Ciidanka Nabad sugida ee Magaalada Dhuuso-mareeb oo gacanta ku dhigay dhagar-qabe ka tirsan Al-shabaab oo Walxa Qarxa Sida+(SAWIRRO).

Date:

Ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ayaa xalay ku guulaystay inay gacanta ku dhigaan dhagar qabe ka tirsan maleeshiyaadka alshabaab oo waxyaabaha qarxa soo galiyey gudaha magaalada dhuusamareeb kadib markii uu dhigay goob maqaaxi ah oo dadka shacabka ahi ay aad ugu badnaayeen.

Qaar ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa ayaa ka shakiyey maadaama uu magaalada ku cusbaa waxaana ay wargaliyeen ciidamada iyadoona halkaasi laga qabtay isaga iyo waxyaabihii uu doonayey inuu shacabka ku dhibaateeyo.

Ciimada amaanka magaalada ayaa waxa ay wadaan baaritaanno amniga lagu xaqiijinayo dhagarqabihii falkan lagu soo qabtay ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada nabad sugida iyagoo bulshada uga mahad celinayaa sida ay falkaasi uga hortageen ciidamadana u soo wargaliyeen.

waxaa dhamaanba saaka la adkeeyey sugida amniga magaalada waxaana socanaya baaritaan dheeri ah saraakiisha howlgalkan hogaaminaysa ayaa waxa ay xuseen in wixii ka soo baxa baaritaanadaasi ay dib warbaahinta kala wadaagi doonaan balse hada ay xaqiijinayaan in xalay la soo qabtay dhagarbaha doonayey inuu shacabka dhibaateeyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka cadaaladda XFS oo qaabbilay 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐰𝐞𝐝𝐞𝐧 𝐮 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐲𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 XFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧...

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amb. Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo booqday xarunta taliska ciidanka xudduudaha ee dowladda Ciraaq

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Dekadda Muqdisho oo yeelatay khad toos ah oo isku xiraya Soomaaliya iyo Shiinaha

-Dekadda Magaalada Muqdisho waxaa shalay si toos ah ugu...