Home Blog Page 795

(DAAWO) BARNAAMIJKA FALANQEYNTA MAANTA ©SNTV // 17. 11. 2020.

0

Barnaamijka Falaqeynta waxaan ku eegi doonaa Wasaaradda Caafimaadka XFS oo la wareegtay Sharciga mihnadlayaasha caafimaadka qaranka.

Halkan ka Daawo.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo safar kormeer ah ku tagay deegaanka Afbarwaaqo ee Gobolka Mudug+(SAWIRRO).

0

Wafdi uu hugaaminaayo wasiirka warfaafinta Galmudug  Axmed Shire Falagle oo ay qeyb-ka yihiin  guddoomiyaha gobolka mudug ,wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Galmudug ayaa safar ku maraya deegaannada fog ee bariga gobolka mudug.

Masuuliyiinta ayaa u kuurgalaya xaaladaha guud ee ka jira deegaannadaasi waxaana galinkii dambe ee maanta  booqdeen xarumaha bulshada loogu adeego gaar ahaan cisbitaalada ,goobaha waxbarashada iyo sidoo kale ceelasha iyagoo safarkaan shaqo ku maraya deegaanno badan oo hoostaga degmada Jariibaan oo ay maamusho Galmudug.

Dhinaca kale wafdiga ayaa booqday Ciidamo ka mid noqonaya boliiska Soomaliyeed oo Tababar uu uga  socdo deegaanka Afbarwaaqo.

Ciidanka Xoogga oo gacanta ku dhigay dad loo heysto dilka qoys lagu laayay Degmada Warsheekh.

0

Ciidamo ka tirsan qeybta 27-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howl-gal ka sameeyay degaanno hoostaga degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyaga oo baadi goobayay dadkii ka dambeeyay dil Hooyo & lanba Carruur ah oo ay dhashay, loogu geystay duleedka degmadaasi.

Howl-galkaan ayaa waxaa horkacayay guddoomiyaha gobolka shabeellaha dhexe Axmed Meyre Makaraan, Taliyaha ciidamada ilaalada xeebaha ee maamulka Hir-Shabeelle Ismaaciil Xaadoole, Saraakiil ka tirsan qeybta 27-aad iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Warsheekh,

Ciidamada ayaa  waxaa ay gacanta ku dhigeen 5 Ruux oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilkii foosha xumaa oo xilli habeen ah degaanka xaluule loogu geystay Hooyo umul aheyd iyo laba Carruur ah oo ay dhashay.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha Dhexe Axmed Mayre Makaraan ayaa balan ku qaaday in qof walbo oo falkaan ku lug lahaa sharciga lala tiigsan doono.

Degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa bishaan gudaheeda waxaa ka dhacay dilal foolxun oo la xiriira aanooyin qabiil oo Sanadihii la soo dhaafay ka taagan degaannada hoostaga degmooyinka Warsheekh iyo Cadale, waxaana maamulka gobolka shabeellaha dhexe ay sheegeen in ay wax ka qaban doonaan.

Wasiirka Ganacsiga XFS oo ka qeyb-galay dood lagu dhiirigalinayay Ganacsatada yaryar+SAWIRRO).

0

Kulan dood cilmiyeed looga hadlay sidii loo heli lahaa jawi iyo xaalad ay Ganacsiyada bilowga ah (start-ups), kuwa yaryar iyo kuwa dhexe (SMEs) ku dhex shaqeeyaan ayna ka soo qeyb-galeen khubaro ganacsi, ganacsiyada bilowga ah (Start-ups), ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe (SMEs), bankiyada, shirkadaha Ganacsi ee waaweyn, dhallinyarada, bahda waxbarashada, xubno sarsare oo ka tirsan dawladda federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo wasiirka Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya iyo dhammaan ururada Bulshada rayidka ah ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa soo agaasimay machadka hal-abuurka, tiknoolojiyada iyo Ganacsiga (IITE) ee Jaamacadda SIMAD.

Kulanka oo ay khudbado ka jeediyeen madaxda bankiyada dalka, wasiirka Ganacsiga iyo madaxweynaha Jaamacadda SIMAD sidoo kalena lahaa dood ay ka qeyb-qaateen qaar ka tirsan ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa lagu iftiimiyey qodobo farabadan;

Dood cilmiyeedka kulankaan qeybta ka ahaa ayaa lagu dhex tilmaamay qodobo muhiim ah oo kala sheegeen ka qeyb-galayaasha kulanka.

Waxaa sidoo kale kulanka khudbado muhiim ah ka jeediyey madaxa iyo wasiiro ka kala socda shirkadda, ganacsiyada iyo dawladda Soomaaliya.

Wasiirka ganacsiga iyo wershadaha xukumadda federaalka Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar ayaa sheegay wasaaraddu ay dhiirigalineyso ganacsiyadda bilaawga iyo kuwa dhexe waxaana uu sidoo kale sheegay in loo baahanyahay in dalka hormarkiisa laga shaqeeyo.

Dowlada Ingiriska oo ku Baaqday in la joojiyo Colaada Dalka Itoobiya.

0

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska arimaha dibadda,barwaaqo sooranka iyo horumarinta dalka UK ayaa lagu sheegay in dowlada Britain ay ku baaqeyso in la qaboojiyo xiisada iyo colaada ka aloosan itoobiya.

Wasiirka arimaha afrika James Duddridge oo qoraalka soo saaray ayaa sheegay in UK ay si dhow ula shaqeyneyso hay’adaha sama galka si uu gargaarka u gaaro dadka dagaalku saameeyay.

Xoghayaha arimaha dibadda UK Dominic Raab ayaa 10 bishaan taleefan Kula hadlay ra’isulwasaaraha itoobiya Abiy Ahmed isagoo xoojiyay muhiimada ay lee dahay in dadka rayidka ay helaan badbaado islamarkaana gargaarka uu gaaro.

Safiirka Britain ee Adis Ababa ayaa isna wada dadaal lagu muujinayo baahida loo qabo in colaada la joojiyo taana ay dhamaan dhinacyada qeyb ka noqdaan.

Booliska Dowlada Soomaaliya oo ka warbixiyay qarax naftii halige uu ka fuliyay maqaaxi dad rayid ah ay ka cunteynayeen.

0

5 qof ayaa dhimatay 8 kalana waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii qof naftii halige ah uu isku qarxiyay Maqaayad laga cunteeyo oo ku dhaw dugsiga tababarka ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye.

Kornayl Sadiiq Aadan Cali Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la hadlay Warbaahitna ayaa sheegay in falka ka dhacay goobta maqaayadda uu ka dambeeyay qof naftii halige ah oo isku soo rakibay waxyaabaha qarxa,

“Naftii haligaha waxa uu galaaftay nolosha shan qof oo rayid ah iyo isaga oo lix ku ah, waxaana ku dhaawacantay ilaa iyo 8 qof, ciidanka booliska ayaa gar gaar caafimaad u fidiyay dadka shacabka ah ee waxyeelada ka soo gaartay” ayuu yiri Afhayeenka ciidanka Booliska.

Afhayeenka ayaa Ummadda Soomaaliiyeed uga tacsiyadeeyay dadkii shacabka ahaa ee ku nafwaayay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho, waxaana uu Alle uga baryay kuwa ku dhaawacmay in uu u boogdhayo.

Qofka ismidaamiyay ayaa xirnaa jaakadda walxaga qarxa.

Dowladda Jarmalka oo deeq dawo ah ku wareejisay Itoobiya.

0

Safaarada Dalka Jarmalka ee magaalada Adis Ababa ayaa isbitaal ay leeyihiin ciidanka itoobiya ugu deeqay agab caafimaad oo u dhigma 1 million oo Euro.

Madaxa waaxda caafimaadka ee ciidanka itoobiya General Yilma Mekante ayaa sheegay in deeqday wax weyn oo muhiim ay u tari doonto ciidanka .

Colonel Andrei Scoffis, oo ka socday ciidanka jarmalka ayaa sheegay in jarmalku sii wadi doonaan taageerida ciidanka itoobiya.

(DAAWO) Warbixin Saameynta uu Ayaxa ku yeeshay gobolka #Geeska_Afrika ayaa ah tii ugu darneyd muddo 25-sanno ah.

0

Saameynta uu Ayaxa ku yeeshay gobolka #Geeska_Afrika ayaa ah tii ugu darneyd muddo 25-sanno ah.

Halkan ka Daawo.

 

Duqa Muqdisho iyo Wasiir Xamsa oo kawada hadlay horumarinta Ciyaahara dalka.

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar kula kulmay Wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo isboortiga xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Saciid Xamsa.

Labada masuul ayaa  ka wada hadlay xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee wasaarada iyo Maamulka gobolka banaadir iyo u diyaar-garowga tartanka ciyaaraha ee gobolada Dalka .

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish iyo wasiirka wasaarada dhallinyarada iyo ciyaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya waxaa kaloo ay kulankaasi kaga hadleen sidii garoomo cusub loogu dhisi lahaa Dhallinyarada ku dhaqan gobolka banaadir iyo gobolada kale.