Donald Trump uu Shardi ku xiray inuu ogolaadu in looga guulaystay doorashadi Maraykanka.

Date:

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay  shalay Khamiistii inuu iska  tagayo Aqalka Cad haddii Guddiga nidaamka ergada doorashada ay  caddeyaan in  Joe Biden uu yahay midka ku guulaystay Dorashada dalka Maraynka  afarta sano soo socda.

Donald Trump ayaa horay u  diiday inuu aqbalo guuldaradii ka soo gaadhay  Doorashadi laqabtay  3 Bisha November, isagaa sheegay in doorashada laga shubtay uun marna aqbalidoonin in laga guulastay

Arrintan ayaa u eg mid muujinaysa in Trump uu soo dabcay , aqoon sandoonana in laga guulaystay doorashada , isla markaanan Mr Biden uu yahay madaxweynaha ku guulastay madaxtinimada dalka maraykanka.

Codbixiyeyaasha nidaamka ergada doorashada ayaa  kulmi doonaan bisha soo socota si ay cod rasmi ah uga dhigaan, iyadoo Dimuquraadiga Joe Biden loo dhaarin doono xilka madaxweynenimada 20-ka bisha Janaayo.

Donald Trump iyo taageerayaashiisa ayaa dacwado dhowr ah oo dhanka sharciga ah u gudbiyey doorashada, laakiin badankood waa la diiday.

Horraantii toddobaadkan, Mr Trump wuxuu ugu dambayntii ogolaaday diyaarinta kala-guurka rasmiga ah ee kooxda madaxweynaha la doortay ee Biden inuu bilowdo, ka dib dhawr toddobaad oo uu hubaal la’aan ahaa hada uu ogaalaaday in xilka wareejin doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...