Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ee uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane C/rashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Ismaaciil Maxamed Warsame iyo xubno ka mid ah hoggaanka dhaqanka Puntland.
Kulanka ayaa looga hadlay kawada shaqeynta midnimada, amniga iyo horumarka Puntland waxaana lagu guuleystay in meesha laga saaro kala aragti duwanaan dhinaca maamulka iyo shaqada ah oo u dhexeysay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka.
Sidoo kale madaxda sare Dowlad goboleedka Puntland waxay Bulshada ugu baaqeen inay ka shaqeeyaan dowladdnimada, isla markaana meel ay uga soo wadajeestaan cadowga argagixisada , iskana ilaaliyaan waxkasta oo khalkhalgelinaya nidaamka , amniga iyo jiritaanka Puntland.
Khilaafkii Udhaxeeyay Madaxweyne Deni Iyo Kuxigeenkiisa Oo Xaliyay
Wasaaradda Gadiidka Iyo Duulista Hawada XFS Oo Casriyeysay Adeegyada Gadiidka+Sawirro
Waaxda gadiidka rayidka ah ayaa lagu sameeyay isbedelka dhanka hormarinta adeegyada gadiidka dadweynaha si bulshada Soomaaliyeed loogu fududeeyo adeegyada ay u qabato.
Halkaan waxaa xarunta waaxda gadiidka rayidka ee wasaaradda gadiidka iyo duulista hawada waxaana si maalinle ah u yimaada darawalada gadiidka kala duwan oo usoo doonta agabyada gadiidka sida sharciga wadiska gadiidka ee( leesinka).buuga gaariga iyo taargooyina.
Hase ahaatee warbaahinta qaranka ayaa booqtay howsha ka socoto inoo kula kulanay dhalinyaro badan oo usoo doontay dhameystirka sharciyada gadiidka waxaana ka mid ah Faarax saciid Cabdi oo ah wade gadiidka dadweynaha ee Caasimada waxa uu inoo sheegay in si fudud uu ku helay adeegyadii uu uga baahnaa isagaa gacanta ku heystay taargooyin iyo buugta gadiida ee uu usoo doonta .
“Waxaan ku helay maalin kale waana inoola fududeeyay maxaa yeelay marka hore kuma helin jirin waqti dhaw oo ciman waxaana uga mahadcelineynaa sida ay inoogu adeegto waaxda gadiidka rayid. Sidoo kale darawalada gadiidka waxaan u sheegayaa in la fududeeyay adeegyadii aan uga baahneen.ayuu ku daray Faraax Saciid Cabdi oo ah wade gadiid.
Mowliid Xuseen Cumar agaasimaha waaxda gadiidka rayidka ee wasaaradda gadiidka iyo duulista hawada ee Soomaaliya ayaa sheegay in casriyeen lagu sameeyay adeegyda waaxda si ay ula jaan qaado hay’addaha kale ee dhigeeda caalamka.
‘Waxaan casriyeen ku sameeynay guud ahaan adeegyada aan bixin sida leesinka oo ka dhignay laf iyo sidoo kale in aan fududeyno bixinta buuga gaariga iyo taargooyinka inooga shacabka ugu adeegeyno si xushmad leh iyo daacadnimo ku jirto”ayuu ku daray Mowliid Xuseen Cumar agaasimaha waaxda gadiidka rayidka
Trump Oo Ku Hanjabay Inuu Ciidamo U Dirayo Goobaha Rabshadaha Ka Socdaan
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trumo ayaa ku hanjabay in ciidamo milateri u dirayo goobaha ay ka soconayaan dibadyada rabshadaha wata ee ka socda qeybo ka mid ah dalka Mareykanka, kaddib dilkii George Floyd oo ahaa Madow Mareykan ah.
Trump ayaa ku eedeeyay maamulada gobolada ee ka jira goobaha dibadbaxyada ka socdaan ay ku fashilmeen ka hortagga dibadbaxyada, taasna ay keentay in Ciidamo milateri soo afjara rabashadaha inuu diro.
Waxaa uu sheegay in Ciidamada Milateriga si degdeg ah loo howliyay, si ay u soo afjaraan dibadbaxyada ku baahay magaalooyin ka tirsan dalka Mareykanka.
Kumanaan ruux ayaa illaa iyo hada loo xir xiray rabshadaha, waxaana dibadbaxyada ay saameeyeen isu socodka, waxaa la jabsaday oo la bililqeystay xarumo ganacsi, iyadoo goobo kale dab la qabadsiiyay.
Ku dhowaad 40 magaaloo ka tirsan Mareykanka ayay dibadbaxyada saameeyeen, waxaana ay muuqdaan kuwo sii xoogeysanaya, iyadoo dadweynaha ay si weyn uga caroodeen dilkii askari ka tirsan Ciidamada Booliska u geystay Goerge floyd.
Madaxweynaha Galmudug Oo Shaaciyey In Ay Deegaannada Galmudug Hub Aruurin Ka Sameynayaan.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegay in maamulkiisa uu dadaal badan uu ku bixin doono sidii Maleeshiyaadka tira badan looga qaadi lahaa hubka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ay doonayaan in ay mideeyaan Awoodda maamulka Galmudug, islamarkaana Maleeshiyaad beeleedyadda loo badali doono Ciidamada Daraawiishta iyo Booliska maamulka Galmudug.
“Galmudug maanta waxaan ka xareyneynaa hubka gacmaha Gooni goonida ah ku jira oo aan awooda Mideyneyno , awoodaasi iyo Hubkaasi waxaan ku dhalin doona Nabadeynta degaanada ka Galmudug iyo ka hortagga dagaal beeleedyada”ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.
Dhinaca kalana waxa uu shaaca ka qaaday in qorshahaan hubka dhigista uu sii soconayo,si galmudug nabadeedu u xoogeysato.
Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu wareejiyay Maleeshiyaad iyo hubkii ay wateen isaga oo shaaciyay in kuwa kalana sidaas oo kale loogu wareejin doono.
Dadka u soo ridanyo xanuunka covid-19 oo kusoo badanaya magaalooyinka Galmuudug
Waxaa sii kordhaya tirada dadka lagu arkayo caalamadaha Caronavirus sida ay sheegtay wasaarada caafimaadka Galmudug,ilaa hada waxaa la helay ilaa iyohada 54 qof oo laga qaaday tiyaabo, dad lagu arkay caalamadaha xanuunka COVID19 ayaa wasaarada caafimaadka Galmudug shalay galinkii danbe u dirtay magaalada Muqdisho si baaritaano loogu soo sameeyo.
Isku duwaha wasaarada caafimaadka Galmudug Gobalka Mudug Cabdi Maxamuud Xirsi ayaa sheegay in ay sii kordhayaan xaaladaha dadka la xaqiijiyay in ay qabaan caabuqa karoona Isagoona xusay ilaa iyo hadda in tirada guud ay gaareeyso 15 ruux.\
Sidoo kale isku duwaha ayaa sheegay in ay dad badan da’doodu ay aad uweyn tahay ay maalmihii u danbeeyay ay ku geeriyoodeen Gobolka inkastoo aan la xaqiijin karin in ay sababsadeen cudurka caronavirus.
Dowladsa Soomaaliya oo cambaariysay weerarkii argagixisadu ay ku qaaday dadka rayidka ah ee istibaalayay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye (War-saxaafadeed)
Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay weerarkii bahalnimada ahaa ee maantay ay argagisadu ku qaaday dad riyadah oo saarnaa gaari ay dadwaynahu isticmaalan oo u kala goosha magaalada Muqdisho iyo Afgooye.
Gaariga ayaa waxaa ku geeryooday 10 qof oo ahaa rakabkii saarnaa gaariga maryay wadad isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Lifaaqa Hoose ka Akhiso War-saxafaadeedka
Prof. Dufle: Sigaarka & Shiishadu waxay fududeeyaan qaadidda iyo faafidda cudurka COVID-19
Muqdisho:-(SNTV)-31-ka May maalinta Caalamiga ah ee joojinta tubaakada &Sigaarka (world no Tobacco day), Iyadoo sanad walba maanta oo kale 31-ka May ay ku beegan tahay maalinta caalamiga ah ee loo asteeyey joojinta cabista sigaarka ayaa dhaqaatiirta Soomaaliyeed waxay mar kale bulshada kaga digayaan qatarta uu leeyahay iyo cudurada halista ah ee ka dhasha.
Dr. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa ka waramay dhibaatada uu sigaarka iyo noocyada kale ee tubaakadu ku hayaan caafimaadka iyo dhaqaalaha bulshada.
Waxaa uu sheegay Prof. Dufle in sanadkan heyadda caafimaadka Adduunka ee WHO ay diirada saartay Sidii dhalinyarada looga ilaalin lahaa ka qeyb qaadashada wax soo saarka tubaakada iyo nikotiinka “Protecting youth from industry manipulation and preventing them from tobacco and nicotine use” maadaama dhalinyaradu yihiin kuwa ugu badan ee isticmaala.
“Maanta oo ay ku beegan tahay 31-ka May 2020 waa maalinta loo asteeyay joojinta cabista sigaarka ee caalamka, taasoo looga gol leeyahay in bulshada lagu wacyi geliyo khatarta uu leeyahay, tubaakada waxay u kala baxdaa noocyo badan sida: Sigaarka, Siigarka, Bayb-ka, shiishada, Tubaakada la ruugo, mida la calaliyo iyo tan kale ee daanka la gashado, intaasoo dhanba waa khatar caafimaad haba ku kala badnaadeene” ayuu intaa ku daray Prof. Dufle.
Waxaa uu sheegay in guud ahaan adduunyada cabista sigaarka lagu qiyaaso 1.1 bilyan oo qof. ku dhawaad Hal bilyan oo u dhiganta (80%) ayuu sheegay iney ku nool yihiin waddamada soo koraya, isagoo xusay in cabista sigaarka ragga uu ku badan yahay qiyaastii shan jeer haweenka.
“Sigaarku wuxuu sababaa dhimasho degdeg ah ama cimri gaabad, waxaana la sheegaa in sanad walba ay u dhintaan sigaar cabista qiyaas dhan 8 milyan oo qof, qiyaastii 1 milyan oo ka mid ah dadkaasna ay yihiin dadka aan cabin sigaarka sida tooska ah (”Second hand Smoke)” ayuu yiri dhaqtarku. Sidoo kale wuxuu Dhakhtarku xusay in sigaarka 4tii ilbiriqsiba uu qof u dhinto guud ahaan caalamka.
Prof. Dufle ayaa tilmaamay in sigaarka laga helo in ka badan 4,000 kun maaddo oo sun kiimiko ah, 250 ka mid ah maadooyinkaasna ay yihiin kuwa Qatar ku ah caafimaadka aadanaha, in ka badan 50 kalena ay dhalin karaan cudurka kansarka.
Waxaana ka mid ah ayuu yiri maaddada (Tar, Arsenic, benzene, formaldehyde, carbon monoxide & amooniyo) waxaa kaloo ku jira ayuu yiri dhaqtarku maadada Nicotin-ka oo sababa in la qabatimo sigaarka jir ahaan iyo maskax ahaan.
“Dadka sigaarka caba khatarta uu u keeno waxay ku xiran tahay waqtiga dheer ee uu isticmaalayey iyo xaddiga uu ka isticmaalo, waxaa kaloo jirta in qofka haddii uu joojiyo isticmaalka tubaakada ama sigaarka waqti hore in khatarta cudur ee uu keenayo ay sii yaraan karto” ayuu intaa ku daray hadalkiisa Prof. Dufle.
Dhaqtarka ayaa sheegay in cabista sigaarka uu sababo 25 cudur oo ay ka mid yihiin kuwa ku dhaca Sambabka sida cudurka Kansarka Sambabka 30-35 %. “Khatarta kale ee keeni karta kansarka sambabada waa qof ka agdhow meesha lagu cabayo sigaarka sida guriga iyo goobaha shaqada (Second-hand smoke) oo qaadanaaya qiiqa sigaarka agagaarkiisa lagu cabaayo, kaasoo la sheegay in khatartii cuduradii la soo sheegay ay ku dhici karaan qiyaas dhan 25-30%” . Sanadkiina waxaa u dhimata kansarka sambabka guud ahaan caalamka 1.8 milyan oo qof ayuu yiri Prof-ku.
Wuxuu kaloo sababaa cudurada sambabka iyo neef-mareenka ku dhaca sida Chronic Obstructive Pulmonary Disease (COPD), sambabka oo weynaada ama adkaada (Emphysema) iyo Chronic Bronchites.
Dhaqtarka wuxuu kaloo sheegay in cabista sigaarka uu sababo cudurada ku dhaca wadnaha iyo xididdada 20-30% (Heart attack and Stroke).
Sidoo kale wuxuu sababaa Kansarka Dhuunta iyo Afka (larynx and mouth), kansarka ku dhaca hunguri-wadeenka (Esophagus), Pancreas-ka, Caloosha, Beerka, Xameytida, Xiidmaha, Kaadi-heysta, Qabsinada, Ilma galeenka. Wuxuu kaloo sheegay inuu keeno dhalma la’aanta ragga iyo haweenka intaba.
Dakhtarka wuxuu kaloo sheegay in bukaanka cudurka Qaaxad qaba (TB) uu sigaarku sii xumeeyo hoosna u dhigo shaqadii sambabka una keena dhimasho ka timaada hawlgabka habdhiska neef-mareenka (Respiratory Failure).
“Sigaarku Wuxuu caawiyaa cudurka gastritis wuxuuna badiyaa laabjeexa joogtada (GERD), wuxuu kaloo daahiyaa bogsashadda boog calooleedka (Peptic Ulcer), Sidoo kale haweenka caba sigaarka ee da’doodu ka weyn tahay 40 sanno wuxuu u keeni karaa in si sahlan ay ku jabaan marka loo fiiriyo kuwa aan sigaarka cabin.
Sidoo kale sigaarka wuxuu yareeyaa dhumaca xididdada dhiigga u qaada jirka intiisa kale taasoo keeni karta in si waafi ah uu u gaari waayo dhiiggii ay u baahnaayeen” ayuu yiri Prof. Dufle oo sii hadlayey.
Waxaa intaa ku daray dhaqtarku in 85% uu ragga ku keeno Caniinimo ama ragannimada oo uu waayo. Haweenka uurka leh wuxuu ku keenaa ayuu yiri inay ilmihii dhiciso ama ay dhasho ilmo miisaan hoose ama neefqabad qaba (asphyxia) ama u horseeda dhimasho kedis ah (sudden death), isagoo tilmaamay Dhalinyarada da’dooda ka yartahay 20-ka sanno ay 3 jeer ka badan yihiin kuwa da’doodu ka weyn tahay 20 sano dhinaca dhimashada deg deg ah.
“Xagga maskaxda wuxuu horseedaa hurdadoo yaraata, degganaansho la’aan iyo qeybta fikirka iyo xusuusta oo hoos u dhaca taasoo ka timid xididdada masakaxda oo adkaada (Arthrosclerosis). Wuxuu kaloo isbeddel ku sameeyaa dabciga iyo la dhaqanka bulshada isagoo had iyo jeer acsaabtiisu kacsan tahay” ayuu yiri dhaqtarka.
Prof. Dufle oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in cabista sigaarka ay waxyeelo u geysato aragga Indhaha, Maqalka, dhagaha iyo Maqaarka sidoo kale wuxuu waxyeelo u geystaa ayuu yiri dibnaha, ciridka iyo ilkaha.
Bulshada Soomaaliyeed ayuu sheegay ku dhowaad 30-kii sano ee u dambeysay ee burburka, dagaalada iyo barakaca ay si xoog leh u kordheen tirada sigaarka cabta gaar ahaan dhalinyarada da’da yar. Waxaa kaloo kordhay ayuu yiri dadka Shiishadda isticmaala dhalinyaro iyo dad waaweyn, haween iyo rag, kuwaasoo uu xusay iney ku keeni karayso mustaqbalka dhibaato weyn oo dhanka caafimaadka.
Mar uu ka hadlaayey sida Sigaarka iyo Shiishadu uga qeyb qaataan qaadida iyo faafida cudurka COVID-19 ee dhibaatada ku haya haatan caalamka ayuu Prof. Dufle sheegay in dadka isticmaala ay ka halis badan yihiin kuwa kale.
“Sigaarka iyo Shiishada waxay fududeeyaan qaadida iyo faafida COVID-19, Isticmaalka Sigaarka waxaa ka dhasha in gacmaha ay si joogto u gaaraan afka (Faruuryaha, Sanka) taasoo keeni karta in qofku uu si sahlan u qaado cudurka COVID-19, sidoo kale, Bacdamaa Sigaarka iyo Shiishada ay sababaan cudurada ku dhaca neef mareenka iyo wadnaha ee raagista yeesha sida aan kor ku xusnay waxay u nugleeyaan qofka inuu cudurka si sahlan u qaado, gaarsiiyana xaaladaha qatarta ah ee COVID 19 oo ah (Sivere %-15) (Critical %-5), waxaa sidoo kale xusid mudan in Shiishada ay si gaar ah uga qeyb qaadato faafida cudurka COVID-19, maadaama si wadar ah loo isticmaalo” ayuu yiri Prof. Dufle.
Ugu dambeyn Prof. Cismaan Dufle Wuxuu dhammaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay meel kastoo ay joogaan iney ka fogaadaan cabista sigaarka iyo isticmaalka tubaakada nooc kasta bacdamaa diinteenna Islaamka aysan oggoleyn in nafta la tahluukeeyo, khatartii caafimaadka ee aan kor ku soo xusnayna uu keeno.
By: Dr Cismaan Maxamuud Dufle
i
Qarax dad badan ay ku dhinteen oo saakay ka dhacay Duleedka Muqdisho
Waxaa saakay Laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan deegaanka Xaawa Cabdi ka dhacay qarax miino oo dad badan ay ku dhinteen.
Sida aan wararka ku helnay gaari nuuciisu yahay Hoomeey oo ka yimid dhinaca degmada Afgooye kuna soo jeeday magaalada Muqdisho ayuu qaraxa ku haleelay laamiga hor mara isbitaalka Xaawo Cabdi ee duleedka muqdisho.
Qaraxan gaariga shacabka haleelay ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen 10-qof oo kamid ahaa rakaabkii gaarigaasi la socday,halka tiro kale oo aan badaneen ay dhaawacmeen.
Dadka qaraxa ku dhintay ayaa la sheegay in ay u badnaayeen ganacsato qudaarta ka ganacsata, mana jirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyada qaraxan dadka badan ee shacabka lagu laayay.inkasta oo ficlilada noocaan ah ay ku caan-baxeen kooxaha argagixisada ah ee AL-Shabab iyo daacish.
Qaraxyada miino ee lagu aaso hareeraha laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye ayaa mararka qaar waxa uu haleelaa gaadiidka dadweynaha iyo sidoo kale gaadiidka yar yar eey wataan dadka shacabka ah.
Ciidanka Xoogga oo khaarijiyay ku dhawaad 20 ka tirsan Maleeshiyada Al-shabaab
Kaddib howlgal qorsheysan oo ay Ciidanka Xoogga dalka ka sameeyeen tuulooyinka Buulo-urunji iyo busleey oo hoosyimaada deegaanka Jannaale ee gobolka shabeellaha hoose ayay ku dileen 18 kamid ah maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab kuwaasi oo ku dhuumaaleysanayay dhulka howdka ah ee tuulooyinkaasi.
Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Janaraal Cabdixamiid Maxamed Dirir oo la hadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ayaa sheegay in howlgalka uu yimid kadib markii dadka degaanka ay la loo wadaageen xogta maleeshiyaadka dhuumaaleeysanayay sidaasna ay ugu suuragashay in howgal qorsheysan lagu dilo 18 kamid ah argagixisada, islmarkaasna laga gubay doomo ay isaga kala gudbi jireen Wabiga Shabeelle ee mara Jannaale iyo degaannada kale ee gobolka Shabeellaha hoose.
Wasiir Fowsiya Nuur Oo Si Adag U Cambaareysay Falkii Lagu Xasuuqay Dhakhaatiirta, Dalbateyna Inay Helaan Cadaalad
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay falka wuxuushnimada ah ee lagu xasuuqay howl-wadeenada c/fimaadka ka howlgalayay deegaanka Gololeey ee Degmada Balcad, Gobalka Shabeellada Dhexe.
Wasiirka C/fimaadka ayaa falkan ku tilmaamtay mid nasiib darro ah, iyadoo xustay in howl-wadeennada caafimaadka ay ku jiraan xilligan adag oo ay la tacaalayaan xakameeynta caabuqa COVID-19 oo kusii baahaya dalka oo idil.
“Wasaaradda Caafimaadka waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa ehelada iyo bulshada Soomaliyeed, waxayna ilaahay uga baryaysaa marxuumiinta inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, ehelka iyo bahweynta caafimaadkana samir iyo iimaan ka siiyo”. Ayay tiri Wasiir Fawsiya oo hadalkeeda ku dartay “Waxaan murugada la qaybsanaynaa bulshada iyo bahda caafimaadka, waxaana dalbanaynaa in cadaalad ay helaan Howlwadeenaadaas lagu xasuuqay Gololeey”.