Home Blog Page 790

Ethiopia oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay hub iyo banbaanooyin si sharci darro ah lagu heystay.

0

Booliska magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen hub iyo banbaanooyin si sharci daro ah lagu heystay .

Baaritaano ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada ayey sheegeen in 113, isugu jira qoryo iyo bistoolado ay ka heleen degmada Nefassilk Lafto ee ka tirsan Addis Ababa .

Hubkan ayaa boolisku tilmaameen in laga helo guryo iyo xafiisyo kala duwan oo xaafadaasi ku yaala.

55 qori oo ah nooca AK-47 iyo 19 garneyl oo kuwa gacanta ah ayaa ka mid ah hubka la qabtay.

Sidoo kale booliska waxa ay sheegeen in ay qabteen $64,000 .

Booliska ma sheegin dad ay soo qabteen oo arintan lala xiriirinayo inta ay ku guda jireen howlgalka qorsheysan ee hubka lagu soo helay

Xildhibaan Ubax Tahliil oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo+(SAWIRRO).

0

Xildhibaan Ubax Tahliil oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Oshaco ee magaalada Gaalkacyo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta Maamulka Dagmada Gaalkacyo ee Galmudug iyo boqolaal ruux oo matalayya bulshada qeybahooda kala duwan ee ku nool Gaalkacyo.

Duqa Dagmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale oo ugu horeyn la hadlay Warbaahinta intii lagu guda jiray soo dhaweynta ayaa u mahadceliyay Xildhibaan Ubax Tahliil, isagoo xusay in ay aad ugu faraxsanyihiin socdaalkeeda ay ku timid magaalada Gaalkacyo.

Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame ayaa dhankeeda uga mahadcelisay Maamulka Dagmada Gaalkacyo iyo bulshada qeybahooda kala duwan soo dhaweynta ay u sameeyeen, iyadoo xustay in shacabka Gaalkacyo ay yihiin kuwa ay caddahay in rabitaankoodu shaqeynayo, maadaama ay doorteen Maamul iyaga ay rabaan.

Guddiga isutagga shirkadaha diyaaradaha oo war kasoo saaray canshuurta Garoonka Aadan Cade ee Muqdisho.

0

WAR SAXAFADEED

Haddaba Isutagga  Shirkadaha Diyaaradaha Somaliyeed  oo ah  mid ay hoos  yimadaan kuna midobeen  tiro kor u dhaafeysa 70% dayuuradaha rakaabka  iyo  kuwa xamuulka ee ka  hawl-gala garoonka Aadan  Cadde ayaa  war-saxafdeedkan  waxa ay ku caddeynayaan.

In aysan la wadagin mas’uliyiinta guddiga kor ku xusan arragtida iyo eedeymaha  loo soo jeediyay Wasaaradda Maaliyadda iyo Shirkadda  Favori ee ka gashaya Garoonka Aadan Cade qodobada hoos ku xusan.

Isutaggu wuxuu halkan ku caddeynayaa in uruurinta  lacagaha adeegyada iyo          cashuuraha ay qabato shirkadda Favori yihiin kuwo waafaqsan sharciga kana  mid ah  qodobada heshiiska  Favori  iyo Xukuumadda  Somaliyeed ayna xaqiiqada ka fog tahay in kuwaasi yihiin  ku  takrifal sida hadalka  mas’uliyiinta guddigu u ekeysiyeen.     .

Isutaggu wuxuu qirayaa in muddadii ka dambeysay hirgelinta heshiiska          xukuumadda  Somaliyeed  iyo Shirkadda Favori  hirgalay,la dareemay kor-u-kac muuqda oo ku yimid  Dhaqaalah ka soo xerooda garoonka Aadan Cade.

Isutaggu wuxuu qirayaa in iyadoo ay jiraan xaalado adag oo uu  keenay cudurka COVID19 haddana ay muuqdaan  hawlo baaxad weyn leh sida buuxinta qeybta badda, gaar ahaan ballarinta garoonka.

Ugu dambeyn, Isutaggu wuxuu qirayaa in ay jiri karaan dhaliilo iyo hawlo sixitaan u baahan, taasna loo baahan yahay in goobaha munaasabka ah looga wada

Gudddomiyaha  Isutagga Shirkadaha Diyuuradaha Somaliyeed Maxamed Diini.

 

Dalka Mareykanka oo Musharixiinta Soomaalida ee u taagan golayaasha deegaanka ku soo kordhayaan.

0

Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka ayaa sheegaya in ay kordhayaan aqoonyahanada Soomaalida ee isu taagaya jagooyinka siyaasadeed ee loogu tartamayo deegaanada dalkaasi Mareykanka.

Shugri  Coloow oo u sharaxan guddoonka deegaan King-County  ee Gobolka Washington ee dalka Mareykanka ayaa ka mid ah xubno hor leh oo doonaya in ay isu soo sharaxay deegaanno dhowr ah.

Gabadhaasi,ayaa haatan ku sugan Gobolka Minnesota oo ay ku badan yihiin dadka Somalida,iyadoo kulamo la qaadan doonta qeybaha bulshada kala duwan eek u nool halkaasi.

wariyaha war-baahinta qaranka ee dalka Mareykanka Abdixakim Abdi ismai ayaa soo sheegaya in dadka Soomaaliyeed ay guullo ka soo hooyeen tartamadii doorashooyinka ee loo galay golayaasha deegaanka iyo  Aqalka Wakiilada ee dalka Mareykanka.

Wasiirka Shaqada JFS oo kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka iyo Wax-garadka Degmada Galdogob+(SAWIRRO).

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax oo socdaal shaqo ku jooga degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka iyo Wax-garadka.

Kulanka oo ka qabsoomay hoyga uu Galdogob ka degganyahay wasiirka , ayaa aad loogu dheeraaday arrimaha nabadeynta,horumarinta deegaanka  iyo xoojinta shirarkii dib u heshiisiinta ee ka dhacay Bandiiradley iyo Galdogob,iyadoo odayaasha dhaqanka ay codsadeen si loo gaaro dhaqan-gelinta qodobbadii lagu heshiiyay inay muhiim tahay waji saddexaad ee shirkaa.

Odayaasha Dhaqanka ayaa Wasiirka  uga mahadceliyay booqashada uu ku yimid degmada Galdogob,wadatashiyada uu dhaqanka la yeeshay iyo dadaalka xooggan ee uu ku bixinayo nabadeynta iyo Horumarinta Bulshada, iyaga oo ka codsaday in uu sii wado wadatashiyada uu bulshada la yeelanayo.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kulanka uu la qaatay odayaasha dhaqanka iyo wax-garadka uga warbixiyay qorshaha socdaalka uu ku yimid degmada Galdogob iyo guud ahaan deegaannada Puntland , ayaa u sheegay inuu dadaal gelin doono dhaqangelinta dib u heshiisiinta bulshada , horumarinta iyo wax ka qabashada baahiyaha jira.

Wasiir Duraan, ayaa ku boggaadiyay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka hannaanka wanaagsan ee xasillinta iyo horumarinta deegaanka, ayaa kula dardaarmay  in ay laba jibbaaraan dadaallada sare u qaadidda midnimada,wadajirka iyo adkeynta ammaanka.

Kulanka uu Wasiirka la yeeshay odayaasha dhaqanka iyo wax-garadka degmada Galdogob ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha degmada Galdogob, xubno ka tirsan golaha deegaanka iyo xubno kale oo ka tirsan qeybaha bulshada.

(DAAWO) Soo laba kacleynta cudurka Covid 19 iyo saameynta uu ku yeeshay caruurta qoysaska barakacayaasha ah+Warbixin, (MUUQAAL).

0

Soo labo kacleynta COvid 19 iyo Saameynta Waxbarasho ee Caruurta Qoysaska tabarta daran.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka SNTV.

(DAAWO) BARNAAMIJKA FANKA IYO SUUGAANTA ©SNTV // 20 -11 -2020.

0

Halka ka Daawo Barnaamijka Fanka iyo Suugaanta SNTV.

(DAAWO) WARKA KOOBAN ©SNTV // Axmed Cumar // 20.11.2020

0

Halkan ka Daawo Warka Kooban SNTV.

Tirada guud ee kiisaska coronavirus ee Dalka Hindiya oo kor u dhaaftay 9 milyan.

0

Tan iyo markii uu safmarkani ka bilowday Hindiya Tirada guud ee kiisaska coronavirus ee dalkaasi ayaa kor u dhaaftay  9 milyan sida ay sheegeen waaxda tiri koobka maanta oo jimca ah.

Si kastaba ha noqotee kiisaska cusub ee maalinlaha ah ee Hindiya waxaa laga dareemayay hoos u dhac toddobaadyadii ugu dameeyay iyadoo  hadda tirada guud ee kiisaska ay taagan tahay 0.6% tirada dadka Hindiya oo ah 1.3 bilyan.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa soo warisay 45,882 oo infekshan cusub ah iyo 584 dhimasho 24-kii saac ee la soo dhaafay. Tirada dhimashada ee Hindiya tan iyo markii uu faafay cudurka ayaa ka badan 132,000.

Hindiya ayaa kaalinta labaad kaga jirta dadka uu saameeyay cudurka covid-19 halka sedexaad ay ku jirto brazil iyo Maxsiko oo kalinta afaraad fadhisa.

Ciidanka Azerbaijan oo gudaha ugalay Degmada Aghdam kadib hishiiskii xabad joojinta+(SAWIRRO).

0

Ciidanka Azerbaijan ayaa sheegay inay gudaha ugaleen degmada Aghdam, oo ah tii ugu horeysay seddexdii ay dib u celiso Armenia iyadoo qeyb ka ah heshiis nabadeed oo ay garwadeen ka uu ka yahay  Ruushka si loo joojiyo dagaalka ka socda gobolka Nagorno-Karabakh.

“Cutubyo ka tirsan Ciidanka Azerbaijan ayaa gudaha galay gobolka Aghdam 20, Noofambar oo maanta sida ay shaacisay wasaaradda difaaca Azerbaijan waana degmo ku dhowaad 30 sano ka arriminayeen kooxaha gooni u goosadka ee Armenia.

Iyadoo qeyb ka ah heshiiskii nabadeed ee usbuucii la soo dhaafay, Armenia waxay ogolaatay inay dib u celiso qaar ka mid ah 15 illaa 20 boqolkiiba dhulkii Nagorno-Karabakh ee ay qabsatay Azerbaijan dagaalladii ugu dambeeyay, oo ay ku jirto magaalada taariikhiga ah ee Shusha.

Armenia waxay sidoo kale ku wareejin doontaa degmada Kalbajar ee u dhaxaysa Nagorno-Karabakh iyo Armenia sido kale 25 bishaan  iyo degmada Lachin ugu dambayn 1da bisha soo socota.

Is-weydaarsiga dhulku wuxuu markii hore ahaa inuu bilowdo Axadda, iyadoo Armenia ku nool degmada Kalbajar ay u carareen si wada-jir ah ka hor inta aan la gaarin xilliga rasmiga ah ee la wareegidda Azerbaijan.

Laakiin Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa dib u dhigay waqtigii loogu talagalay oo ah hal toddobaad isagoo tixgalinaya “bani’aadamnimada”.

Xiisadii u dhaxeysay wadamadii hore ee Midowgii Soofiyeeti ayaa gaartay meeshii ugu sareysay September 27, markii isku dhacyada Azerbaijan iyo ciidamada qowmiyada Armenia uu ka qarxay deegaanka Nagorno-Karabakh iyo deegaannada ku xeeran.

Nagorno-Karabakh waxay ku taal Azerbaijan laakiin waxaa sanado badan haystay qowmiyadaha Armenia.

Inta badan degmada Azerbaijan ee koonfur-galbeed ee Aghdam waxay ku jirtay gacanta kooxaha gooni u goosadka ah ee Armenia ilaa 1993. Dagaalkii Soofiyeeti ka hor, waxaa ku noolaa ilaa 130,000 qof – oo u badan qowmiyadaha Azerbaijan oo laga saaray guryahoodii.

Iskahorimaadkan oo socday muddo lix toddobaad ah ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 1000 qof, oo ay ku jiraan dad rayid ah oo labada dhinacba ka tirsan.

10-kii Nofeembar, labada dal waxay kala saxiixdeen heshiis ay garwadeen ka ahayd Ruushka oo lagu joojinayo dagaalka isla markaana looga shaqeeyo sidii xal buuxa loo gaari lahaa.