Home Blog Page 791

Dowladda oo Muqdisho Ka qeybisay agab caafimaad oo Qeyb Ka qaadanaya qorshaha xakameynta cudurka COVID-19

0

Dowladda Oo Muqdisho Ka Qeybisay Agab Caafimaad Oo Qeyb Ka Qaadanaya Qorshaha Xakameynta Cudurka COVID-19
Muqdisho:(SONNA) Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ka bilaawday Qeybinta Maaskarayaal (Facemasks) qaybta ah qorshaha kahor tagga iyo xakameynta faafitaanka cudurka COVID-19.

Qeybinta maaskaraha oo qorshuhu yahay in la gaarsiiyo dhammaan dadka Sooaamliyeed ayaa loo qeybiyay darawallada Bajaajta iyo gaadiidka dadweynaha iyo qeybo kale oo kamid ah dadweynaha magaalada Muqdisho.

Qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa soo dhaweeyay qroshaha bulshad loogu geybinayo maaskaraha iyo dadaallada kale ee dowladdu ku xakameyneyso faafitaanka iyo saameynta kale ee bulshada uu ku yeelanayo COVID-19.

Dowladda oo si wanaagsan isaga xil saartay xakameynta faafitaanka cudurka ayaa horay u qaaday tillaabooyin lagu yareynayo saameynta uu COVID-19 ku yeelanayo bulshada Soomaaliyeed.

Doowladda Soomaaliya oo ku howlan dalka in ay ku soo celiso muwaadiniin Soomaaliyeed ku xayiran Sacuudiga

0

Wasiirka caafimaadka ayaa  sheegay in dowladda ay ku howlantahay inay dalka kusoo celiso mawaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayiran Sucuudiga iyo dalal kale,

sidookale Doowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa  xaqiijisay in la soconeyso xaaladda mawaadiniin ku xayirnaa dalka Turkiga oo dalka dib loogu soo celiyay.

Dowladda ayaa qaaday tillaaboyin lagu xakameynayo cudurkaan COVID-19 ee dunida dhibaatada badan ku haya, waxay mawaadiniinta Soomaaliyeed ugu baaqeysa inay wadajir u qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID-19.

 

Olole Shacabka Looga Wacyi-Gelinayo Halista Cudurka Corono Virus Oo Ka Socda Balad-Xaawo

0

Dhalinyarada Degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo ayaa Bilaabay wacyi- gelin ku aadan halista Cudurka Corona Virus.

Xili Lagu guda jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan,islamarkaana ay jirto cabsi ku aadan halista Cudurka coronvirus ayaa maanta Dhalinyarada daryeelka Bulshada ee Degmada Balad-xaawo waxay sameeyeen wacyi-gelin la xiriirta Sidii looga hortagi lahaa Cudurka Covid-19, iyagoo socod ku soo maray xadka u dhaxeeya degmoyinka Mandheera iyo Balad-xaawo maadama degmada Baladxaawa ay kutaalo Xuduudda dalalka Itoobiya iyo Kenya.

Sida ay warbaahinta Kenya ku warantay,ku dhawaad 8-kiis oo Cudurka Corono Virus ayaa laga sheegay magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya,taas oo kaabiga ku heyso Degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo

Qaar kamid ah Dhalinyarada Daryeelka Bulsho ee Degmada Balad-xaawo oo ah dhalinayaro iskood isku xilqaamay ayaa bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Degmada Balad-xaawo iyo nawaaxigeeda waxay Kaga digeen halista uu leeyahay cudurka Covid-19, waxana ay bulshada kula dardaarmeen in ay ku dadaalaan nadaafadda.

Qeybaha Bulshada Gaalkacyo Oo Soo Dhaweeyay Golaha Wasiirada Cusub Ee Galmudug

0

Kadib markii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Abdi Kaariye uu magacaabay xubnaha Golaha Wasiirada Maamulkiis ayaa qaybaha bulshada magaalada Gaalkacyo waxa ay soo dhaweeyeen sida ay u arkaan dhismaha golahha Wasiirada Galmudug

Nabadoon Cabdikariin Maxamuud oo ka mid ah waxgaradka magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Madaxweynaha Galmudug uu ka soo baxay hawlihii loo igmaday, isaga oo aad u soo dhaweeyey xubnaha golaha Wasiirada oo uu sheegay in ay yihiin kuwo wax ka badali kara hawlaha Galmudug.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa si wadajir u qiray inay soo dhaweynaaan Golaha Wasiirada Galmudug, iyagoo sheegay in wax weyn Galmudug laga qabtay, Madaxweynahana looga baahanyahay in uu dhamaystiro waxyaabaha u dhiman.

Golaha Wasiirada cusub ee Galmudug ee dhawaan uu soo magacaabay Madaxweynuhu ayaa looga fadhiyaa in ay la yimadaan wax qabad muuqda, iyada oo meela kamid ah gobolka aad looga taageeray dhismaha golaha wasiirada galmudug oo laga filayo in ay kasoo baxaan shaqada hortaala

 

Xiliga Uu Boris Johnson, R/Wasaaraha Ingiriiska Uu Shaqada Dib Ugu Laabanayo Oo Daaha Laga Rogay.

0

Xafiiska R/Wasaaraha Britain ee Downing Street ayaa shaaciyay in Boris Johnson uu maalinta berito ee Isniinta ah ay taariikhdu ku beegan tahay 27-ka bisha April 2020-ka uu  shaqada ku soo laaban doono.

Muddo laba todobaad laga joogo ayay ahayd markii uu ra’iisal wasaaraha ka soo baxay cisbitaal ku yaal London, halkaasi oo uu mar cudurka Covid-19 u galay qeybta xaaladda degdega ah.

Waxa uu saameynta xanuunka uga soo reysanayay hoygiisa rasmiga ah, halkaasi oo uu telefoonka kula hadlay Boqorad Elizabeth, golihiisa wasiiradda iyo Madaxweyne Trump.

Mr. Johnson ayaa xafiiska kusoo laabanaya xilli uu wajahayo dhaleeceyn ku aaddan qaabka uu ula tacaalay cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Ilo wareedyo ka tirsan dowladdiisa ayaa sheegay inuu aad uga taxadari doono goorta iyo qaabka loo qaadayo xayiraadda saaran Britain ee uu keenay cudurka.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha, Priti Patel, ayaa meesha ka saartay khafiifinta tallaaboyinka ay qaaday dowladda, kadib markii uu xoghayihii hore ee maaliyadda, Philip Hammond ku biiray dadka ku baaqaya in xukuumadda ay la timaado qorshe ay dib ugu hawlgelinayso dhaqaalaha dalka.

R/Wasaare Boris Johnson ayaa noqday hogaamiyihii ugu horreeyay ee dalalka awoodda leh ee uu ku dhacay cudurka karoona fayras.

In ka badan 20,000 oo qof ayaa Britain oo keliya cudurka ugu dhimatay, waxaana dalkaasi uu kamid yahay shanta dal ee ugu dhimashada badan caalamka.

 

Madaxweyne Farmaajo Oo Xil Ka Qaaday Guddoomiye K/Xigeennada Maaliyadda & Hawlaha Guud Ee G/Banaadir

0

Madaxweynaha Jamh.Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xeer uu soo saaray ku magacaabay Mudane Axmed Xasan Iimaan inuu noqdo Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir, halka Cumar Cali Cabdi loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Banaadir ee Hawlaha Guud.

“Madaxweynaha ayaa markii uu arkay in ay jirto baahi loo qabo in loo magacaabo Gobalka Banaadir K/xigeennada Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda iyo Hawlaha Guud. Markii uu tixgeliyay khibradda shaqo ee ay mudanayaashan xilkan loo magacaabayo u leeyihiin howlaha loo magacaabay waxa uu soo saaray xeerkan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay labada Guddoomiye K/Xigeen inuu Eebbe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isaga oo kula dardaarmay inay si hufan u gutaan hawlaha baaxadda leh ee horyaalla,

Waxaa la baabi’iyay xeer kasta oo kan ka horreeyay oo ka hor imaanaya magacaabistan cusub, wuxuuna dhaqangalayaa maanta oo ah Axad, taariikhduna ay ku beegantahay 26-ka Abriil, 2020.

Dowladda Oo Xaqiijisay In Ay Soo Kordheen Xaalado Cusub Oo Covid-19 Ah

0

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyadoo gudanaysa waajibka ka saaran inay la wadaagto bulshada Soomaaliyeed hadba wixii kasoo kordha xaaladda Caabuqa COVID-19, waxay bulshada la wadaagaysaa xaalado cusub oo la xiriirta cudurka.

Baaritaanadii maanta la sameeyey, waxaa cudurka COVID-19 laga helay 46 qof.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda caafiaadka ayaa lagu sheegay in baaritaankii la sameeyay ay soo baxday in 46 qof oo horleh laga helay cudurka Coronavirus, taasi oo tirada guud ee laga helay cudurka ka dhigaysa 436 qof.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in cudurka COVID-19 ay u dhinteen 5 ruux, waxaana tirada guud ee dadka u dhintay cudurka ay noqoneysaa 23 ruux.

26 April 2020: Warbixinta COVID-19 ee Soomaaliya,

Waxaa cudurka COVID-19 laga helay 46 qof, waxaana ay kala yihiin sidatan:-

> Lab: 33

> Dhedig: 13

> Bogsasho: 0

> Dhimasho: 5

> Tirada Guud: 436

> Dhimashada Guud: 23

> Bogsashada Guud: 10

R/wasaare Kheyre oo shir guddoomiyey kulan looga hadlaayey wacyi-gelinta COVID-19

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xasan Cali Kheyre ayaa guddoomiyey shirka guddiga qaran ee kahor tagga COVID-19 oo looga hadlay dardargelinta  wacyi-gelinta cudurka faafa ee Coronavirus.

Barnaamijyadan ayaa la sheegay in bulshada lagu fahamsiinayo khatarta, iyo sida looga gaashaaman karo xanuunka COVID-19, si loo yareeyo faafitaanka Cudurkan.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xubnaha guddiga kula dardaarmay inay xoojiyaan howlaha ka hor tagga cudurka Coronavirus, isla markaana ay fuliyaan tallaaba kasta oo ay u arkaan in looga hortegi karo.

Dowladda Soomaaliya ayaa inta karaankeed ah la tacaaleysa cudurka  Coronavirus, xilliga gudaha Soomaaliya laga diiwaan geliyey in ka badan 390-kii oo xanuunkaas ah.

Tartamayaasha Degmada Boondheere oo caawa u soo gudbay wareegga 2aad ee tartanka

0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii sagaalaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisa labaad oo ah wareegga koowaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Beladweyne Vs Boondheere oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii todobaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Beladweyne Vs Boondheere ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag.

Beladweyne

Tartamayaasha Degmada Beladweyne ee gobolka Hiiraan waxaa la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, iyagoo iska qalday afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareermartay Boondheere,  sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Beladweyne waxay noqotay lix (6) dhibcood.

Boondheere

Tartameyaasha Degmada Boondheere ee gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen saddex su’aal, waxaana ay iska qaldeen afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal  su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Beladweyne, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Boondheere ay heleen waxay noqotay sideed (8) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Boondheere ee Gobolka Benaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka saddexaad ee tartanka, waxaa foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinka Jilib Vs Xamarweyne oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada dhexe iyo Banaadir.

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo guryahooda ku booqday qoysaskii ay ka baxeen labadii muwaadin ee xalay la dilay “SAWIRRO”

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa caawa guryahooda ku booqday qoysaskii ay ka baxeen Allaha u naxariisto Madiina Cabdullaahi Cabdi iyo Xasan Cali Cadaawe oo si sharci darra ah lagu dilay in kastoo dowlada Soomaaliya ay gacanta ku dhigtay gacan ku dhiiglihii dilkaas geestay.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa qoysaskii uu la kulmay u sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu ka faala qaaday nolashooda, islamarkaana dhawaan sharciga la horkeeni doono askarigii dilka geestay.