Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Galmudug ayaa Caawa ku Dhawaaqay liiska Golaha Wasiiradda ee Dowlad Goboleedka Galmudug oo ka kooban 23 Wasiir.
Hoos Ka aqriso Liiska Golaha Wasiiradda DGGM.
Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Galmudug ayaa Caawa ku Dhawaaqay liiska Golaha Wasiiradda ee Dowlad Goboleedka Galmudug oo ka kooban 23 Wasiir.
Hoos Ka aqriso Liiska Golaha Wasiiradda DGGM.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta Caalamka ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakeysan Ee Ramadaan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xusay fadliga Bishan barakeysan iyo maalmahan xurmada badan, waxa uuna Alle SWT ka baryey in uu naxariis iyo nimco ku manneysto dalkeenna iyo dadkeenna.
“Bisha Ramadaan waa bishii kheyrka, waa bishii towbadda, cafiska, waa bisha ay ku jirto habeenka kheyrka badan ee Leylatul Qadriga. sidoo kalena waa bisha sheydaanka la xiro, muslimiintana naarta laga xorreeyo” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Mudane Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa shacabka Soomaaliyeed ku baraarujiyey halista caafimaad ee ku xeeran dalkeenna oo ah mid aan la dhayalsan karin, maadaama tirada dhimashada iyo bukaannada uu soo ritay cudurka COVID-19 ay aad u korortay,waxa uuna dadka Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay taxadar muujiyaan islamarkaana iyagoo ka faa’ideysanaya kheyrka bishan hadana ay u hogaansamaan talooyinka Wasaaradda caafimaadka iyo hay’adaha kale ee Dalka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa ku booriyey dadka Soomaaliyeed in ay is-cafiyaan oo ay kaalmeeyaan waalalahooda danta yar maadaama ay jiraan walaalo badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo daruufeysan in la caawiyana u baahan.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa XFS mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo shir jaraaid u qabtay Warbaahinta ayaa shaaciyay In xukuumadda Soomaaliya ay muddo Lix sano ah kadib ku guuleysatay In xayiraada laga qaado xoolihii loo dhoofin jiray Suuqyada dalka Boqortooyada Sacuudiga.
Wasiirku wuxuu intaa ku daray in dhawaan dalkaas loo dhoofin doono 600,000 oo neef oo ari ah iyo 100,00 kun neef oo geel ah.
War-Saxaafadeed
Maanta oo ay taariikhdu tahay 23 bisha Abriil 2020, waxaan shirkaan jaraa’id u qabanayaa in aan bulshada la wadaago furtinaaka Xoolaha Soomaaliya ee loo suuq geyn jiray dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kadib dadaal ay samaysay Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Iyadoo wadashaqayn wanaagsan iyo taageero ka helaysaa Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Biyaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Waxaan halkaan ugu mahad celinayaa Boqortooyaada Dalka Sacuudiga oo hormuudka u yahay Khaadimka labada Xaram ee Shariifka ah Malik Salman Bin Cabdul Casiis iyo Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Biyaha ee Sacuudiga Madaxdeedii oo runtii siniyadsami leh noola shaqaysay Mudadii lixda bilood ee howshani aan kawada shaqaynaynay ilaa ugu danbayntiina ay miro dhal noqotay. Waana Markii ugu horaysay muddo lix sanadood kadib Xoolaha Soomaaliya loo furo Suuqyada Gudaha ee Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo sanadaaahasi waqtiga Xajka ah o keliyah naloo furi jiray, waana guul usoo hoyatay Shacabka Soomaaliyeed.
Sidaan la wada socono Xoolaha waa laf dhabarta dhaqaalaha dalka, islamarkaana ay ku tiirsan yihiin qoysas badan oo Soomaaliyeed, haddaba Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ay dadaalo farabadan ugashay sidii suuqaqii horey ujiray loo soo celin lahaa suuqaaq cusub oo xoolaha loo iibgeeyo loo abuuri lahaa si loo daboolo baahida asaasiga ah ee xoolo-dhaqatadeena loona xoojiyo awoodda ganacsatada Soomaaliyeed.
Sidaa daraadeed; runtii waa arrin muhiimaddeeda u leh xoola dhaqatada iyo ganacsatada ka shaqeysata xoolaha iyo kuwa kaloo badan oo si toos iyo si dadbanba uga shaqeeya arrimaha xoolaha.
Ayadoo maanta uu ka jiro dunida hoos udhac dhaqaale oo ballaaran, culeys caalami ah oo ka yimid cudurka safmareenka ah ee COVID 19 awgeed, haddana waa Ilaah mabaddii in aan xoolo dhoofino taasoo dhaqaalaha Shacabka Soomaaliyeed kor usoo qaadaysa.
Waa arrin lagu farxo waxayna qayb weyn ka qaadanaysaa kor u qaadist dhoofka Waxsoosaarka gudaha GDP.
Waxaan xooga saareynaa in aan joogteyno suuqaasi iyo suuqyada kale islamarkaana aan sii raadino suuqyo kale oo lagu iibiyo Xoolaha iyo Uunta Xoolaha.
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Dowladda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh oo ka jawaabeysa Cabasho koronta uga timid Maamulka Cisbitaalka Martiine iyo Wasaaradda Caafimaadka iyo dareeylka Bulshada ayaa maanta Cisbitaalka Martiini gaarsiiyay adeeg Koronto iyagoo halkaasi kulan kula qaatay maamulka shirkada Beco si wax looga qabto baahiyaha korontada.
Cali Maxamed Kaariye Madaxa howl-galinta shirkada Beco ayaa sheegay in shirkadu ay diyaar utahay ka qeyb-qaadashada talacaalida Cudurkaan Covid-19.
“Waxaan diyaar unahay inaan qeyb teyda ka qaadano dagaalka lagula jiro Cudurka Covid-19 si dadkeyna aan u badbaadino”
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa uga mahadcelisay wasaaradda Tamarta iyo shirkada sida deg deg ah ay uga soo jawaabeen inay wax nagala qabtaan xaaladaha culus ee taagan.
“Wasaaradda iyo Shirkada waa ku mahadsanyihiin sida dhaqsida leh ay uga soo jawaabeen baahiyaha Cisbitaalka maaamada xaalada Cisbitaalka ay tahay mid culus”
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Fowsiyo Maxamed Sheekh ayaa sheegtay inay shirkada kala hadleen in la keeno matooro iyo koronto awood uleh in cisbitaalka uu qaabilo culuska ka jira dalka ee ku aadan xaaladaha soo kordhaya ee cudurka karoona feyrus.
“Waxaan kala hadalnay inay keenaan Matooro iyo Koronto awood leh si loo xoojiyo adeegyada Cisbitaalka maadaama uu yahay xarunta lagu daweeynayo dadka qabo Cudurka Covid-19”
Sidoo kale Wasiirka tamarta Fowysiyo Maxamed Sheekh ayaa waxay shirkadaha biyaha ka codsatay in ay keenaan biyo ku filan cisbitaalka maadaama shaqada u taala ay tahay mid ka duwan xaaladahii hore.
“Sidoo kale shirkadaha biyaha waxaa ka codsaneynaa in ay noo keenaan biyo si la mid aqbalaada shirkaha korontada waxaana mudnaanta kowaad aan sii neynaa ka hortaga Cudurka Karoona Feyruska”
Dowladda Soomaaliya ayaa Cisbtaalka Martiina ka dhigtay gooba lagu baxnaaniyo dadka uu soo rito Cudkurka Covid-19.
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo baxay oo nuqul kamid ah ay hehsey Wakaaladda Wararka SONNA ayaa waxaa ay ku faah faahisay xaalado cusub oo ku soo kordhay Covid-19.
Wasaaraddu waxaa ay shaacisay 41 xaaladood cusub ee Covid-19,taasi oo tirada guud ka dhigaysaa 328 oo kiis dadka uu soo ritay xanuunka Corona Virus.
Sidoo kale waxaa jirta ,2 qof oo u geeriyootay xanuunkaasi,waxaana tirada guud ay ka dhigaysaa 16 qof,sidoo kale labo kale ayaa bogsootay,waxaana guud ahaan tirada bogsoshada noqonaysaa ilaa 8 ruux.
Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo xakameyn lahaa faafidda xanuunkaasi,iyadoo ay socdaan dadaalo badan oo bulshada lagu bad-baadinayo.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo khadka telefoonka ay ku wada xiriireen dhiggiisa Dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogaan ayaa ka wada hadlay hannaanka iskaashiga labada dal ee xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19 oo ah aafo caalami ah.
Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo Cabsi dhinaca caafimaadka ay bulshada ka qabto siiba cudurka Karoona Fayrus oo dhibaato ba’an ku haya dunida.
Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ayaa sheegaya in webiga Jubba oo ka mid webiyada mara dalkeena Soomaaliya gaar ahaan goballada Jubada Hoose uu xalay iyo saaka ku fatahay halkaasi, isla markaana uu khasaaro kaga tagay meelihii uu ku fatahay sida deegaannada dhulka beeralaydu falato iyo Xoolaha nool intaba.
Warka ayaa intaasi ku daraya in daadadku ay sidoo kale burburiyeen wixii dalag ahaa ee u baxaayay beeraleyda degmada Baardheere, iyadoo in lagu qiyaasay 2270 beerood ay fatahaaduhu saameeyeen sida ay ku warameen dadka deegaankaasi oo warbaahinta u waramay.
Waxaa jira barakac saameeyay in ku dhow 397 qoys oo kamid ahaa dadka ku dhaqan deegaannada ka agdhow dhul beereedka ku hareeraysan degmada Baardheere.
Roobabka xiligan gu’ga oo curtay ayaa weli ka da’aya goballada dalka iyadoo meelihii uu ka da’ay si weyn loogu mahdiyay walo khasaaraha fatahaadda ay tahay mid bilow.
degaannada gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sidoo kale feejignaan laga qabaa inuu webigu buux dhaafo taasi oo ay ka dhalan karto fatahaad suurtagal ay tahay inuu geysto khasaaro badan, iyadoo ay maamulka degmada Jowhar iyo nawaaxigeeda oo kaashanaya dadka deegaanka ay bilaabeen in ay dhigaan jawaano ciid ah hareeraha webiga gaar ahaan meelaha uu inta badan ka jabsado webiga.
.
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Hay’addaha amniga ay gacanta ku hayaan Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuuja) oo ku eedaysan inuu ka tirsanyahay Argagixisada Al-Shabaab.
Eedaysane Abuuja ayaa loo haystaa inuu qayb ka ahaa fal danbiyeed la xiriira dil loo gaystay Marxuumad Baxsaneey Booleey, dilkaas oo ka dhacay Degmada Boondheere taariikhdu markay ahayd 06/03/2019.
Hay’addaha amniga ayaa eedaysanaha gal dacwadeed-kiisa u gudbinaya Hayaddaha Garsoorka ee ku shaqada leh.
Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta Soomaaliya ayaa soo saaray go’aanno la xiriira Coronavirus. Oo ku socda masaajidda ku yaalla dalka.
Halkaan hoose ka akhriso
Wasaaradda C/fimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa fartay maamulayaasha isbitaallada gaarka loo leeyahay in ay bukaannada daryeelka caafimaad u soo doonanayay ay u qaabilaan sida ugu habboon, ugu fudud, uguna taxadarka badan.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa isbitaallada ku yaalla Muqdisho fartay in ay qaabilaan bukaannada si looga fogaado dayac ku yimaada bukaano u baahan daryeel caafimaad, iyadoo sheegtay in ay si taxadar leh u ogaan karaan xaaladda bukaanka kaddibne ay u soo gudbi karaan wasaaradda caafimaadka marka ay uga shakiyaan cudurka karoona fayris.
Wasiir Fowsiya ayaa sheegtay in maamulada laga doonaayo in ay bixiyaan adeegyadii C/fimaadka ee horey ay u bixin jireen,Waxaa ayna sidoo kale sheegtay in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin in daryeel xumo ay u dhintaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay qaar kamid ah dadka Muqdisho isla dhex marayeen warar ku saabsan in qaar kamid ah isbitaallada ay albaabada ka xirteen bukaannada u baahan daryeel caafimaad iyagoo ka cabsi qaba cudurka karoona fayris.