Madaxweyne Farmaajo Oo Villa Soomaaliya ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Xukumadda Ingiriiska+(SAWIRRO).

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Xukuumadda Ingiriiska Mudane James Duddridge ayaa la wadaagay qorsheyaasha hirgalay ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen dib u dhiska Ciidamada, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa, horumarinta dhaqaalaha iyo dadaallada dib u heshiisiinta.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Balal Maxamed Cismaan oo kulanka ka qeyb galay ayaa ka warbixiyey wadahadallada miro-dhalka ah ee dhexmaray labada dhinac, iyadoo la isla qaatay adkeynta iskaashiga dhinacyada amniga, dimuquraadiyadda iyo dhaqaalaha.

“Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta siyaasaddeeda arrimaha dibadda ee ku dhisan iskaashiga. Labada dowladood waxa ay isla qaateen dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada, adkeynta dimuquraadiyadda, xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo UK, kor u qaadidda taageerada dowladda Ingiriiska iyo maalgashiga.”

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Afrika ee Xukuumadda Ingiriiska Mudane James Duddridge ayaa dowladda ku bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay ee hannaanka dib u habeynta Ciidamada, Kobcinta Dhaqaalaha iyo qorshaha hirgelinta doorashada.

Intaas kaddib, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan soo dhaweyn ah ugu sameeyey Xafiiskiisa wafdiga Ingiriiska, waxa uuna dul istaagay dadaallada Xukuumadda ee hirgelinta doorashada si ay waqtigeeda ugu qabsoomto, iyadoo la raacayo heshiiskii siyaasadeed ee ay gaareen Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada.

Kulankan waxaa kala qeyb galay Madaxweynaha, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Balal Maxamed Cismaan, halka dhanka Ingiriiska uu ka qeyb galay Danjiraha Dowladda dalkaas ee Somaaliya Mudane Ben Fender Obe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada (COP30)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...