Madaxweynaha Jubbland oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe+(SAWIRRO).

Date:

Madaxwaynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo goordhaw gaaraya Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa waxaa kusoo dhaweeyay madaxwaynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo qaar ka tirsan labada golle ee Puntland.

Madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka soo kictimay magaalada Kismaayo  waxaana magaalada garoowe kaga qeyb-gali doono shirka uu machadka cilmi baarista ee Heritage ku qaban doono magaalada garoowe .

Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, xubno ka tirsan midowga musharraxiinta madaxwaynimo ee Soomaaliya, xildhibaanno isugu jira heer federaal iyo heer dowlad goboleed, siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan Ururada bulshada ayaa ka qeyb-gali doona shir,  kaasi oo muddo saddex maalin ah ka socon doona Magaalada Garoowe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...