Natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada dalkaasi oo guul usaadaalinayo Madaxweyne Kabore.

Date:

Madaxweyne Roch Marc Christian Kabore ayaa shan sano oo kale u shaqeyn doona bulshada  Burkina Faso, sida ku cad natiijooyinka hordhaca ah ee ay shaaciyeen guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka.

Newton Ahmed Barry, oo ah madaxa guddiga ayaa Khamiistii sheegay  in Mr Kabore, oo helay 57.87 boqolkiiba codadkii la dhiibtay uu si ku meel gaar ah loogu doortay madaxweynaha Burkina Faso wareegii koowaad.

Kabore ayaa wacad ku maray khamiistii inuu xoojinayo wadahadalka ka socda dalkiisa ka dib guushii weyneyd ee uu ka gaaray tartankiisii labaad.

“Waxaan isugu geyn doonaa dhamaan dadaalkayga si wada tashi joogto ah iyo wadahadal loo gaaro  lagana shaqeyo nabada iyo horumarka,” ayuu ka yiri Kabora.

Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa filayay in loolan adag uu ka dhici karo doorashadii Axadii dhexmartay Kabore iyo 12-kii kale wee la tartamayay, iyagoo  ku doodayay inuu ku guuldareystay xakameynta kooxaha hubeysan iyo rabshadaha qowmiyadaha.

Hawsha codbixinta waxaa hareeyay hanjabaadyo iyo weerarro oo ay geysteen kooxo hubaysan oo xiriir la leh al-Qaacida iyo ISIL oo ka howlgala dhul ballaaran oo ka tirsan Burkina Faso iyadoo ay sii kordheyso xaaladda ammaan ee Galbeedka Afrika ee Sahel.

Sanadkii la soo dhaafay, iskahorimaadka waxaa ku dhintay ilaa 2,000 oo qof dalka Burkina Faso In ka badan hal milyan oo qof oo reer Burkinabe ah ayaa ku barakacay dagaalka.

Kabore wuxuu helay 1.6 milyan oo cod oo ah kudhowaad seddex milyan oo codbixin ah

Mucaaradka ayaa qaba in doorashada lagu shubtay oo aysan aheyn mid xalaal ah.

Laakiin murashaxa hogaaminaya, Eddie Komboigo, madaxa Congress-ka Dimuqraadiyadda iyo Horumarka, wuxuu helay 15 boqolkiiba halka ninka kale ee la tartamaya, Zephirin Diabre, oo ka socda xisbiga Progress and Change, oo uu ugu adkaaday Kabore intii lagu jiray doorashadii hore, uu helay qiyaastii 12 boqolkiiba.

Mucaaradka ayaa ku eedeeyay xisbiga talada haya dhaqamo xun, oo ay kujirto laaluush.

Hawsha “musuqmaasuq ayaa hareeyay” guddiga doorashooyinkana kama soo bixin howsha qabanqaabinta doorashooyinka ee ay mas’uulka ka ahaayeen, ayuu Tahirou Barry, oo ah musharrax ka tirsan mucaaradka.

Hase yeeshe, guddiga doorashada, ayaa iska fogeeyay sheegashooyinka noocaas ah waxayna kormeerayaasha caalamiga ah ay siiyeen doorashada dhacday mid lagu kalsoonaan karo

Mucaaradka ayaa heysta 7 maalmood oo ay racfaan uga qaataan codeynta balse ma cadda iya racfaan qaadan doonaan iyo inkale .

Midowga Afrika iyo Beesha Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika, oo ah urur goboleed, ayaa sheegay in rafcaannada loo soo maro waddooyinka sharciga ah iyo jawi deggan gaar ahaan in laga fogaado rabshadaha,” ayuu Makuza Bernard, oo hoggaaminayay wafdiga Midowga Afrika u sheegay Associated Press.

Ururada bulshada rayidka ayaa sheegaya in madaxweynaha looga baahan yahay inuu si adag uga shaqeeyo bulshada markiisii ​​labaad si loo mideeyo wadan sii kala qeybsamaya.

“Waa inuu hubiyaa in balanqaadyadii aan la fulin shantii sano ee la soo dhaafay la fuliyo si loo yareeyo jahwareerka bulshada, Dhibaatada bulshada kuma koobna oo kaliya magaalooyinka waaweyn sidoo kale waxay ku sii fidayaan baadiyaha, ”Chrysogone Zougmore, oo ah madax Burkinabe oo ah koox u Dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Aadanaha ayaa u sheegay AP.

Ahmed Idris, oo ka soo warama= Abuja , ayaa sheegay in tilmaamtu tahay in mucaaradka ay damacsan yihiin inay ka hor yimaadaan natiijooyinka.

“Marka su’aasha ugu weyn ee Burkinabes inteeda badan waxay tahay ilaa intee ayey mucaaradku aadi doonaan. Ma waxay ugu baaqayaan taageerayaashooda in ay isugu soo baxaan waddooyinka Ouagadougou iyo magaalooyinka kale ee dalka ku yaal? ” Ayuu yiri.

“Qaar ka mid ah falaqeeya yaasha waxay rumeysan yihiin inay fursad u siinayso kooxaha hubaysan inay weeraraan bartilmaameedyada Burkina Faso, in kasta oo ay inta badan doorashadu si nabadgalyo ah ku dhacday iyadoo aysan dhicin wax dhibaato weyn ah ama weerar kaga yimaada mid ka mid ah kooxaha hubeysan ee dhibaatada ku hayay dalka shantii sano ee ugu dambeeysay. ”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...