Home Blog Page 795

Sii hayaha Wasiirka waxbarashada oo Degmada Balcad ka dhegax dhigay dugsi lagu baranayo cilmiga beeraha. [sawirro]

0

Sii hayaha wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo ay wehliyaan wasiirka waxbarashada Hirshabeelle ayaa dhagax dhigay Dusiga beeraha Balcad kaasi oo loogu talagalay in kor loogu qaado wax soo saarka deegaanka maadaama gobolka shabeellaha dhexe uu ka mid yahay kuwa ugu badan ee lagu beeraha dalagyada kala duwan ee dalkeyna ka baxa waxaana laga hirgeliyay degmada Balcad.

Munaasabaddaan waxaa goob joog ka ahaa maamulka Gobolka, kan degmada iyo mas’uuliyiin ka socotay dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Degmada Balcad Qaasim Cali Nuur iyo guddoomiyaha gobolka shabeellaha dhexe Axmed Mayre Makaraan ayaa sheegay in dusgigaan uu waxbadan kusoo kordhindoono wax soo saarka isla markaana ay uga faa’ideysan doonaan.

Wasiirka waxbarashada dowlad goboleedka Hirshabeelle Dr Cabdulaahi Abuukar xuseen ayaa sheegay inay dugsigaan ay ka faa’ideysan doonaan bulshada Soomaaliyeed waxaana uu uga mahadceliyay sida dowladda dhexe ay uga go’antahay kor u qaadista wax soo saarta dalka.

Sii hayaha wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalkla Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay iskuulkaan ugu talagalay cilmiga iyo tayada wax soo saarka dalka kor loogu qaado goobtaana ay tahay meel muhiim u ah dadka soomaaliyeed.

“Dusigaan beeraha balcad oo aan ugu talagalnay wax soo saarka gobolka looguma yeeri karo magac kale waxaana dowladda Soomaaliyeed ka go’an xoojinta wax soo saarka dalka”ayuu yiri wasiir goodax.

Waa dugsigii ugu horeeyay oo nuucaan ah ee laga  hirgaliyo degmada Balcad ee gobolka shabeellaha Dhexe waxaana mashruucaan fulinayo dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Midowga Yurub.

Qaramada Midoobay oo soo dhoweysay heshiiska dhexmaray qeybaha Suudaan.

0

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres  ayaa soo dhoweeyayheshiiska nabadeed ee Dowladda Suudaan iyo hoggaamiyasha dhaqdhaqaaqyada hubeysan ay ku gaareen Koonfurta Suudaan, gaar ahaan magaalada Jubba.

Xoghayaha Guud ayaa hadal uu soo saaray uga  mahadceliyay dadka reer Suudaan heshiiska taariikhiga ah ee ay wada saxiixeen Dowladda Suudaan, Jabhadda Kacaanka Suudaan  iyo mucaaradka Ciidamada Xorreynta Suudaan ee uu hoggaamiyo Mona Minawi.

António Guterres,ayaa ku booriyay dhinacyada wadahadalada inay soo bandhigaan rabitaankooda siyaasadeed iyo sida ay uga go’an tahay inay ka shaqeeyaan gaaritaanka hadafka guud ee nabada.

Ilhaan Cumar iyo Xildhibaanno kale oo dacwad ka gudbiyay Askar falal xun kula kacay Dad Muslimiin ah.

0

Xildhibaanno ka tirsan Aqalka wakiillada  Mareykanka oo ay ka mid tahay Ilhan Cumar ayaa dacwad ka gudbiyay ciidamada ka hortagga qaxootiga iyo kuwa canshuuraha, kadib markii ay Dad Muslimiin ah oo xabsi ku jira ay ku qasbeen in ay cunaan Hilib Doofaar iyo raashiin qurmay.

Dacwadda oo ay Xildhibaannadu u gudbiyeen Waaxda amniga gudaha Dalka Maraykanka ayay kaga codsadeen in baaritaan lagu sameeyo dhacdadaan foosha xun ee lagula kacay Muslimiinta maxaabiista ah ee ku jira xabsi ku yaalla Magaalada Miami.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah ugu saxiixnaayeen Xildhibaanada kala ah Ilhan Omar, Rashida Tlaib iyo Andre Carson ayaa lagu sheegay inaysan arrintaani aheyn wax aan la aqbali karin.

Maxaabiis Muslimiin ah oo ku jira xabsiga Krome ee Magaalada Miami ayaa lagu khasbay inay kala doortaan Hilib Doofaar iyo Raashin qurmay, sida ay sheegeen Xildhibaannadan.

Madaxweynaha Jubbaland oo tababr usoo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada daraawiishta Jubbaland.

0
Madaxweynaha dowlad goboleedka  Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Tababar usoo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidamada darawiishta dowlad goboledka  Jubbaland kuwaasi oo qeyb ka ah howl-galada ka dhanka ah argagixisada.

Ciidamadaan oo si gaar ah u tababaran ayaa ka qayb-qaadanaya Howlgalada lagu cirrib tirayo Kooxda Al-Shabaab oo ay wadaan ciidamada darawiishta Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee deegaannada Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in la isku furi doono Magaalooyinka la xureeyay  sidoo kalana ay ciidamadan qaadi doonan howlgal ka dhan ah deegaannada ay Argagixisadu ku sugan yihiin iyagoo kaashanaya dadka Shacabka ah si ay uga dulqaadan dhibaatada ay Argagixisadu ku hayso.

 

Wasaradda Gaadidka XFS oo ku howlan horumarinta garoomada diyaaradaha dalka.

0

Wasarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya aya gobollada dalka ka billowday qorshe lagu hormarinayo garoomada diyaradaha ee ku yaalla magaalooyinka dalka.

wafdi uu horkacayo sii hayaha wasiir ku xigeenka wasaaradda gadidka iyo duulista hawada XFS mudane Xirsi Adan rooble ayaa ku howlan taabbagalinta mashariicyo lagu fulinayo garoomada diyaradaha dalka, kaas oo la xiriira dhismooyin lagu kordhiyay garoomada iyo qalabeyn.

Sii hayaha wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in qalabka isgaarsiinta ee diyaradaha lagu hago iyo shaqaale aad loo carbiyay ay geeyeen Magaalooyinka Kismaayo iyo Baladweyne,sidaa daraadeedna ay ku tala jiraan in magaalooyinka kale ay gaarsiiyaan fursadahaasi kuwo la mid ah.

Sii hayaha Wasiirka Waxbarashada XFS & wafdi uu hoggaaminayo oo ku wajahan Balcad.

0

Wafdi uu hoggaaminayo sii hayah Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Goodax Barre ayaa saakay ka ambabaxay Magaalada Muqdisho iyagoo kusii jeeda magaalada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe si ay u dhagax dhigaan dugsi sare oo qeyb ka ah mashruuca horu-marinta waxbarashada.

Wafdigaan waxaa qeyb ka ah, wasiiro ka tirsan xukuumadda Hirshabeele,Guddoomiyaha gobolka shabeelaha dhexe Axmed Meyre makaraan iyo xubno kale.

Sii hayaha wasiirka waxbarashada ayaa dhawaan dhagax dhigay goobo waxbarasho oo laga hirgaliyay Baardheere ,Garbahaareey iyo Dooloow Soomaaliya.

Caruur Soomaaliyeed oo wacdaro ka dhigay ciyaaraha Golfka ee lagu qabtay Mareykanka.

0

Maxamed Cabdirashiid Ibraahim, Salma C/rashiid  iyo Sihaam oo Walaalo ah ayaa wacdaro ka dhigay  Ciyaaraha  Golfka ee lagu qabtay Magaalada Portland Gobolka Oregon ee Dalka Maraykanka.

Ciyaartaan oo ay soo qaban-qaabisay Ururka  da’yarta Golfta Qaaradda  America ee  American Junior Golf Association ayaa  waxaa sannadkaan ka soo qayb-galay 78 ciyaartooy  oo ka kala socday daafaha Adduunka isla markaana ay da’adooduna u dhaxaysay 12-15, iyadoo Saddex ka mid ah ay ahaayeen Somali Americaan.

Sihaam Abdirashid oo aheyd Gabdha ugu da’da yareyd Ciyaartaan, horana guula uga soo hoyeysay Aasiya  iyo Africa, iyadoo xilligaas matalaysay Dalkeeda Soomaaliya ayaa  hadda gashay kaalinta 10-aad waxeyna keentay 14 dhibcood, salma ayaa iyana gashay kaalinta 29-aad, halka Maxamed uu isna galay kaalinta 46-aad.

Cabdirashiid Ibraahim oo ah Aabbaha Caruurtan ayaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u sharraxay taariikhdiisa isboortiga iyo  guulaha ay Caruurtiisu  ka gaareen Ciyaaraha Golfka iyo waliba wakhtiga ay billaabeen, isagoo u mahad-celiyey cid kasta oo garab istaagtay, gaar ahaan Wasiir khadiijo Maxamed Diiriye.

Siham, Salma iyo Maxamed ayaa u mahadceliyay dhammaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee  Maraykanka, Wasiir Khadiijo Diiriye iyo intii kusoo garab istaagtay guushooda.

Sii hayaha RW dalka gudoomiyey shir looga hadlayo dhaqaalaha iyo geedi socodka dayn cafinta

0

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlay dhaqaalaha dalka iyo dardar gelinta qorshaha deyn cafitna dalka, kaas oo ay ka qayb galeen sii hayaha wasiirka maaliyadda, guddoomiyaha Bankiga dhexe iyo mas’uuliyiinta hey’adaha iyo wasaaradaha qeybta ka ah tubta horumarinta dhaqaalaha.

Shirka waxaa looga dooday arrimaha dhaqaalaha dalka, gaar ahaan dhibaatadii ka dhalatay xanuunka COVID19, iyo sidii dib u kabasho dawladdu uga samayn lahayd dakhliga, ganacsatadana dib loogu xoojin lahaa.

Sidoo kale kulanka ayaa looga dooday isu diyaarinta shir dhex maraya dowladda iyo hay’adda IMF, kaas oo qayb ka ah geedi socodka dayn cafinta, laguna hubinayo in dawladda Soomaaliya ay ka soo dhalaashay tallaabooyinkii lagu balamay in sanad waliba la qaado.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in shirkani uu muhiim u yahay dib u habaynta dhaqaalaha dalka, islamarkaana xukuumaddu ay ka shaqaynayso horumarinta dhaqaalaha, dawlad wanaagga, taas oo dalka gaarsiinaysa koboc maaliyadeed.

Dhamaan wasaaradaha iyo hey’adaha dowladda ee ka tirsan tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa la faray inay qeybta uga aadan ka qaataan qorshaha deyn cafinta dalka si loogu guuleysto dhammaan shuruudaha, loona gaaro himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiin ka socda Dowlad Goboleedka Galmudug iyo AMISOM oo Muqdisho ku kulmay.

0

Madaxweyne kuxigeenka Maamul Dowlad Goboleedka  Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Madaxa Midowga Africa ee Amisom Francisco Madera.

Kulankaasi ayaa looga hadlay xoojinta Xiriirka Amisom iyo dowlad gobolleedka Galmudug  iyo qodobo kale oo la xiriiray ka qeybgalka sugidda amniga iyo horumarinta arimaha bulshada.

Madaxweyne Ciid ayaa masuuliyiinta Amisom kala hadlay sidii Ciidamada Amisom ay gacan uga geysan lahaayeen xoreynta goobaha fara-kutiriska ah ee kooxda argigixisada Al-Shabaab ay ka joogaan Galmudug.

 

Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Jubada hoose

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal ay ka sameeyeen nawaaxiga Baar Sanguuni oo u dhaw magaalada Kismaayo ku dilay 4-ruux oo ka tirsanaa maleeshiyada xagjirka ah ee Al-Shabaab, sida ay baahisay SONNA.

Hawlgalkaas oo ciidamadu qaadeen, ka dib markii ay ka war heleen duullaan gaadmo ah oo ay Argagixisadu qorsheynayeen in ay la beegsadaan fariisimada Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale lagu dhaawacay sadex ka tirsan Al-shabaab.

Shirwac Cumar Baaruush oo ka tirsan Saraakiisha qeybta 43-aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay ay cadowga gaarsiiyeen jab xooggan kana furteen Saanad Ciidan.

Ciidanka xoogga dalka ayuu sheegay in ay dhulka miyiga ah ku sii baacsanayaan firxadka Malleeshiyada, isagoo intaa ku daray in ay Ciidanku ku dhow yihiin Degmada Jamaame ee Gobolka Jubada hoose.