Horumar dhinacyo badan leh oo laga dareemayo Muqdisho+(SAWIRRO).

Date:

Barta twiiterka ee ciidanka AMISOM waxaa maal mahan rukun u ah sawiro iyo fariimo ka turjumaya nolosha iyo horumarka ka jira Muqdisho,  oo aanay arkin indhaha kuwa aan jecleyn nabada.

Inkastoo Muqdisho ay ka jiraan daruufo adag oo dhanka nolosha, ah kuwaas oo ay sababeen xanuunka COVID-19 iyo dhaqaalo xumo,ayaa  hadana waxaa magaalada ka jira kobac weyn oo dhanka dhismaha ah

Daaro dhaadheer ayaa la dhisayaa waxaana  qeybo badan oo magaalada ka mid ah dul suran wiishka guryaha lagu dhiso.

Suuqyada magaalada Muqdisho waa ay camiran yihiin waxaana ka jira ganacsi ku tarmaya xasiloonida magaalada.

Xeebta Liido waxaa isugu taga dadka aad u farabadan oo xiliyada fasaxa iyo  maalmaha nasiinada iyagu u soo baxa quruxda muuqaalka biyaha badweybta hindiya, kuna raaxeesanaya neecaawda macaan ee ka dhalata hirarka badda isdharbaaxaya.

Garoonka kubadda cagta ee Injineer.Yariisoow waxaa ka socda taranka kubadda cagta ee maamul goboleedyada dalka  halkaas oo kumanaan dadweyne ah ay u daawasho tagaan.

Dhamaan arrimahaas waxaa saldhig u ah amaanka oo ay heegan u yihiin ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Ciidanka waxaa mar kasta ku biira dhalinyaro ay ka go’antahay difaaca dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay howlgal qorshaysan

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika

-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Shirka maalgashiga qurbejoogta oo Muqdisho ka furmay

Shirka Isku-imaatinka Maalgashiga Qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa ka furmay maanta...

DHAMAYSTIRKA DASTUURKA WAA FURAHA XASILOONIDA DOWLADNIMADA

Qareen Mohamed Hassan Nur ayaa waxa uu ka qoray...