Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb-galay shirka wasiirada Arrimaha Dibadda Afrika+(SAWIRRO).

Date:

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda oo aaladda fogaan aragga uga qeyb-galay shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda Afrika

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa kaga qeyb-galay aaladda fogaan aragga kaltanka 21-aad shir aan caadi ahayn oo uu yeeshay golaha fulinta Ururka Midowga Afrika oo looga hadlay aaga ganacsiga Xorta ah ee Afrika (AfCFTA) iyo fulinta hindisaha Midowga Afrika ee 2020 ee aamusinta qoriga.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ayaa muujiyay rabitaanka Soomaaliya iyo shucuubta qaaradda si loo hirgeliyo aagga ganacsiga xorta ah si ay u suuragasho in dalalka qaaradda Afrika ay is-weydaarsadaan badeecooyin iyo adeegyo si aan caqabad ku jirin si loo gaaro is-dhexgal dhaqaale oo waxtar leh oo macnaheedu yahay xilli cusub oo iskaashi qaaradeed ah.

22 Maarso, 2018 ayaa Soomaaliya ay ku saxiixday caasimadda Kigaali ee dalka Ruwaanda labo heshiis oo kala ahaa Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika iyo Hab maamuuska isku socodka xorta ah ee Dadka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...