Home Blog Page 773

Wasiirka cusub ee Cadaaladda XFS oo soo dhaweyn loo sameeyey+sawirro.

0

Maamulka Wasaaradda Caddaaladda XFS ayaa munaasabad soo dhaweyn iyo isbarasho isugu jirta ugu sameeyey Muqdisho Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Caddaaladda XFS, Mudane Mudane C/qaadir Maxamed Nuur(Jaamac)

iyadoo uu casha sharafta goobjoog ka ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caddaaladda, haatanna ah Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Avv. Xasan Xuseen Xaaji.

Waxaa sidoo kale, goobta joogay Agaasimaha guud, Agaasima Waaxeedyada iyo dhammaan la-taliyayaasha Wasaaradda Caddaaladda iyagoo u ballan-qaaday Wasiirka wada-shaqeyn wacan.

Soo dhaweyn iyo isbarasho kadib, Wasiirkii hore ee Wasaaradda ayaa hadal warbixin kooban iyo hambalyeyn isugu jira goobta ka jeediyey isaga oo sheegay in ay weli xil-wareejintu dhiman tahay oo ay u dhici doonto si rasmi ah xilliyada ugu dhaw, balse tan ay tahay casho sharaf isbarasho.

Waxaa sidoo kale, goobta ka jeediyey khudbad kooban Wasiirka cusub ee Wasaaradda Caddaaladda XFS Mudane, Abdulqaadir Maxamed Nuur isaga oo uga mahadceliyey dhammaan agaasinka sida wacan oo ay ku dheehan tahay niyad wanaagga ugu agaasimeen casho sharafeed, soo dhaweyn iyo isbarasho.

     

Wasiiru dawlaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka oo xilka la wareegay +Sawirro.

0

Wasiiru dawlaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Xasan Macallin Khaliif oo dhawaan Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay xilkaas ayaa kala wareegay xilka Wasiir dawlihii hore Mudane Cabduqaadir Sheekh Cali Baqdaadi, waxaana munaasabadda xil wareejinta goob-joog ka ahaa Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Mudane Xasan Macallin Khaliif Wasiir dawlaha cusub ee Madaxtooyada oo ka hadlay munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday Xafiiska Wasiir dawlaha ayaa si kooban uga hadlay qorshihiisa ku aaddan howlaha hortebinta leh ee Madaxtooyada Qaranka.

Dhankiisa, Wasiir dawlihii hore ee Madaxtooyada Mudane Cabduqaadir Sheekh Cali Baqdaadi ayaa ka warbixiyay shaqooyinkii muhiimka ahaa ee uu soo qabtay intii uu xilka hayey iyo kuwa horyaalla Wasiir dawlaha cusub. Waxa uuna ku booriyay sii amba-qaadidda howlaha culus ee harsan.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa bogaadiyay shaqooyinka uu soo qabtay Wasiir dawlihii hore, waxa uuna kula dardaarmay Wasiir dawlaha cusub dardargelinta howlaha dhiman.

Munasaabadda xil wareejinta waxaa ka qeyb galay wasiirka arrimaha Diinta iyo Awqaafta Mudane Cumar Cali Rooble, Wasiir Ku xigeenka Amniga Gudaha Mudane Caadil Sheegow Sagaar, Wasiir kuxigeenka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Marwo Xiis Xasan Aadan.

       

Wariye ka tirsan warbaahinta Qaranka oo ku guuleystay abaalmarinta sanadlaha ah ee Muqdisho.

0

Wariye Cabdulqaadir Ciise Cali oo ka tirsan warbaahinta Qaranka ayaa ku guulaystay caawa abaalmarinta sida sanadlaha ah loo bixiyo ee lagu abaalmariyo shaqsiyaadka iyo hay’adaha kale ee bulshada wax u qabtay, waxaana isaga lagu xushay hawlkarnimadii uu shaqada warbaahinta ka sameeyey 12-dii bilood ee ugu dambaysay.

Cabdulqaadir oo ah wariye si gaar ah uga soo warama arrimaha garsoorka ciidamada, islamarkaana tabiya warbixino maqal iyo muuqaal ah oo ah baaris uu ku sameeyey dhacdooyinka la dagaalanka Al-shabaab, hawlgallada ciidamada iyo ka digista dharaha xagjirka ayaa lagu bogaadiyey sida dhiirin ee arrimahaasi xasaasiga ah uu uga warramo.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda FS mudane Cismaan Abuukar Dubbe, wasiir ku xigeenka wasaaradda mudane Cabdiraxmaan Sh Yuusuf Al-cadaala, Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka iyo bahda saxaafadda ee kulanka ka soo qaybgalay ayaa u hambalyeeyey wariye Cabdulqaadir Ciise, waxaana ay ku booriyeen inuu sii wado shaqada adag ee uu dalka u hayo.

Abaalmarintan waxaa hore ugu guulaysatay wariye Nasra Bashiir Cali oo warbaahinta Qaranka ugasoo waranta xafiiska Ra’iisal wasaaraha dalka.

Wasiirka waxbarashada Galmudug oo booqday iskuulka Bangeelle oo dhawaan carruur ay ku geeriyoodeen+Sawirro.

0

Wasiirka waxbarashada Dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore oo socdaalka ku maraya qaar ka mid ah deegaanada Galmudug ee gobolka Galgaduud ayaa waxa uu maanta booqday iskuulka deegaanka Bangeelle oo dhawaan afar caruur ah ay ku geeriyoodeen kadib markii uu ku qarxay gumac ka haray dagaaladii sokeeyay ee dalka ka dhacay

“Waxaan saakay ku jarmaadnay Bangeelle oo dhawaan afar caruur ah oo waxkabarta iskuulka Bangeelle uu Gumac ay garaacayeen ku qarxay,waxaana ujeedka safarka uu ahaa inaan xanuunka iyo tiiraanyada la qeybsanno shacabka Bangeelle gaar ahaan qoyasaskii ay dhibaatadu sida gaarka ah ugaartay.

“Bangeelle waa goob hadda barwaaqo ah oo xalay ay seymo roob daad-xoor ku reebeen,waxaana banka udhexeeya Xananbuure iyo Bangeelle ku sii marnay geel gelgelin ka celin ah iyo awr sabar yarowday oo dhibida iyo Jidirta kutaal ay dugul madow tahay, sidoo kale lo’ irmaan ah iyo Sumal idaad oo xamil lagu xanibay ayaa wada daaqayay Banka.

Sidoo kale wasiirka waxbarashada Galmudug mudane Maxamed xaashi dhoore ayaa bulshada deegaanka Bangeelle u balan qaaday in kor loo qaadayo wacyigalinta ardyada deegaanka .

“Waxaan bulshada reer Bangeelle si gooni ah ugu ballan qaadnay sameynta wacyigelin iyo talooyin muhiim ah oo ardayda laga siinayo iskuulada Bangeelle iyo guud ahaan Galmudug ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiirka waxbarashada Galmudug Mudane Maxamed Xaashi dhoore.

    

Wasaaradda Beeraha XFS oo Tabobar u furtay qaar ka mid ah shaqaalaheeda+sawirro.

0

Wasaaradda Beeraha iyo waraabka Soomaaliya ayaa tababar ku saabsan Hay’adda adeegyada baritaanka iyo sharciyeynta beeraha Soomaaliyeed u furtay xubno ka kala socday wasaaradda iyo kuwa maamul goboleedyada

Aqoon kororsigan oo ay ka qeyb galeyn Qaar kamida masuuliyiinta  iyo shaqaalaha wasaaradaha beeraha ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed  ayaa u jeedkiisu ahaa sidii xog is weedaarsi iyo fahan fiican looga heli lahaa shaqooyinka ay qaban doonto Hay’adda adeegyada baaritaanka iyo sharciyeynta beeraha Soomaaliyeed oo ay diyaarisay wasaarada beeraha Soomaaliya hadana sharcigeedu horyaalo xildhibaanada golaha shacabka oo marsiiyay aqriska koowaad.

Agaasimaha Qorsheynta iyo siyaasadda ee wasaaradda beeraha Soomaaliya Maxamuud Yaasiin Cartan ayaa sheegay in tababarkan uu muhiim yahay isla markaana loo baahanyahay inay si wadjira uga faaiideystaan xubnaha ka kala socda Wasaarada beeraha ee federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Wasiir ku xigeenka wasaarada beeraha iyo waraabka Soomaaliya Xaamuud Cali Xasan oo tababarka furay ayaa xusay in Hay’adda adeegyada baritaanka iyo sharciyeynta beeraha ay muhiimad weyn u leedahay dalka maadama ay  sahli doonto In la koontaroolo cuntada dalka soo gasha iyo kuwa ka baxa intaba.

          

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur galbeed oo gaaray magaalada Xudur+Sawirro.

0

Wafdi oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya Dr.Cali Siciid Fiqi ayaa gaaray magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool.

Wafdigan  ballaaran oo ka koobnaa xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowlad goboleedka koofur galbeed ee uu horkacayey guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka konfur galbeed Soomaaliya Dr.Cali Siciid Fiqi waxa si diiran garoonka ugu soo dhoweeyey xildhibaanno, maamulka gobolka bakool maamulada degmooyinka iyo bulshada inteeda kale.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa salaan gacan qaad ah la dhexqaaday bulshadii soo dhoweyntiisa ka qeyb qaadatay intaa ka dib guddoomiyaha iyo wafdigiisa waxa loo galbiyey xarunta madaxtooyada koofur galbeed.

      

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Puntland+Sawirro.

0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta  oo axad ah furay Kal-fadhiga 47-aad ee golaha wakiillada Dowlad goboleedka Puntland.

Madaxweynaha oo khudbad muhiim ah ka jeediyey furitaanka kal-fadhiga ayaa beyaamiyey in xukuumaddu guulo muhiim ah ka gaartay amniga, Arrimaha Gudaha iyo dimuquraadiyad, Arrimaha Siyaasadda, Horumarinta Dhaqaalaha, Arrimaha bulshada tayeynta adeegyada iyo horumarinta kaabayaasha.

Furitaanka Kal-fadhiga waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, iyo Ku-xigeenadiisa, Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka koonfur Galbeed Mudane Maxamed Nuur Macalin, Xildhibaanada golaha wakiillada Puntland, saraakiil Madaxtooyo iyo marti sharaf kale.

                  

Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo la kulmay Madaxwaynaha maamulka Galmudug.

0

Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya S/gaas.Cabdi Xasan (Xijaar) ayaa goor dhaw gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug waxaana xafiiskiisa ku soo dhaweeyay madaxwaynaha Galmudud  Axmed Cabdi Kaariye (qoor-qoor).

Taliye Xijaar ayaa safarka ujeedkiisu waxa uu ahaa kormeerka xaruumaha ciidanka Booliiska, waxaana uu booqan doonaa dhaaman xaruumaha ciidanka Booliiska ay ku leeyahiin maamulka Galmudug.

S/Gaas Cabdi Xasan (Xijaar) ayaa dhawaanahaan waday dadaallo lagu hormarinayo ciidanka Booliiska waxa uuna booqanayay xaruumaha ciidanka Booliiska ee gobollada dalka.

Heshiis nabadeed oo beelo walaala ah ku dhexmaray Matabaan.

0

Saraakiisha Ciidamada Booliska dagmada Mataban iyo Galmudug ayaa ka qayb galay heshiis nabadeed oo ay deegaanka bacda ee duleedka Matabaan ee gobolka Hiiraan ku gaareen beelo halkaas wada-dega.

Maleeshiyaad ka soo kala jeeda beelaha heshiiska gaaray ayaa maalmo ka hor iska horimaad sababay dhimasho waxaa ay ku dhaxmaray deegaanka bacda ee duleedka Matabaan, waxaana markii dambe kala dhex-galay ciidanka Xoogga dalka.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in mudo bil ah lagu bixiyo diyada dadkii ku dhintay dhacdooyinkii dhacay todobaadkii hore, sidoo kale odayaasha labada dhinac iyo laamaha amniga ayaa ku ballamay in la ilaaliyo nabadda oo laga fogaado wax kasta oo keeni kara in ay soo laabtaan dilalka la xiriira aanooyinka qabiil.

Saraakiisha ka socotay ciidamada Booliska  ee dowlad gobaleedyada Galmudug iyo Hir-shabeelle ayaa faray labada dhinac inay dhaqan galiyaan hishiiska ay gareen, islamarkana dadka daggan degaannada lagu dagaalamay ay nabad kuwada noolaadaan.

Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo gaaray caasimadda Galmudug.

0

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Booliiska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa goordhaw  gaaray magaalada Dhusamareb, waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhusamareeb ku soo dhoweeyay saraakiisha ciidamada Booliiska ee ka howlgala Galmudug .

Taliyaha ayaa salaan ka qaatay ciidamada Booliiska ah ee halkaasi ku sugnaa kana qaybqaadanayey soo dhowaynta taliyaha iyo wafdigiisa.

Taliyaha ayaa waxa uu kulan la qaadan doonaa madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, booqashada Taliyaha Booliiska Soomaaliya ayaa waxay qayb ka tahay Kormeerka rugaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo xaqiijinta amniga magaalooyinka dhawaan lagu qaban doono doorashooyinka dalka.