Masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo kormeeray suuqayada goobaha Waxbarashada iyo Goobaha Caafimaadka magaalada Gaalkacyo+(SAWIRRO).

Date:

Maamulka degmada Gaalkacyo ayaa  wada dadaalo ku aadan xoojinta wadashaqeynta maamulka iyo bulshada magaalada waxaa maanta duqa degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Shiikh  Xasan  Jimcaale oo ay wehliyaan wasiirka wasaarada Xanaanada Xoolaha Maxamed Deeq Cabdi Maxamed iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka magaalada, ay kormeer ku sameeyeen baahiyaha  dhinaca adeegyada bulshada ay ku tageen suuqa weyn ee magaalada Gaalkacyo iyo qaar ka mida xarumaha caafimaadka iyo goobaha waxbarashada  ee ku yaala xaafada horumar ee dagmada.

Waxaana Intii uu kormeerka socday warbixino ka dhageysteen qaar ka mida ganacsatada suuq-yada hilibka iyo xoolaha lagu iibiyo sidoo kale qaar ka mida howl-wadeenada xarumaha caafimaad ee ku yaala xaafada horumar kuwaas oo sheegay in ay jiraan baahiyo u baahan in wax ka  qabashadooda ay iska kaashadaan maamulka iyo kudhaqan  bulshada xaafada horumar.

Kormeerka kadib  masuuliyiinta uu horkacayay duqa degmada galkacyo waxa ay kulan la qaateen maamulka iyo bulshada xaafada horumar,kulanka ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Maxamed Deeq Cabdi Maxamed oo sheegay wasaaradiisu ay gacan ka geysan doonto baahiyada ka jira suuqa xoolaha lagu iibiyo  si loo hubiyo caafimaadka xoolaha.

Duqa degmada Galkacyo ayaa isna dhankiisa sheegay in kormeerka maanta iyo kulankaan ay qeyb ka yihiin qorshooyinka  maamulka uu ugu kuur-galayo baahiyada adeegyada bulshada ee ka jira xaafadaha degmada ,isagoo dhanka kalana ka codsaday shacabka xaafada horumar in ay maamulka kala shaqeyaan wax qabashada dhibaatooyinka ka jira dhanka adeegyada ay bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...