Wasiirka Maaliyadda Itoobiya oo shaaciyay in Daagaalka Gobolka Waqooyiga lagu soo afjarayo wax ka yar Isbuuc.

Date:

Wasiirka maaliyada dalka itoobiya Ahmed shide ayaa sheegay in wax ka yar isbuuc lagu soo afjarayo dagaalka ka socda waqooyiga itoobiya.

Ahmed shide oo wareysi siiyay telefishinka France24 ayaa tilmaamay in ciidanka dowlada itoobiya ay qabsadeen inta badan gobalka Tigray ayna u dhimantahay magaalada xarunta ah ee Mekelle.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyada oo shalay ra’isulwasaaraha itoobiya uu shaaciyay in la galay wajigii ugu danbeeyay ee dagaalka ka dhanka ah TPLF.

Ciidanka itoobiya ayaa ku sii siqaya dhanka magaalada Mekelle waxaana waxaana ay joogaan iminka duleedka Adigrat meel Mekelle u jirta 90KM.

Dad badan ayaa la sheegay in ay qaxayaan magaalooyinka u dhaxeeya Adigrat iyo Mekelle.

Magaalada taariiqiga ah Negashe oo ah halkaas oo ay ku aasanyihiin boqor Negaashe iyo qaar ka mid ah saxaabadii rasuulka ayaa ka mid ah deeganada dadku ka qaxeen

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...