Kulan looga hadlaayay Dar dargelinta arrimaha doorashooyinka oo laga Qabtay Magaalada Dhuusamareeb+(SAWIRRO).

Date:

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dib-uheshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  oo uu Hogaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Isaaq Maxamed Maxamuud.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee Wasaaradda arimaha gudaha Galmudug iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday Galmudug iyo dowladda Federaalka.

Wasiir ku-xigeeenka Wasaaradda arimaha gudaha iyo dib-u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka waramay ujeedka socdaalkooda inuu la xiriiray arrimaha doorashooyinka, waxaana uu sheegay in loo baahanyahay in la dadajiyo hawlaha doorashada.

Madaxwayne ku-xigeenka Galmudud mudane Cali Daahir Ciid oo shirka soo xiray ayaa ugu horayn soo dhaweeyay Wafdiga ka socda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hogaaminayo Wasiir kuxigeenka arimaha gudaha iyo dib-u-heshiisiinta Mudane Isaaq Maxamed Maxamuud, waxaa uuna ku dheeraday  muhiimadda doorashada,  u diyaar-garowga Galmudug ee ku aaddan howlaha doorashooyinka iyo daadajinta maamulka iyo dhismaha golaha deegaanka ee Degmooyinka Galmudug oo maraya meel wanaagsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...