Home Blog Page 804

Wasaaradda Haweenka Koonfur Galbeed oo kulan laqaadatay dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku nool Xudur+(SAWIRRO).

0

Lakulanka dadka baahiyaha gaarka ah qaba waa mid dareen gaar ah abuurta muuqaal ahaanna ka duwan kulamada kale caadiga ah ee dhaca, waxaa lagu xasuustaa awoodda iyo qadarta Alle waxaana kulan yeeshey dad naafo ah oo isugu jira haween, waayeel, carruur iyo wafdi ay hogaamineyso Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa ka hadlay duruufaha adag ee noloshooda ku gadaaman,  faquuqa ay kala kulmaan bulshada iyo sida ay ugu faraxsan yihiin kulanka Madaxda Wasiiradda Haweenka.

Isuduwaha Wasaaradda Haweenka ee Gobolka Bakool Raxma Nuur Dheere oo fududeysay kulanka ayaa sheegtay in Wasiirka Haweenka ka dalbatay inay waqti laqaadato dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Wasiir Fahima Cismaan Cumar oo waqti dheer laqaadatay dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa ugu dambeyn hadiyado kala duwan guddoonsiisey dadka ay la kulantay.

Qaar ka mid ah naafada oo wajiyadooda farxad ka muuqatay ayaa Wasiirka Haweenka uga mahadceliyey hadiyadaha ay dadka guddoonsiisay.

Xildhibaannadii safarka ku wehlinayay Wasiirka ayaa  bogaadiyey in la xasuusto oo fikirkoodana la dhageysto dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuqqluuqul Insaanka ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Fahiima Cismaan Cumar ayaa dadka naafada ah ka codsatay inay  ku sabraan caqabadaha ay kala kulmaan bulshada qeybaheeda kala duwan.

W/D Maxamed Xassan Cabdrixamaan

 

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo la kulmay ergo ka socotay Midowga Afrika.

0

Waxaa maanta magaalada Addis Ababa ku kulmay Ra’isulwasaaraha Itoobiya iyo ergada Midowga Afrika u xilsaartay sidii wada hadal loogu xalin lahaa colaadda ka jirta waqooyiga Itoobiya.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’isulwasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in Abiy Ahmed xafiikiisa ku qaabilay ergada.

Abiy ayaa sheegay in uu uga abaal hayo Midowga Afrika iyo hogaankooda welwelka iyo dareenka ay u muujiyeen Itoobiya .

Intii wada hadalka uu socday ayaa Ra’isulwasaaraha wuxuu wafdiga Midowga Afrika uga waramay sababta uu ku bilowday howlgalka sharci soo celinta ee gobalka Tigreega.

Abiy Ahmed wuxuu sheegay in dowladda ay dastuuriyan xaq u leedahay, ayna tahay masuuliyadeeda meel marinta sharciga.

Sirdoonka Dowladaha Itoobiya iyo Isreal oo la sheegay in ay iska kaashanayaa la dagaalanka Aragagixisada.

0

Sirdoonka Itoobiya iyo kuwa Israel ayaa sheegay in ay iska kashanayaan arimaha amaanka iyo  la dagaalanka argagaxisada.

Arintan ayaa waxaa ay ka danbeysay kadib markii shalay ay ku kulmeen dalka Israel madaxa heyada NISS ee sirdoonka Itoobiya Temesgen Tiruneh iyo Yossi Cohen oo ah madaxa Mossad heyada sirdoonka Israel ee bariga afrika.

Labada dhinac ayaa isku raacay in la xoojiyo wadashaqeynta oo la iska kaashado dhanka la dagaalanka argagxisada ayaa lagu yiri qoraal ay NISS u dirtay saxaafada dowlada itoobiya.

Wasiirka Maaliyadda Itoobiya oo shaaciyay in Daagaalka Gobolka Waqooyiga lagu soo afjarayo wax ka yar Isbuuc.

0

Wasiirka maaliyada dalka itoobiya Ahmed shide ayaa sheegay in wax ka yar isbuuc lagu soo afjarayo dagaalka ka socda waqooyiga itoobiya.

Ahmed shide oo wareysi siiyay telefishinka France24 ayaa tilmaamay in ciidanka dowlada itoobiya ay qabsadeen inta badan gobalka Tigray ayna u dhimantahay magaalada xarunta ah ee Mekelle.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyada oo shalay ra’isulwasaaraha itoobiya uu shaaciyay in la galay wajigii ugu danbeeyay ee dagaalka ka dhanka ah TPLF.

Ciidanka itoobiya ayaa ku sii siqaya dhanka magaalada Mekelle waxaana waxaana ay joogaan iminka duleedka Adigrat meel Mekelle u jirta 90KM.

Dad badan ayaa la sheegay in ay qaxayaan magaalooyinka u dhaxeeya Adigrat iyo Mekelle.

Magaalada taariiqiga ah Negashe oo ah halkaas oo ay ku aasanyihiin boqor Negaashe iyo qaar ka mid ah saxaabadii rasuulka ayaa ka mid ah deeganada dadku ka qaxeen

Wasiirka Haweenka ee XFS oo qaabishay ergayga gaarka ah ee dawladda Norway ee Soomaaliya+(SAWIRRO).

0

Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim iyo ku xigeenka wasiirka Marwo Xiis Xassan ayaa xafiiska ku qaabilay marwo Heidi Elburgi johansen oo ah ergayga gaarka ah ee dawladda norway u qaabilsan arrimaha soomaaliya iyo wafdi ay hogaaminayso.

“Waxaan xafiiskeyga ku qaabilay ergayga gaarka ah ee dawladda norway u qaabilsan arrimaha Soomaaliya marwo Heidi Elburgi johansen iyo wafdi ay hogaaminayso waxaana kawada hadalnay xoojinta xuquuqda aadanaha gaar ahaan haweenka Soomaaliya.

Sidoo kale wasiir xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa ammaantay xiriirka wanaagsan ee labada dal ka dhexeeya iyo taageerada dawladda norway ay siinayso xoojinta xuquuqda aadanaha iyo ka qayb galka haweenka ee siyaasadda.

 

Kumanaan dadweyne ah oo ka qeyb-galay aaska R/W Hore ee Sudaan Saadiq Almahdi.

0

Kumanaan qof ayaa ka qaybgalay aaska Caalimkii Sadiq Al-Mahdi,Ra’iisulwasaarahii hore ee Sudan ,isla markaana ahaa siyaasi caan ah iyo wadaad dhanka diinta ah, magacna  ku lahaa dalkaasi ayaa shalay khamiis ku geeriyooday dalka imaaraadka , isagoo jira 84,  waxa  u geeriyood  xanuuna virus-ka Corona .

Maanta oo jimca ah  aaska Sadiq almahdi waxaa ka soo qayb galay Kumanaan qof oo baroordiiqaya waxaana lagu saasay dalka Suudaan.

Sidoo kale aaska loo sameynayo madaxa xisbiga mucaaradka ee “National Umma Party “ iyo Raiisul wasaarihii hore ee Suudan ayaa ka bilaabatay caasimada Sudan ee Khartuum maanta oo jimce ah iyadoo ay goob joog ka ahaayeen dadweyne aad u fara badan oo taageerayaashiisa ah oo ku sugnaa magaalayoonka Omdurman iyo khartoum.

Meydka markiu laga soo  degiyay garoonka diyaaradaha ee Khartuum ayaa waxaa soo dhoweeyay subaxnimadii maanta dad aad u tiro badan oo baroor diiq ah,

Sidoo kale  waxaa ka qayb galay aaska saadiq almahdi  hogaaminayo  golaha ciidmada , Cabdifataax Al-Burhan, iyo Ra’iiswasaaraha sudaan Abdullaha Hamdok , iyo masuliyiin kale, halkaas oo aas qaran loogu sameeyay garoonka diyaaradaha, waxaana lagu aasay qubuuraha  ummu durmaan oo loo yaqaan “Qabuur  Al Mahdi,”  Halkaas ooh ore loogu aasay hoggaamiyeyaashii hore ee xisbiga umma  ee  magaalada Omdurman.

Natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada dalkaasi oo guul usaadaalinayo Madaxweyne Kabore.

0

Madaxweyne Roch Marc Christian Kabore ayaa shan sano oo kale u shaqeyn doona bulshada  Burkina Faso, sida ku cad natiijooyinka hordhaca ah ee ay shaaciyeen guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka.

Newton Ahmed Barry, oo ah madaxa guddiga ayaa Khamiistii sheegay  in Mr Kabore, oo helay 57.87 boqolkiiba codadkii la dhiibtay uu si ku meel gaar ah loogu doortay madaxweynaha Burkina Faso wareegii koowaad.

Kabore ayaa wacad ku maray khamiistii inuu xoojinayo wadahadalka ka socda dalkiisa ka dib guushii weyneyd ee uu ka gaaray tartankiisii labaad.

“Waxaan isugu geyn doonaa dhamaan dadaalkayga si wada tashi joogto ah iyo wadahadal loo gaaro  lagana shaqeyo nabada iyo horumarka,” ayuu ka yiri Kabora.

Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa filayay in loolan adag uu ka dhici karo doorashadii Axadii dhexmartay Kabore iyo 12-kii kale wee la tartamayay, iyagoo  ku doodayay inuu ku guuldareystay xakameynta kooxaha hubeysan iyo rabshadaha qowmiyadaha.

Hawsha codbixinta waxaa hareeyay hanjabaadyo iyo weerarro oo ay geysteen kooxo hubaysan oo xiriir la leh al-Qaacida iyo ISIL oo ka howlgala dhul ballaaran oo ka tirsan Burkina Faso iyadoo ay sii kordheyso xaaladda ammaan ee Galbeedka Afrika ee Sahel.

Sanadkii la soo dhaafay, iskahorimaadka waxaa ku dhintay ilaa 2,000 oo qof dalka Burkina Faso In ka badan hal milyan oo qof oo reer Burkinabe ah ayaa ku barakacay dagaalka.

Kabore wuxuu helay 1.6 milyan oo cod oo ah kudhowaad seddex milyan oo codbixin ah

Mucaaradka ayaa qaba in doorashada lagu shubtay oo aysan aheyn mid xalaal ah.

Laakiin murashaxa hogaaminaya, Eddie Komboigo, madaxa Congress-ka Dimuqraadiyadda iyo Horumarka, wuxuu helay 15 boqolkiiba halka ninka kale ee la tartamaya, Zephirin Diabre, oo ka socda xisbiga Progress and Change, oo uu ugu adkaaday Kabore intii lagu jiray doorashadii hore, uu helay qiyaastii 12 boqolkiiba.

Mucaaradka ayaa ku eedeeyay xisbiga talada haya dhaqamo xun, oo ay kujirto laaluush.

Hawsha “musuqmaasuq ayaa hareeyay” guddiga doorashooyinkana kama soo bixin howsha qabanqaabinta doorashooyinka ee ay mas’uulka ka ahaayeen, ayuu Tahirou Barry, oo ah musharrax ka tirsan mucaaradka.

Hase yeeshe, guddiga doorashada, ayaa iska fogeeyay sheegashooyinka noocaas ah waxayna kormeerayaasha caalamiga ah ay siiyeen doorashada dhacday mid lagu kalsoonaan karo

Mucaaradka ayaa heysta 7 maalmood oo ay racfaan uga qaataan codeynta balse ma cadda iya racfaan qaadan doonaan iyo inkale .

Midowga Afrika iyo Beesha Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika, oo ah urur goboleed, ayaa sheegay in rafcaannada loo soo maro waddooyinka sharciga ah iyo jawi deggan gaar ahaan in laga fogaado rabshadaha,” ayuu Makuza Bernard, oo hoggaaminayay wafdiga Midowga Afrika u sheegay Associated Press.

Ururada bulshada rayidka ayaa sheegaya in madaxweynaha looga baahan yahay inuu si adag uga shaqeeyo bulshada markiisii ​​labaad si loo mideeyo wadan sii kala qeybsamaya.

“Waa inuu hubiyaa in balanqaadyadii aan la fulin shantii sano ee la soo dhaafay la fuliyo si loo yareeyo jahwareerka bulshada, Dhibaatada bulshada kuma koobna oo kaliya magaalooyinka waaweyn sidoo kale waxay ku sii fidayaan baadiyaha, ”Chrysogone Zougmore, oo ah madax Burkinabe oo ah koox u Dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Aadanaha ayaa u sheegay AP.

Ahmed Idris, oo ka soo warama= Abuja , ayaa sheegay in tilmaamtu tahay in mucaaradka ay damacsan yihiin inay ka hor yimaadaan natiijooyinka.

“Marka su’aasha ugu weyn ee Burkinabes inteeda badan waxay tahay ilaa intee ayey mucaaradku aadi doonaan. Ma waxay ugu baaqayaan taageerayaashooda in ay isugu soo baxaan waddooyinka Ouagadougou iyo magaalooyinka kale ee dalka ku yaal? ” Ayuu yiri.

“Qaar ka mid ah falaqeeya yaasha waxay rumeysan yihiin inay fursad u siinayso kooxaha hubaysan inay weeraraan bartilmaameedyada Burkina Faso, in kasta oo ay inta badan doorashadu si nabadgalyo ah ku dhacday iyadoo aysan dhicin wax dhibaato weyn ah ama weerar kaga yimaada mid ka mid ah kooxaha hubeysan ee dhibaatada ku hayay dalka shantii sano ee ugu dambeeysay. ”

Donald Trump uu Shardi ku xiray inuu ogolaadu in looga guulaystay doorashadi Maraykanka.

0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay  shalay Khamiistii inuu iska  tagayo Aqalka Cad haddii Guddiga nidaamka ergada doorashada ay  caddeyaan in  Joe Biden uu yahay midka ku guulaystay Dorashada dalka Maraynka  afarta sano soo socda.

Donald Trump ayaa horay u  diiday inuu aqbalo guuldaradii ka soo gaadhay  Doorashadi laqabtay  3 Bisha November, isagaa sheegay in doorashada laga shubtay uun marna aqbalidoonin in laga guulastay

Arrintan ayaa u eg mid muujinaysa in Trump uu soo dabcay , aqoon sandoonana in laga guulaystay doorashada , isla markaanan Mr Biden uu yahay madaxweynaha ku guulastay madaxtinimada dalka maraykanka.

Codbixiyeyaasha nidaamka ergada doorashada ayaa  kulmi doonaan bisha soo socota si ay cod rasmi ah uga dhigaan, iyadoo Dimuquraadiga Joe Biden loo dhaarin doono xilka madaxweynenimada 20-ka bisha Janaayo.

Donald Trump iyo taageerayaashiisa ayaa dacwado dhowr ah oo dhanka sharciga ah u gudbiyey doorashada, laakiin badankood waa la diiday.

Horraantii toddobaadkan, Mr Trump wuxuu ugu dambayntii ogolaaday diyaarinta kala-guurka rasmiga ah ee kooxda madaxweynaha la doortay ee Biden inuu bilowdo, ka dib dhawr toddobaad oo uu hubaal la’aan ahaa hada uu ogaalaaday in xilka wareejin doono.

Ciidanka Nabad sugida ee Magaalada Dhuuso-mareeb oo gacanta ku dhigay dhagar-qabe ka tirsan Al-shabaab oo Walxa Qarxa Sida+(SAWIRRO).

0

Ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ayaa xalay ku guulaystay inay gacanta ku dhigaan dhagar qabe ka tirsan maleeshiyaadka alshabaab oo waxyaabaha qarxa soo galiyey gudaha magaalada dhuusamareeb kadib markii uu dhigay goob maqaaxi ah oo dadka shacabka ahi ay aad ugu badnaayeen.

Qaar ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa ayaa ka shakiyey maadaama uu magaalada ku cusbaa waxaana ay wargaliyeen ciidamada iyadoona halkaasi laga qabtay isaga iyo waxyaabihii uu doonayey inuu shacabka ku dhibaateeyo.

Ciimada amaanka magaalada ayaa waxa ay wadaan baaritaanno amniga lagu xaqiijinayo dhagarqabihii falkan lagu soo qabtay ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada nabad sugida iyagoo bulshada uga mahad celinayaa sida ay falkaasi uga hortageen ciidamadana u soo wargaliyeen.

waxaa dhamaanba saaka la adkeeyey sugida amniga magaalada waxaana socanaya baaritaan dheeri ah saraakiisha howlgalkan hogaaminaysa ayaa waxa ay xuseen in wixii ka soo baxa baaritaanadaasi ay dib warbaahinta kala wadaagi doonaan balse hada ay xaqiijinayaan in xalay la soo qabtay dhagarbaha doonayey inuu shacabka dhibaateeyo.

(DAAWO) BARNAAMIJKA FALANQEYNTA EE ©SNTV // 26-11-2020.

0

Halkan ka Daawo Barnaamijka Falaqeynta ee SNTV.