Shaqaale QM ka tirsan oo lagu rasaaseeyay Gobolka Tigreey ee Dalkaasi Itoobiya.

Date:

Dowlada Itoobiya ayaa qiratay in ciidankeeda rasaaseeyeen isla markaana ay xireen shaqaale QM ka tirsan gobolka Tigreey, ayagoo ku eedeeyay in ay galeen goobo aan loo ogolaanin amar la’aan.

Redwan Xuseen oo ah afhayeenka ciidanka howlgalka ka wada gobolka Tigreey ayaa sheegay in gobolka loo ogol yahay in ay galaan shaqaalaha gargaarka balse uu tilmaamay in shaqaale ka tirsan QM ay ka gudbeen labo bar kontorool ka dibna isku dayeen in ay dhaafaan mid sadexaad sidaasna lagu rasaaseeyay, isagoo intaas ku daray in shaqaalaha muddo kooban ka dib la sii daayay.

Dhinaca kale, afhayeenka Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric ayaa sheegay in kolonyo QM leedahay oo ay la socdeen affar shaqaale ah kuwaas oo doonayay in ay qiimeeyaan xaaladda gobolka ay la kulmeen is hor istaag ciidanka ah, waxaa uu tilmaamay in kolonyada ay hor u dhac u aheyd gaadiidka gargaarka oo halkaas loogu talagalay.

Qaramada Midoobey iyo dowladda Ethiopia ayaa heshiis wada saxiixday arbacadii hore ee 29 bishii tagtay, is afgarad ku saabsan in shaqaalaha gargaarka loo ogolaado in ay ka howlgalaan gobolka Tigreey.

Heshiiska ayaa dhigayay in shaqaalaha gargaarka goobaha ay ka howlgali doonaan ciidanka ka war heyn doono hase yeeshee, wali la iskuma afgaran meelihii ay tagi lahaayeen shaqaaha gargaarka.

Wixii heshiiskaas ka dambeeyay, gaadiidka gargaarka sida ayaa ku sugan xuduuda gobolka halkaas oo 6 milyan oo ruux oo gobolka ku nool u baahan yihiin gargaar bani aadanimo, sida ay sheegtay QM.

Sidoo kale, ku dhowaad 96,000 oo qaxooti Eritriyaan ah oo ku jira affar kaam oo ku yaala gobolka Tigreey ayaa kamid ah dadka dhibaateysan.

Shaqaalaha Qaramad Midoobay ayaa lagu rasaaseeyay kaamka Shimelba oo ay ku jiraan qaxootiga Eritrea.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...