah ku yeeshay magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan waxayna ka wada hadleen kulankii kediska ahaa dalka Uganda ku dhex maray Madaxa golaha milateriga Suudan Gen Cabdifataax Al-Burhaan iyo ra’iisal wasaaraha Israa’iil Binyamiin Netanyahu, waxaana kulankan degdega ah hogaaminaya Ra’iisal Wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk.

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Suudaan Muhammad Saalax Feysal ayaa sheegay in kulankaasi uu ahaa mid aah lagala tashan golaha wasiirada Suudaan balse ay si kedis ah u arkeen shirka oo dhacay taasoo ku noqotay arrin layaab ah dawladda Suudaan iyo shacabkeeda.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in aysan ilaa hadda hayn macluumaaq faah-faahsan oo dheeraad ah oo ku saabsan waxyaalihii kulanka looga wada hadlay balse ay sugayaan soo laabashada  waxaanan sugi doonnaa caddeynno ka dib soo laabashada Gen Cabdifataax Al-Burhaan si ay uga waraystaan kulankaasi iyo sababta kallifi karta.

Golaha Wasiirada Suudaan ayaa laga yaabaa inay fuliyaan go’aan ka dhan ah Cabdilfataax Al-Burhaan maadaama kulankaasi uu noqday mid aan laga wada tashan, shacabka Suudaana dhankooda ay walaac ka muujiyeen.