Home Blog Page 789

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle oo booqday Xeryaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan ayaa kula dardaarmay Sugida Amniga+(SAWIRRO).

0

Madaxweyne ku-xigenka Dowlad Goboleedka hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed)  oo uu wehliyo Gudomiye ku-xigenka 1aad ee Barlamanka Hirshabeelle ayaa maanta booqday Xerada ciidanka guutada 5aad ee  xooga dalka Soomaliyeed ee lamagalaay.

Saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida ee Soomqaaliya oo ku sugnaa Xerada lamagalaay ee magaalada Beledweyne ayaa soo dhaweeyay Mas’uuliyinta iyadoo halkaasi warbixin ku aadan Amniga iyo u diyaar garowga Doorashada Xildhibaanada dalka oo la filayo in dhawaan lagu qabto qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan Gaar ahaa magaalada Beledweyne laga siiyay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.

Madaxweyne kuxigeenka Hirshabe Yuusuf Axmed Hagar iyo Gudoomiye Ku-xigeenta 1aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa uga mahadceliyay Saraakiisha iyo Ciidanka Xooga Dalka Sida ay xil isaga saareen Amniga Dalka iyagoo habeen iyo maalin u taagan Arrinkaasi waxayna ku wareejiyay Ciidanka 3 neef oo geel ah oo ciidanka loogu talagalay islamarkaana ah dhiiro galinta Ciidanka.

Ugu dambeyntii Mas’uulinyiintan ayaa si adag ula dardaarmay Saraakiisha iyo Ciidamada Xooga in ay balaariyaan sugida Amniga Gobolka Hiiraan xili lafilaayo in doorashada xubnaha xildhibanada Golaha shacanka qeyb ka mid ah lagu dooran doono Magaalada Beledweyne.

Maamulka iyo Ciidamada Amniga Galmudug oo ku guuleystay Xalinta Xiisado Colaadeed oo ka jirtay Xadka Gobolada Mudug iyo Galgaduud+(SAWIRRO).

0

Maamulka Galmudug Oo Kaashanaya Ciidamada Amniga Qaranka Gaar Ahaan Ciidamada Boliiska Iyo Kuwa Xoogga Dalka Ayaa Ku Guuleeystay Xalinta Xiiso Colaadeed Oo Maalmihii U Danbeeyay Ka Jirtay Deegaanada Baxdo Gaabo Iyo Wanakiir Oo Ku Yaala Xadka Kala Qeybiya Mudug Iyo Galguduud Kuwaas Oo Ka Dhashay Muran Ku Aadan Baraako Iyo Bacaha Biyaha Lagu Keydiyo.

Ciidamada Amaanka Iyo Masuuluiyiinta Maamulka Galmudug Ayaa Gabi Ahaanba Aasay Baraagihii Iyo Biyo Keydiyaashii Kale Ee Muranku Ka Jiray Qaar Ka Mida Odayaasha Deegaanadaasi Ayaana Ugu Horeyn Ka Mahad Celiyay Talaabooyinka Uu Qaaday Maamulka Galmudug.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Mudug Gaashaanle Dhexe Qaasim Shirdoon Cali Ayaa Isna Dhankiisa Ka Hadlay Kaalinta Ciidanka Booliiska Federaalka Ee Ka Howl Gala Galkacyo Iyo Cadaado Ay Ka Geysteen Xalinta Xaaladaha Kasoo Cusboonaaday Deegaanadasi.

Gudoomiyaha Gudiga Arimaha Bulshada Baarlaamnka Galmudug Xildhibaan Yoonis Maxamed Shaare Ayaa Isna Dhankiisa Ka Amaanay Dadaalka Ciidamda Amniga Qaranku Ay Uga Qeyb Qaateen Xalinta Xaaladaha Ka Jiray Deegaanada Baxdo Gaabo Iyo Wana Kiir.

 

Midowga Afrika oo Ergo u magacaabay xalinta colaada Itoobiya ka aloosan.

0

Madaxweynaha koonfur afrika Cyril Ramaphosa oo iminka ah hogaamiyaha ururka midowga afrika ayaa 3 xubnood u magacaabay in ay wada hadal ay ku dhameeyaan dagaalka ka socda waqooyiga itoobiya.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah Ellen Johnson-Sirleaf, madaxweyne ka soo noqotay Liberia,Joaquim Chissano, madaxweynahii hore ee Mozambique iyo Kgalema Motlanthe,    Madaxweynahii hore ee South Africa.

Shaqda ugu horeysa ee ergadan ayaa ah in dhamaan dhinacyada ishaya ay qeyb ka noqdaan aragtida dhameynta qilaafka lana abuuro jawi wadahadal qaran oo loo dhan yahay si loo xalliyo dhamaan arrimaha keenay isku dhaca, iyo soo celinta nabadda iyo xasiloonida  Itoobiya ayuu yiri Cyril Ramaphosa.

Arintan ayaa timi kadib markii madaxweynaha itoobiya haweeneyda lagu magacaabo Sahle-Work Zewde ay booqatay koonfur afrika halkaasi oo ay wada hadal kula yeelatay madaxweyne Cyril Ramaphosa.

 

Finland ayaa galeysa xayiraad kadib markii ay kordheen kiisaska cudurka Coronavirus.

0

Magaalooyinka Helsinki, Espoo, Vantaa iyo hareerahooda oo kamid ah Dalka Finland ayaa la go’aamiyay xadaymo cusub laga bilaabo 23.11.2020 waxaana ay socon doonaantaa mudo saddex toddobaad ah, taasoo ay ujeedadeedu tahay sidii lagu joojin lahaa faafista feyruska corona.

Midka ugu weyn xadaymahaas cusub ee la soo rogay waa, in kulamada guud ee gudaha lagu qabanaayo ama la isugu imaanaayo aanay ka badnaan karin 20 qof. Taa macnaheedu waa in munaasabadaha isboortiga iyo xafladaha kale sida riwaayadaha, aan la qaban karin mudadaas saddexda toddobaad ah ee soo socota, iyadoo intaa kahorna ay howlwadeennada dowladdu arrinka qiimeyn ku sameyn doonaan.

Munsaabadaha gaarka ah ee dadku ay yeelanayaan sida xafladaha dhalashada, kuwa ardeyda, kuwa qoysaska iyo qaraabada sida aroosyada iyo xafladaha diimaha, 10 qof ka badan la isuguma imaan karo.

Dadka waaweyn waxaa khasab ku noqoneysa in ay joojiyaan hiwaayadihii ay aadi jireen, waayo howlaha isboortiga kala duwan ee lagu qabanaayay hoolalka gudaha ah waa la joojiyay. Tusaale ahaan dadka waaweyn ma aadi karaan saddexda toddobaad ee soo socoda hoolalka isboortiga ee magaalooyinka ee lagu ciyaaro ciyaaraha kala duwan. Wixii ka yar 20 sano jir way sii wadan karaan hiwaayadahooda.

Dugsiyada dhexe waxaa isniinta laga bilaabo loo soo jeedinayaa in ay qaataan af-shareerka.

Dugsiyada sare iyo macaahidda muddo dheer ayaa laga isticmaalayay af-shareerka, ardayda iskuulladaasna hadda inta badan waxaa ay waxbarashada ku qaadan doonaan guriga, iyadoo ardayda qaarkood mar la gelin doono waxbarashada dhanka internetka ee guriga, qaarna ay iskuulka ku qaadan doonaan.

Inta ugu badan xadaymaha cusub ee la soo rogay wax saameyn ah kuma yeelanayaan caruurta dhigata dugsiyada hoose. Carruurtaas dugsiyada hoose lagama rabo in ay af-shareerka qaataan, iskuulkana lagama xiraayo sidii dhacday gu’gii la soo dhaafay, ee caadi ayay u wadanayaan. Xafladdii xornimada dalka ee sannad walba loogu yeeri jiray ardayda fasalka afaraad ee iskuullada dalka, sannadkaan waxaa loo beddelay dhanka internetka, oo qaab firjiwaal ahaan ah ayay u dhici doontaa.

Goobaha guud ee la isugu yimaado, hoolalka dabaasha waxaa la xadeynayaa cadadka ama tirada inta qof ee imaan karta hoolka, khaanadaha dharka la gashadana kalabar waa la xiri doonaa. Maktabadahana waxaa la yarayn doonaa hoolalka wax lagu akhristo.

Xadaymahaan cusub waxaa loo qaatay, sababtoo ah cudurka safmarka ah ayaa caasimadda iyo hareeraheeda wuxuu galay heerkii saddexaad ee faafista. Wasaaradda caafimaadka iyo arrimaha bulshada ayaa bishii sagaalaad waxaa ay go’aamisay in cudurkaan safmarka heerarkiisa loo qaybiyo saddex qeybood, kuwaaso kala ah heerka
asaasiga ah, heerka karaar qaadashada iyo heerka faafista.

Heerka faafista ayaa ah kan ugu daran, waxaana macnaheedu yahay in tirada csub ee faafista feyruska ay si xoog leh kor ugu socoto. Xadaymaha haatan la soo rogay oo soconaaya saddexda toddobaad ee soo socota, haddana waxaa lagu sii kordhin karaa saddex toddobaad oo kale, haddii faafsita feyrusku ay hoos u soo dhici weyso.
Nadifo Ali Shador
Helsinki – Finland

Ciidanka Itoobiya oo qabsaday labo magaalo oo muhiim ah, kuwaas oo ku yaala gobalka tigreega.

0

Gudiga xaalada deg dega ee dowlada itoobiya u magacoowday gobalka tigreega ayaa sheegay in ay ciidanka dowlada itoobiya la wareegeen magaalooyinka Axun iyo Adwa ee ismaaulka tigreega.

Gudigu waxay kaloo tilmaameen in ciidanku qabsadeen nawaaxiga deegaanka Adigrat.

War qoraal ah oo ka soo baxay gudiga ayaa lagu tilmaamay in ciidanku ay guulo ka gaarayaan dagaalka ay kula jiraan TPLF .

Waxay sheegeen in TPLF difaac isku dayeen inta u dhaxeysa Axun iyo Adwa balse laga adkaaday .

Deegaanka Axun waxaa ilaa shalay ka soconayay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidanka itoobiya iyo TPLF.

Ciidanka dowlada ayaa shalay dagaal kula wareegay magaalada Shire .

(DAAWO) WARKA HABEEN EE ©SNTV // 20 11 2020.

0

Halka ka Daawo Warka Habeenimo ee ©SNTV.

Hay’adda FAO ee QM u qaabisan Beeraha oo ka Digtay Ayaxa ku soo wajahab Gobolada Konfurta Soomaaliya.

0

Hay’adda QM u qaabilsan Cunada iyo beeraha ee FAO ayaa ka digeysa ayax lixaad leh oo ku wajahan Qeybo ka mid ah gobolada konfurta soomaaliya ee Beeraha hodanka ku ah.
Ayaxan ayaa waxaa la sheegay in Dabeyluhu saacidayaan islamarkaana ay qeyb ka yihiin duulaanka uu ugu jiheystay konfurta soomaaliya.

Galmudug iyo Puntland oo ah meelaha ugu daran ee Soomaaliya Ayaxu saameeyay ayaa waxaa hada isbiirsanayo is aruursanaya korankoradu ayaxa halkaasi kaga tagay taasoo Koonfurtu ku sii jeeda.

Hay’adda FAO waxaa ay sheegtay in xilligan oo ah xilli roobaadka Soomaaliya islamarkaana Dabeylo xoog leh ay jiraan ay Ayaxa qeyb weyn ay ka qaadanayaan ayna adagtahay in Ayaxa lala Dagaalamo.

Alphonse Owuor oo ah Sargaal ka tirsan Hay’ada FAO ayaa sheegay in la dagaalanka Ayaxa ay tahay caqabad aad u adag oo hada soomaaliya ka jirta waxaa uu sheegay in Wasaarada Beeraha Soomaaliya iyo sidoo kale Maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug oo kaa shanaya Hay’adda FAO ay wadaan dadaal xoogan leh oo lagu xakameynayo Ayaxa Soomaaliya.

Ayaxan ayaa FAO ka Digeysaa hadii uu gaaro konfurta Soomaaliya in uu waxyeelo u gaysan doono beeraha Soomaaliya islamarkaana adkaan doonto in Ayaxaasi la wiiqo ama laga adkaado.

Soomaaliya ayaa iminka la qayaasayaa in ilaa shan malyan oo qof ay u baahanyihiin cunto ay cunaan.

Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo tacsiyeeyay Geerida Ra’iisulwasaarihii hore Marxuun Cumar Carte Qaalib

0

Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa tacsi u diray qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle u naxariiste Ra’iisal wasaarahii Hore ee Soomaaliya Marxuum Cumar Carte Qaalib oo toddobaadkan ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

War qoraal ah oo kasoo baxay Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan oo lasoo gaarsiiyay warbaahinta qaranka ayaa lagu sheegay in in Madaxweynaha uu tacsi gaar ah u dirayo qoyska uu kaa baxay Marxuum Cumar Carte Khaalib oo ahaa shaqsi mug iyo Miisaan kulahaa Bulshada Soomaaliyeed dhaxdeeda isla markaana usoo shaqeeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa Alle uga baryay in qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Samir iyo Iimaan uu ka siiyo , Marxuumkana Jannadii Firdowsa Aheyd Rabi ka waraabiyo.

(DAAWO) Shugri Calow oo u sharaxan guddoonka deegaan King County Gobolka Washington oo Minnesota lagu soo dhaweeyay+(MUUQAAL).

0

Shugri Calow oo u sharaxan guddoonka deegaan King County Gobolka Washington oo Minnesota lagu soo dhaweeyay,

Halkaan ka Daawo Muuqaalka.

Safiirka Itoobiya ee Dalka Sudaan oo sheegay in ay kala shaqeyn doonaan Sudan taageeridda qaxootiga Itoobiyaanka ah.

0

Safiirka Itoobiya ee dalka Suudaan ayaa sheegay in dowladda Suudaan ay kala shaqeynayaan sidii loo taageeri lahaa qaxootiga ka cararay Waqooyiga Itoobiya ee Suudaan gaaray.

Danjire Yibeltal Aemero wuxuu tilmaamay in Galbeedka gobalka Tigreega oo ay qaxootiga badankood ka yimaadeen hada la xureeyay oo gacanta ciidanka dowladda uu ku jira qaoxootigana si nabad ah ay ugu noqon karaan deegaannadii hore ee ay ka soo barakaceen.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa horay u sheegay inay diyaar u yihiin inay la wareegaan qoxootiga  Itoobiyaanka ah ee Suudaan gaaray.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in la diiwaan galiyay 35,000 qoxooti ah, kuwaas oo gaaray bariga dalka Suudaan .

Midowga Yurub ayaa shalay u qorsheeyay 4 malyuun oo Euro si loogu caawiyo qaxootiga Itoobiya ee Suudaan jooga.