Home Blog Page 791

Duqa Degmada Galkacyo oo kormeeray Xaafadaha Magaalada+(SAWIRRO).

0

Duqa dagmada Galkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale, ayaa maanta kulan looga hadlayay xoojinta wada shaqeynta la yeeshay guddoomiyaasha xaafadaha magaalada.

Duqa dagmada galkacyo ayaa kulanka ka hor kormeer qiimeyn ah ku sameeyay baahiyada adeegyada bulshada ee ka jira xaafadaasi iyo jidadka xiran oo uu maamulku qorsheynayo in dib loo furo isagoo sidoo kalana kormeeray howlaha shaqo ee ka socanaya xarumaha caafimaad ee loogu adeego bulshada xaafadahaas.

Bulshada xaafada Howlwadaag oo qeyb ka ahaa kulanka maanta ayaa ka warbixiyay adeegyada xaafada, iyagoona sheegay in ay ku faraxsan yihiin kormeerka iyo kulanka maanta ay la qaateen duqa dagmada galkacyo iyo xubnihiisa golaha deegaanka qaarkood.

Duqa dagmada Galkacyo Cabdiraxmaan sheelh xasan jimcaale  ayaa sheegay culeys kasta oo jira looga bixi karo  isku tashi bulshada iyo maamulka ah.

Duqa dagmada Galkacyo iyo xubnihiisa golaha deegaanka ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay kulama gaar gaar ah la qaadan doonaan bulshada iyo maamulka xaafadaha; Garsoor, Wadajir iyo Horumar ee Galkacyo.

Wadanka UK oo Saaka Meel Mariyay Daawada Cusub, ee Talaalka karoona.

0

Margaret Keenan oo isbuucan noqoneysa 91 jir, ayaa noqotay qofkii ugu horeeyay guud ahaan dalka UK ee la siiyo talaalka Covid-19.

UK waxaa saakay si rasmi ah uga bilowday talaalka Covid-19 waana dalkii ugu horeeyay ee ansixiya.

Waxaa talaalka qeybtiisa koowaad ahmiyad gaar ah la siin doonaa dadka 80 sano ka weyn iyo shaqaalaha caafimaadka.

Ilaa 50 goob oo caafimaad ayaa la geeyay talaalka.

Waaxda caafimaadka ayaa u yeeri doonta qofka la talaalayo.

Waxaa qorshuhu yahay in la talaalo ilaa 40 malyuun oo qof

Iyadoo cudurka safmareen ka ah ee Covid-19 uu saameen weyn ku yeeshay aduunka oo dhan ayaa  UK waxay noqotay dalkii ugu horeeyay aduunka ee meel mariya daawada cusub, ee talaalka karoona.

 

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo go’aan ka soo saartay Muwaadiniinta Kenya ee soo galaya dalka.

0

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa go’aan ka soo saartay Muwaadiniinta Kenya ee soo galaya dalka Soomaaliya.

Halkan Hoose ka Akhriso.

Wasiirka Hawlaha Guud ee XfS oo kulan la yeeshay shirkadda dhisaysa Waddada Muqdisho iyo Afgooye.

0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud, dib u dhiska iyo guriyeyta XFS Mudane Xil. Maxamed Aadan Macalim (Somali) ayaa maanta kulan isbarasho iyo is xog-waraysi ah xafiiskiisa waxaa uu kula yeeshay madaxa guud ee Shirka dhismaha Turkiga ah ee ANEZ Company oo ah Shirkadda dhisaysa Waddada Muqdisho iyo Afgooye.

Wasiir Maxamed Soomaali ayaa waxaa uu ka waraystay halka uu marayo dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxa uga harsan iyo Caqabadaha ay lakulmeen intii uu socday dhismaha Waddadan iyo sidii loo bilaabi lahaa dhismaha Waddada Muqdisho iyo Jowhar.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Maxamed Aadan Macalim ayaa ugu dambayntii waxaa uu bogaadiyey shaqada culus ee ay hayso shirkadda ANEZ, waxana uu uga tacsiyeeyay dhamman shaqaalihii ku dhintay intii ay socotay shaqada dhismaha Waddada gaar ahaan Injineeradii Turkida ahaa, Inta ku dhaawacantayna waxaa uu u rajeeyey in allaah caafimaad deg deg siiyo.

Xanuun cusub oo aan wali la garan oo dad badan loo seexiyey isbitaal dalka Hindiya.

0

Hal qof ayaa u dhintay 300 oo kale isbitaal ayaa loo seexiyay xanuun cusub oo aan wali la garan kaas oo lagu arkay dalka Hindiya.

Gobolka of Andhra Pradesh ee koonfuurta Hindiya ayaa dhaqaatiirtu sheegeen in xanuunka uu ka jiro.

Sida ay sheegtay wakaalada wararka Hindiya nin 45 jir ah ayaa xanuunka u dhintay kadib markii isbitaalka la keenay isaga oo loo hayay sida calaamadaha xanuunka qalalka oo kale .

Xanuunka ayaa la sheegay in uu marka hore qofka dareemayo matag marka xigtana uu miir daboolmayo istaagana  ka dhacayo.

Waaxda caafimaadka ee gobalka of Andhra Pradesh ayaa baartay biyaha deegaanka laga cabo balse waa laga waayay wax sun ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo si rasmi ah ufuray madasha iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble ayaa lagu wadaa ayaa daqiiqado ka hor xarunta xalane ka furay madashada iskaashiga Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Ra’iisul wasaare Rooble oo khudbad ka jeediyay furitaanta shirka ayaa ka hadlay arrima badan oo ay ka mid yihiin la daagalanka argagixisada ,Amniga iyo doorashooyinka.

Shirka waxaa ku sugan sidoo kale Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) wasiiro iyo xilidhibaanno ka tirsan dowladda Soomaaliya guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) qaar ka mid safiirada beesha caalamka ufadhiya Soomaaliya.

Ergaryga gaar ah ee qaramada midoobay uqaabilsan Soomaaliya James Swan sidoo kale khudbad dhinac Zoomka ah uga soo qeyb-galay

hada waxaa socota khudbada madaxweynaha Punland Saciid Cabdullaahi Deni oo magaalada Garowwe uga jira aalada fogaan arrga ee Zoomka,waxaana sidoo kale qorshahun yahay inay shirka ka hadlaan xubno ka socdo beesha caalamka iyo dowladda Soomaaliya.

Shirka Madasha Iskaashiga ee dhaqaalaha dalka oo goordhaw Muqdisho ka furmayo.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socdo magaalada muqdisho ka furmo Shirka madasha iskaashiga ee Partnership Forum, kaasi oo ay ka qeyb-galayaan madaxda dowladda, Dowlad Goboleedyada iyo Xubno ka tirsan beesha caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya.

Shirka oo ku qabsoomi doono dhinaca Internet-ka ee Aalada Zoomka ayaa waxaa uu ajandihiisu yahay  ka hadlida Arrimaha doorashooyinka, Amniga, sii wadida dib-u-habeynta garsoorka ganacsiga dhaqaalaha, horumarka xagga deynta cafinta laga gaaray iyo  kasoo kabashada duufaan ku dhufatay meel kamid ah dalka.

Shirka ayaa waxaa khudbado ka jeedin doona, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Xubnaha beesha caalamka oo ay kamid yihiin Wakiilka QM ee Somalia James Swan, Wakiilka Midowga Afrika, Danjire Francisco Madeira.

Sidoo kale Xubnaha dhinaca dowladda ee shirka ka qeyb-galaya ayaa waxaa kamid ah, Ra’iisul Wasaare Rooble, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed, & Wasiirada, gaashaandhigga, Amniga, Cadaaladda, Dastuurka, Haweenka & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo yareey.

Doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka oo maanta dalka Ghana ka dhaceysa.

0

Shacabka dalka Ghana ee galbeedka afrika dhaca ayaa saakay u dareeray goobaha cod bixinta si ay u doortaan madaxweyne iyo baarlamaan cusub.

11 musharax ayaa u taagan xilka madaxweynaha kuwaas oo ku dadaalaya in ay codka dadka helaan .

Musharaxiinta ugu cad cad ee hardanka culus uu dhaxmarayo ayaa ah madaxweynaha iminka xafiiska jooga Nana Akufo-Addo iyo madaxweynihii hore ee uu ka guuleystay sanadkii 2016 John Dramani Mahama.

Ghana oo lagu tiriyo dalka ugu wanaagsan galbeedka afrika marka ay timaado dimuqraadiyada waxaa iminka heysta dhibaatooyin badan oo ay tahay in uu wajaho xalkooda qofkii xilka ku guuleysta.

Shaqo la,aanta dhaliyada, amaanka iyo saameynta dhaqaalaha ee Covid-19 ayaa ah waxyaabaha doorashada salka u ah oo musharaxiinta ay dadku ku xulan doonaan qorshaha uga aadan

Wafdi ka socda Masar oo muqdisho kula kulmay wasiirka arimaha dibada.

0

Wafdi ka socda dalka masar oo maanta booqasho ku yimi soomaaliya ayaa la kulmay wasiirka arimaha dibada xukumada federaalka .

Wafdigan oo uu hogaaminayay wasiir ku xigeenka arimaha dibada ee masar Sherif mohamoud Said ayaa xafiiskiisa kula kulmay wasiirka arimaha dibadda soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaq.

Wasiirka arimaha dibada soomaaliya wuxuu sheegay in wafdiga masar ay ka wada hadleen xiriirka labo geesoodka ah ee labada dal .

Wasiirka waxaa kaloo uu tilmaamay in masar iyo soomaaliya ay wadaagaan xiriir walaalnimo iyo saaxiibtinimo ku qotomo.

sidoo kale Wasiirka Waxuu Sheegay in uu Rajeynayo xoojinta Xiriirka Dawlada Soomaaliya iyo Masar leeyihiin.

Talaalka karoonaha oo isbitaalada UK loo qeybiyay iyada oo talaadada uu dalkaasi si rasmi ah uga bilaabanayo talaalka.

0

Qeybtii ugu horeysay ee daawada Pfizer/BioNTech oo ah talaalka xanuunka karoonaha ayaa la gaarsiiyay qaar ka mid ah isbitaalada iyo goobaha caafimaadka ee UK.

Ilaa 50 meel oo laga bilaabi doono wajiga koowaad ee talaalka ayaa la geeyay sanduuqyo qaboojiye yaal ah oo talaalka uu ku jiro.

Maalinka talaadada ayaa saraakiisha caafimaadku sheegeen in uu talaalka si rasmi ah u bilaabanayo.

Dadka ugu horeeya ee la talaalayo ayaa ah shaqaalaha caafimaadka , dadka 80 sano ka weyn iyo dadka ku sugan goobaha dadka da,da ah lagu xanaaneeyo.

UK waxay dalbatay talaal ku filan 40 malyuun oo qof waana dalkii ugu horeeyay aduunka ee talaalka karoonaha ansixiya.