Wasaaradda Shaqada XFS oo hirgelinaysa xarunta Hal abuurka Shaqada iyo Horumarinta Dhallinyarada+Sawirro

Date:

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta hal abuurka Shaqada iyo horumarinta dhallinyarada.

Xarunta oo laga dhagax-dhigay wasaaradda shaqada iyo srrimaha bulshada ayaa adeegyo wax-tar leh siineysa dhallinyarada Soomaaliyeed ,sida is waafajinta xirfadaha iyo tababarka shaqada.

“Xaruntan waxay albaabka u fureysaa in dhallinyarada Soomaaliyeed iyadoo ay ka helidoonaan goob ay ugu soo hagaagaan fursadaha shaqooyinka ee ka jira gudaha dalka, waxaa kalo ay xoojin doontaa Hal abuurka iyo horumarinta dhallinyarada .” ayuu yiri Wasiir Duraan oo intaa ku daray.”

“Dalkeenna wuxuu la tacaalaya shaqo la’aan, si taas xal loogu helo hadda waxaan diiradda saareynaa xirfadaha oo lagu horumarin doono dhallinyarada waxbarashada helay iyo kuwa aan fursadaa helin.” ayuu ku daray.

Munaasabadda dhagax-dhiga waxaa ka qeybgalay Sanetor Naciima Ibraahim Yusuf, Agaasimaha guud ee wasaaradda iyo Mudane Cali Cabdi Weheliye madaxa mashaariicda hay’adda Save the Children , oo ka caawinaysa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada howlgalinta xarunta Hal abuurka Shaqada iyo Horumarinta Dhallinyarada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...