Wasaaradda Ganacsiga oo kala dirtay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya

Date:

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Khaliif Cabdi Cumar ayaa maanta kala diray rugta ganacsiga iyo Warshaha, kaddib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.

Sababaha loo kala diray Maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomalaiya ayaa lagu sheegay dib u habeyn lagu sameeyo rugta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan ayaa sheegay in Wasiirka uu si KMG ah u magacaabay guddi ka kooban Guddoomiye, labo ku-xigeen iyo 30 xubnood oo matala ganacsatada Soomaaliyeed.

Guddiga KMG ah ayaa sii wadayo shaqada rugta ganacsiga inta laga diyaarinayo hannaan doorasho muddo ku siman 60 cisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....