Tartan orod ah oo lagu xusayay maalinka dadka naafada oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo+(SAWIRRO).

Date:

Munaasabadaan Oo Ay Soo Agaasintay Wasaarada Haweenka Iyo Xuquuqul Insaanka Galmudug Isla Markaana Qeyb Ka Ah Munaasabadaha Lagu Maamusayay Maalinta Naafada Aduunka Oo Ku Beegan 3da Bisha Decembar Ayaa Xalay Lagu Qabtay Magaalada Galkacyo Ee Xarunta Gobalka Mudug Iyadoo Ay Ka Qeyb Galeen Munaasabada Masuuliyiin Ka Tirsan Galmudug Xubno Ka Socday Ururada Naafada Gobalka Mudug Ee Galmudug Iyo Xubno Matalayay Ururada Haweenka Iyo Dhalinyarada Gobalka Mudug

Munaasabada Oo Lagu Dhiiri Galinayay Dadka Baahiyaha Gaarka Ah Qaba Sidoo Kalana Abaal Marino Biladeed Iyo Mid Lacageed Lagu Gudoonsiiyay Qaar Ka Mida Naafada Gobalka Oo Ay Ka Mid Ahaayeen Caruurta Maqalka Naafada Ka Ah Oo Loo Qabtay Tartamo Dhiiri Galin Ah Ayaa Waxaa Ugu Horeyn Ka Hadlay Duqa Dagmada Galkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale Oo Sheegay In Maamulka Dagmada Galkacyo Ay Si Gaara Ah U Ogaan Doonaan Xaalada Ay Ku Sugan Yihiin Dadka Baahiyaha Gaarka Ah Qaba Ee Ku Nool Dagmada Galkacyo.

Drs Yurub Cabdul Qaadir Sheekh Cali Isku Duwaha Wasaarada Haweenka Iyo Xuquuqul Insaanka Galmudug Ee Gobalka Mudug Ayaa Iyana Sheegtay In Ujeedka Munaasabadaan Ay Uqabteen Ay Tahay Sidii Laysugu Baraarujin Lahaa Ka Warqabista Dadka Qaba Baahiyaha Gaar Ah Loona Garab Istaagi Lahaa.

Munaasabada Oo Intii Ay Socatay Ay Ka Hadleen Culuma Udin Waxgarad Ganacsato Iyo Xubno Matalayay Ururada Haweenka Iyo Dhalinyarada Gobalka Mudug Kuwaa Dhamaantood Sheegay In Doorkooda Ka Qaadan Doonaan Dhiiri Galinta Iyo Garab Istaaga Walaalaha Baahiyaha Gaarka Ah Qaba Ayaa Waxaa Gunaanadkii Ka Hadlay Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Dhalinyarada Iyo Cayaaraha Galmudug Cumar Cabdi Maxamed Guure Oo Balan Qaaday In Muddo Lix Bilood Ah Uu Bixin Doono Kirada Iskuulka Wax Lagu Baro Dadka Maqalka Naafada Ka Ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...