Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baladweyne,isagoo u kuurgalaya xal u helidda arrimaha ka taagan gobolkaasi+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Wasaarrada Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, General Mukhtaar Xusseen Afrax iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa u ambabaxay deegaannada ay colaaduhu ka jiraan Gobolka Hiiraan ee Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle.

Wafdiga Wasiirka ayaa ku hormaraya Magaaladda Beledween si ay uga sii gudbaan deegaanka Nagaarta Ee hoos tago Degamada Matabaan si uu uga qayb qaato joojinta colaadda halkaas ka taagaan wasiirka ayaa ku baaqay in si-sharuud la’aan ah lagu joojiyo dagaalka u dhexeeya beelaha walaalaha ah ee ka socdo deegaanno hoos yimaada degmada Matabaan , Gobolka Hiiraan ee maamulka Hir-Shabeelle.

Waxa uu ugu baaqay odayaasha iyo dhinacyada ku diriraya deegaankaas in ay la shaqeeyaan ciidamada Dowlada ee gaaray Halkaas si ay ugu fududaato joojinta dhiiga daadanaya.

Wasiirka ayaa inta uu ku jiro socdaalka nabaddoonimo waxa uu sidoo kale tegayaa deeganada hoose tago Degmada Beledweyne si uu uga qeyb qaato dadaallada lagu xoojinayo Nabadda, iyo is dhex galka Bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celisay muwaadiniin ku xirnaa dalka Liibiya

Dowladda Faderaalka Soomaaliya oo gacan ka heleeyso hay'ada socdaalka...

Midowga Afrika oo DFS ku bogaadiyey dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo qorshaha doorasho qof iyo cod ah

Guddoomiyaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf oo booqasho rasmi...

Bandhigga Farshaxanka iyo Dhaqanka Bariga Africa oo Lagu soo Geba-gabeeyay Addis Ababa

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud...

Taliyaha Boliiska oo xarigga ka jaray dib u habeyn lagu sameeyey Xarunta Hogaanka Gaadiidka

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...