Qeybo ka mid ah Gobolka Tigrey ee Waqooyiga Itoobiya oo adeegii Isgaarsiinta ka shaqo bilaabay.

Date:

Shirkada kaliya ee taleefanada ee ka jirta Dalka itoobiya ee lagu magacaabo Ethio -telecom ayaa sheegtay in adeegii taleefanada qeybo ka mid ah gobalka Tigray ee waqooyiga itoobiya uu iminka shaqeynayo.

Shirkadu waxay sheegtay taleefanada oo hawada ka maqnaa mudo 3 isbuuc ah sababo la xiriira xiisadaha ka jiray gobalka hada meelaha qaar ay shaqeynayaan inta dhimana ay gacanta ku hayaan.

Deegaanada Dansha,Turkan ,Humera,Shiraro,meytsebri iyo Maykadra ayaa taleefanada qeyb ahaan shaqeynayaan sida shirkada sheegtay.

Magaalada Alamata ayaa taleefanada si buuxda u shaqeynayaan.

Shirkadu waxa ay sheegtay in ay gacanta ku heyso dayac tirka qalabka isgaarsiinta ay waxyeeladu gaartay islamarkaana ay kaashaneyso shirkada korontada itoobiya oo ay tahay in ay adeega korontada soo celiso si ay taleefanada u shaqeeyaan meelaha dhiman ee gobalka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...