Halkan ka Daawo Barnaamijka Muuqaalka Bulshada SNTV.
TPLF oo markale gantaalo ku riday Dalka Eritrea.
Qaraxyo laga maqlay magaalooyinka Asmara Dekemehari, Gemehalo Nefasit ee dalka Eritrea.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay u muuqdeen weerar gantaalo ah oo dhanka TPLF ka yimid
Ma jiraan wax qasaaro ah oo ilaa iminka la sheegay .
Safaarada Mareykanka ee Asmara ayaa muwaadiniinta u sheegtay in aanay guryaha ka bixin
Sidoo kale safaarada ayaa bogeeda internetka ku qortay in qarax laga maqlay Asmara.
Dowlada Eritrea wali wax war arintan kuma soo saarin.
Labo isbuuc ayaa iminka laga joogaa markii TPLF ay sheegteen 3 gantaal lagu riday Asmara.
Ciidanka itoobiya oo sheegay in 50km ay u jiraan Mekelle xarunta gobalka Tigray.
Ciidamada itoobiya ayaa sheegay in dhowr jiho ay guluf xoog leh uga qaadeen magaalada Mekelle ee xarunta Tigray.
Jeneraal Hassan Ibrahim ayaa wakaalada warar itoobiya u sheegay in ciidanku gacanta ku dhigeen magaalada Wukro oo 50km dhanka waqooyi kaga beegan Mekelle .
Waxa uu sheegay in ciidanka ka duulay dhanka Adwa ay qabsadeen magaalooyinka Hawzen, Abraha Weatsbeha ilaa Wukro .
Dhanka Adigrat ayaa waxaa uu sheegay in ciidankii ka duulay ay qabsadeen magaalooyinka Senkata iyo Al-Najashi.
Aaga Raya ayaa jeneraalku tilmaamay in ciidankii ka duulay ay hantiyeen magaalooyinka Adikeyeh iyo Hewane.
Jeneraal Hassan Ibraahim ayaa sheegay in ciidanka ay hada ku socdaan aaga buurta Mesobo oo ah meesha kaliya ee ka xigta Mekelle.
Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo tacsiyeeyay geerida dadkii argagaxisada ku dileen qarax ka dhacay muqdisho.
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada dadkii ku dhintay qaraxii argagixisadu caawa la eegteen maqaaxi ay dad shacab ahi ku sugnaayeen magaalada Muqdisho. Eebbe ha u naxariisto inta dhimatay, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo.
Waa in aan u midownaa la dagaallanka argagixisada.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka Tacsiyeeyay Dadkii ku dhintay Qaraxii caawa ka Dhacay Muqdisho.
Guddoomiyha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka Tacsiyadeeyay qaraxii caawa ka dhacay magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Cumar Filish ayaa yiri.
“Inaa Lillaahi Wa Inaa-ILeehi Raajicuun.
Waxaan Murugada iyo Tacsida la wadaagayaa Dhamaan qoysaskii, Qaraabadii iyo Asxaabtii ay ka baxeen Walaalihii Soomaaliyeed ee ku shahiiday dhacdadii waxuushnimada aheyd oo ay arxan laawayasha Argagixisada ah ka geesatay Maqaaxida Gelato Divino ee Degmada Wadajir.
Si umadeena ay ugu noolaadaan nolal ku dhisan Xasilooni iyo horumar waxaa dhamaanteena waajib nagu ah inaan u midowno la dagaalanka Argagixisada oo Had iyo Jeerba caadeestay daadinta dhiiga dad Muslim ah oo aan waxba galabsan.
Dowlada Federalka Soomaaliya oo Cambaareysay Falkii Argagixisada Caawa Ku Bartilmaamaysatay Shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay cambaareyneysaa falkii waxashnimada lahaa ee argagaxisadu ay caawa ku bartilmaamadsadeen shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.
Ugu yaraan 6 muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa ku dhintay weerarkaasi halka 8 kalana ay ku dhaawacmeen sida uu xaqiijyay taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Halkan Hoose ka Akhriso Warsaxaafadeedka.
Seynisyahankii ugu sareeyey Cilmiga Nuyukaleerka Iran Mohsen Fakhrizadah ayaa lagu dilay meel u dhaw caasimada Iran ee Tahran.
Mohsen Fakhrizadeh oo ah seynisyahankii ugu sareeyay barnaamijka horumarinta nukliyeerka Iran ayaa la dilay sida ay xaqiijisay wasaarada difaaca ee Iran.
Dilka ayaa ka dhacay deegaanka Absard halkaas oo koox hubeysan ay rasaas ku fureen gaarigii u la socday.
Mohsen ayaa isbitaalka ugu geeriyooday dhaawac culus oo soo gaaray.
Wasiirka arimaha dibada Iran Mohammad Javad Zarif, ayaa dilka canbaareeyay wuxuuna ku tilmaamay fal qaranka lagu argagax galinayo
Madax ka tirsan Wasaaradda Cadaaladda Galmudug oo kormeeray dhismaha xabsiga laga hirgelinayo Gaalkacyo+(SAWIRRO).
Iyadoo si habsami leh uu u socanayo dhismaha xabsiga weyn ee Galmudug ee laga hirgalinayo duleedka bari ee magaalada Gaalkacyo ayaa maaanta waxaa kormeer ku aadan qiimeynta dhismaha xabsigaasi waxaa halkaasi ku tegay mas’uuliyin ka socatay Wasaaradda Caddaaladda Galmudug iyo Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda Gobalka Mudug
Mas’uuliyiintaan ayaa intii ay ku guda jireen kormeerkooda waxay qiimeeyn ku sameeyeen qaab dhismeedkii loogu tala galay in uu waafaqsan yahay sidii loogu tala galay
Kormeerka kaddib ayaa waxaa Warbaahinta Qaranka ugu horeyn la hadlay Gudoomiyaha maxkamadda gobalka Mudug Cabdirisaaq Cali Yuusuf oo tilmaamay in dhismaha xabsigaan uu ahmiyad u leeyahay arrimaha garsoorka.
Agaasimaha Waaxda xabsiyada iyo asluubta Wasaaradda Cadaaladda Galmudug Maxamuud Maxamed Jaamac ayaa ku tilmaamay dhismaha xabsigu inuu yahay mid dabooli doona baahiyo badan oo la xariira dhanka caddaaladda iyo arrimaha Garsoorka.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda Galmuug Maxamuud Guure Guuleed ayaa xusay in ujeedka kormeerkooda uu la xiriiro u kuurgelidda sida ay u socdaan dhismaha xabsiga laga hirgelinayo Gaalkacyo.

