Home Blog Page 794

Ra’iisul wasaare xigeenka Itoobiyo oo maalmihii u dambeeyay safar Gobolka ah ku jira ayaa la kulmay Madaweynaha Rwanda.

0

Ra’isulwasaare ku xigeenka Itoobiya ahna wasiirka arimaha dibadda Demeke Mekonne ayaa saakay maagalada Kigali ee xarunta Rwanda kula kulmay madaxweynaha dalkaasi Paul Kagame.

Waxa ay ka wada hadleen xaalada gobalka tigreega ee waqooyiga itoobiya halkaas oo dagaal socda 15 cisho uu ku dhaxmarayo ciiidanka dowlada iyo kuwa ismaamulka tigreega.

Madaxweyne Kagame ayaa muujiyay sida loogu baahan yahay in nabada iyo xasiloonida la soo celiyo oo xiisada la qaboojiyo.

Demeke Mekonne ayaa sheegay in kooxda TPLF ay ku xadgudbeen dastuurka itoobiya iyaga oo doorasho aan sharci ahayn qabsaday.

Wuxuu tilmaamay in ay dalka ka abuureen colaad iyo rabashado islamarkaana ay shaki galiyeen sharciyada dowlada dhexe kadib markii ay warareen taliska waqooyi ee ciidanka itoobiya .

Ra’isulwasaare ku xigeenka itoobiya ayaa wada dadaal uu madaxda afrika ku qanciyo in waxa ka socda itoobiya ay yihiin howlgal sharciga lagu soo celinayo

Wuxuu horay u booqday wadamada Kenya iyo Uganda halkaas oo uu kula kulmay madaxda hogaamisa

Suudaan oo qorsheyneysa inay muwaadiniinteeda kala baxdo gobalka Tigreega ee Itoobiya.

0

Dowladda Suudaan ayaa qorsheeyneysa inay muwaadiniinteeda   kala soo baxdo dalka Itoobiya,gaar ahaan gobalka Tigreega oo ay ka socdaan dagaallada dhowaan ka bilowday dalkaasi.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan ayaa lagu sheegay in dowladda Suudaan la socoto xaaladda muwaadiniinta ku sugan gobalka Tigreega, inkasta oo gobalka laga jaray isgaarsiinta.

Bayaanka ayaa muwaadiniinta ugu baaqay inay is dejiyaan inta safaarada Suudaan ee dalkaas dhamaystireyso qorshaha lagu soo qaadaayo.

4-tii November, waxaa gobalka Tigreega ee Itoobiya ka bilaawday dagaal u dhaxeeya Ciidmada Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Dadka Tigreega kaas oo sababay in dad fara badan ka qaxaan gobalka.

Dowlada Iran oo ugu baaqday Madaxweynaha cusub ee Mareykank joe Biden in laga qaado cunaqabateynta, islamarkaana dib ugu biirto heshiiska nukliyeerka.

0

Wasiirka Arimaha Dibada ee Iran Mohammad Javad Zarif ayaa sheegay in Iran ay si buuxda u fulin doonto heshiiskeeda Nukliyeerka ee 2015 hadii Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden uu cunaqabateynta ka qaado Tehran, taasi oo uu Zarif ku sheegay in si deg deg ah loogu fulin karo “saddex amar fulineed”.

Biden wuxuu ballanqaaday inuu dib ula midoobi doono heshiiskii taariikhiga ahaa ee 2015 – oo ay ku heshiiyeen lixda quwadood ee adduunka ee loo yaqaan P5 + 1 – haddii Iiraan ay sidoo kale ku soo noqoto fulinta.

Laakiin diblomaasiyiinta iyo falanqeeyayaasha Siyaasada ayaa sheegay in aysan u badneyn in ay dhacaan habeen kaliya Arrintan maadaama labada dhinac uu midba midka kale ku eedeynayo Qalalaadka iyo ka bixida balanqaadyadii lagu hashiiyay inkastoo wali Iiran ay ku adkeysanayso dalab ah in “waxyeelada” Tehran ay la kulantay cunaqabateynta Mareykanka, ay Washington ka bixiso mag’dhaw si ay dib uga soo kabato lacagaha saliida ee ka lumay.

Duqeymo ay diyaaradaha Israa’iil ay ka geysteen gudaha dalka Syria ayaa waxaa ay ku dileen seddex askari, oo ka tirsan Ciidamada Iran.

0

Warbaahinta dowladda Suuriya ayaa sheegtay in seddex askari la dilay xilli militariga Israa’iil ay sheegeen in ay duqeeyeen bartilmaameedyo ay lahaayeen ciidamada Iiraan iyo Suuriya.

Israa’iil ayaa duqeymo cirka ah ku qaadday Suuriya, halkaas oo ay ku dishay saddex askari, mid kalena ay ku dhaawacday, iyadoona weerarkaasi ay dowlada Israa’iil ku tilmaameen mid aargudasho ah ka dib markii ay ka heleen qalab qarxa xadka ay la wadaagaan waqooyiga Suuriya.

Bayaan ay soo saareen maanta oo Arbaco ah, militariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay duqeeyeen “bartilmaameedyo militari oo ay leeyihiin xoogaga Qudus ee Iran iyo ciidamada qalabka sida ee Siiriya” weeraradii xalay dhacay.

(DAAWO) WARKA KOOBAN EE ©SNTV // 18-11-2020

0

Halkaan ka Daawo Warka Kooban ee SNTV.

Wasiirka caafimaadka oo ka qeyb gashay shir looga hadlayay xoojinta adeegyada Hooyadda iyo dhalaanka+(SAWIRRO).

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. Fowziya Abiikar Nuur ayaa ka qeybgashay Shir Goboleedka EMRO.

Shirka oo ku qabsoomay habka Online-ka ama fogaan aragga loo yaqaano Zoom-ka ayaa waxaa ka qeyb ahaa hay’adaha WHO,UNICEF iyo UNFPA oo ka tirsan EMRO.

Mas’uuliyiinta ka soctay hay’adahaan ayaa ka dooday xoojinta bixinta adeega caafimaadka aasaasiga ah ee Hooyadda iyo Dhallaanka iyo  saameynta uu ku yeeshay xanuunka Covid-19.

Dowlada Mareykanka oo Horjoogeyaal ka tirsan Al-shabaab ku dartay liiska argagixisada

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in Cabdullaahi Cismaan Maxamed iyo Macallin Ayman ay yihiin hoggaamiyeyaasha sarsare ee Al-Shabaab oo fadhigoodu yahay Soomaaliya.

Cabdullaahi Cismaan Maxamed, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab oo sidoo kale loo yaqaan “Injineer Ismaaciil,” waa khabiirka sare ee kooxda argagixisada ee mas’uul ka ah guud ahaan maaraynta hawlgallada, qaraxyada iyo soo saarista ee Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu lataliye gaar ah u yahay waxa loogu yeero “amiirka” Al-Shabaab waana hoggaamiyaha garabka warbaahinta Al-Shabaab, al-Kataib.

Macallin Ayman waa hoggaamiyaha Jaysh Ayman, oo ah unug ka tirsan Al-Shabaab oo weeraro argagixiso iyo hawlgallo ka fuliya Kenya iyo Soomaaliya. Ayman wuxuu mas’uul ka ahaa diyaarinta weerarkii January 2020 ee ka dhacay Camp Simba agagaarka Manda Bay ee dalka Kenya, kaasoo ay ku dhinteen hal xubin oo ka tirsan ciidamada Mareykanka iyo laba qandaraasle Mareykan ah.

Al-Shabaab, oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka u aqoonsatay inay tahay Urur Argagixiso bishii Maarso 2008, waa mid ka mid ah ururada ugu halista badan kooxaha al-Qa’ida. Waxay sii waddaa in ay khatar geliso nabadda, amniga, iyo xasilloonida Soomaaliya, iyo sidoo kale Kenya Ayey tiri waaxda arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka.

Waxa ay intaasi ku dartay, Dowladda Mareykanka in ay ka go’antahay in ay carqaladeyso hababka maaliyadeed ee sharci darrada ah ee Al-Shabaab, iyadoo la xaddidayo awooddeeda ay ku qaadi karto weerarro dheeraad ah oo ka dhan ah dadka rayidka ah, iyo in ay ku taageerto Dowladda Federaalka Soomaaliya carqaladeynta maalgelinta argagixisada iyo in ay si dhow ula shaqeyn doonto dowladaha si loo yareeyo awoodda iyo howlaha kooxaha argagixisada, loolana dagaallamo kooxaha iyo saameynta ay ku leeyihiin Bariga Afrika.

Kadib shaacinta magacyada argagixasadaani, waxaa la mamnuucay in wax macaamil ah lala yeesho Maxamed iyo Ayman waxayna ogeysiineysaa dadweynaha iyo beesha caalamka in Cabdullaahi Cismaan Maxamed iyo Macallin Ayman ay yihiin hoggaamiyeyaasha urur argagixiso.

 

Dowladda Soomaaliya oo dhaqaale siineysa qoysaski uu saameeyay Ayaxa+(SAWIRRO).

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax oo socdaal  ku jooga Puntland, ayaa booqday deegaannada uu saameynta ka geystay Ayaxa ee gobolka Nugaal.

Wasiirka ayaa sidoo kale tagey goobo ay ka socotay diiwaangelinta Qoysaska uu saameeyay Ayaxa, kuwaaso taageerro ka helaya Dawladda.

“Waxaan u nimid halkan si aan u oggaano sida ay ku socoto diiwaangelinta Qoysaska uu saameeyay Ayaxa ee beeralayda ah,kuwaaso qeyb ka ah Qoysas ay Dawladdu taageerro dhaqaale oo soo kabasho ah siin doonto” ayuu yiri Wasiir Duraan oo warbaahinta kula hadlay deegaanka Jibagale ee hoos taga degmada Garoowe.

Duraan Axmed Faarax, wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay inay Dawladda ka go’antahay sidii dhaqso looga jawaabi lahaa xaaladaha deg degga ah oo uu ka mid yahay Ayaxa saameeyay beeralay badan.

Qoysaska uu saameeyay Ayaxa ee ku nool in ka badan 40 degmo oo dalka oo dhan ah, ayaa lacag caddaan ah muddo lix bil ah ka heli doono mashruuca ka jawaabaya saameynta Ayaxa ee Baxnaano oo qeyb ka ah siyaasadda ilaalinta Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

“ Mashruucan waxaan u daba galeyna si uu guul ugu dhammaan lahaa xilliga loogu talagalay,cidda ku habboona ay uga faa’iideysan lahayd, waa arrin suragalinaysa taageerro ballaaran inay helaan dadkeenna nugul iyo kuwa xaaladaha deg degga ay soo food-saaraan” ayuu ku daray.

Booqashadan waxaa wasiirka ku helisay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha,Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, Hodan Siciid ,madaxa Barnaamijka Baxnaano, Fardowsa Axmed Cabdullaahi iyo mas’uuliyiin kale.

Gobolka Banaadir oo dayactiraya xarunta dhul bixinta ee dowladda hoose+(SAWIRRO).

0

Maamulka gobolka Banaadir ayaa billaabay dayactir lagu sameynaayo xarunta gaadiidka iyo dhul bixinta dowladda hoose oo ay ka muuqdaan burbur xooggan oo ka soo gaaray dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka.

Xaruntaan oo muhiim u ah adeegyada gaadiidka iyo dhul bixinta ayaa waxaa dayactirkeeda horkacaya agaasime ku xigeenka waaxda howlaha farsamada dowladda hoose mudane Bashiir Shuumbe Shuute.

Xarunta ayaa muddadii ay burbursaneed waxaa ka baxay geedo badan, iyadoo hadda ay billaabatay jarista geedahaas iyo dayactirka xarunta si loogu adeego bulshada caasimadda.

(DAAWO) WARKA HABEEN EE SNTV // 17. 11. 2020.

0

Halkaan Hoose Ka Daawo, Warka Habeenimo ee SNTV.