Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo agabka deb-demiska kala wareegay dowladda Talyaaniga+(SAWIRRO).

Date:

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dowladda Talyaaniga kala wareegay agab kala duwan.

Guddoomiyaha ayaa saraakiisha sar ee cutubka dowladda Talyaaniga ee ka jooga Soomaaliya ka guddoomay agabka oo ah mid loogu talagalay deb-demiska ayaa waxaa uu ka koobanyahay gaadiid, kaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo howlaha gurmadka dega degga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed iyo Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta gobolka Basma Caamir Axmed ayaa dowladda Talyaaniga uga mahadceliyay agabkan ay soo gaarsiiyeen iyo taageerada ay la garab taaganyihiin maamulka Gobolka Banaadir.

     

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS oo booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Daraawiishta Galmudug oo weeraray goob ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaatijta

Howlgal qorsheysan oo Ciidamada Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan ururka...

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...