Home Blog Page 773

Maxamed Ibraahim Macallimuu oo loo magacaabay Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu u magacaabay Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Maxamed Ibraahim Macallimuu kula dar daarmay in uu si hagar la’aan u guto waajibaadka loo idmaday.

Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa ah suxufi rug caddaa ah oo in badan ka soo shaqeeyay Warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay ee gudaha iyo dibadda, isla markaana xoghaye ka ahaa urur u dooda xaquuqda suxufiyiinta.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo kormeeray xarunta hay’adda bisha cas+(SAWIRRO).

0

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta caafimadka bisha-cas xafiiskeeda Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareb.

Kormeerka Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug waxaa ku wehliyay Wasiirka Cadaaladda Galmudug, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimadka Galmudug,  Maamulka caasimadda iyo agaasimaha guud ee Madaxtooyada Galmudug.

Mudane Cali Daahir Ciid ayaa indha-indheyn iyo kormeerka kadib saraakisha caafimadka bisha-cas ka dhageystay shaqada ay bulshada gobalka u hayaan iyo baahidooda, waxaana uu Madaxweyne ku-xigeenku  ballan-qaaday in bisha-cas lagu wareejin doono xarunta ay hadda ku shaqeyso oo ay hore u lahayd maxkamadda Racfaanka si loogu adeego bulshada.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in maxkamadda racfaanku la siinayo dhulkale oo ay dowladdu ku wareejin doonto.

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2021.

0

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay yeesheen waxay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Dowladda ee 2021.

Kulanka ayaa waxaa shir-guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, waxaana  ansixinta Miisaaniyadda Dowladda 2021 u codeysay 145-mudane, mana jirin Xildhibaan ka aamusay ama diiday.

Mudanayaasha ayaa shalay akhrinta labaad marsiiyay miisaaniyadda Dowladda ee 2021-ka, iygaoo ugu dambeyn maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay.

 

Ra’iisal Wasaare Rooble oo Dr. Maxamed Ibraahim Nuur u magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta u magacaabay  Dr. Maxamed Ibraahim Nuur in uu noqdo xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaare Roooble ayaa kula dardaarmay xoghayaha cusub Dr Maxamed inuu dardar geliyo shaqada loo idmaday ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Askar ka tirsan Ciidamada dalka Uganda ee qeybta ah howlgalka nabad ilaalinta midowga afrika ee soomaaliya Amisom ayaa la gudoonsiiyay bilado iyo shahaadooyin ay ku muteysteen shaqada adag oo ay ka hayaan xasilinta soomaaliya+(SAWIRRO).

0

Munaasabad ka dhacday xarunta Amisom ee magaalada Muqdisho ayaa xubno ka tirsan cotobka 28 ee ciidanka Uganda ee Amisom qeybta ka ah waxaa shahaadooyinka iyo biladaha gudoonsiiyay taliyaha guud ee Amisom r. Lt. Gen. Diomede Ndegeya waxaana goob hoog ka ahaa taliyaha ciidanka Uganda ee Amisom Brig. Gen. Don William Nabasa..

Ciidanka ayaa dhameystay shaqadii Amisom ee ay soomaaliya ka hayeen waxaana lagu badali doonaa qeyb cusub oo qeyb ka qaadan doona howlgalka Amisom ee soomaaliya.

Taliyaha Amisom Lt. Gen. Ndegeya ayaa amaanay shaqadii ay qabteen cotobka 28-aad mudadii ay soomaaliya joogeen .

Ciidankan ayaa qeyb ka ahaa qabashada magaalooyinka Janaale iyo Awdhiigle ee gobalka shabeelaha hoose .

Cutubkan shaqada dhameystay ayaa soomaaliya joogay hal sano iyo bar waxaana sida sharciga Amisom uu yahay badali doona cutub cusub oo kale.

Guddiga doorashooyinka heer federaal oo sheegay inuu isbedel ku yimid jadwalka doorashooyinka Golaha Aqalka Sare.

0
Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal (GHDHF) wuxuu daneeyeyaasha arrimaha doorashooyinka ku wargelinayaa in isbaddal uu ku yimid jadwalka doorashooyinka Golaha Aqalka Sare ee horey loo qorsheeyey in ay bilaabmato 31ka Diseembar 2020 ilaa 6da Jannaayo 2021.
Guddigu waxa uu la wadaagayaa Madaxda Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka in qabashada codsiyada murashixiinta Golaha Aqalka Sare ay ku egtahay 5ta Jannaayo 2021, halka tartanka kuraasta Aqalka Sare loo asteeyay in la qabto inta u dhaxaysa 7-14 Jannaayo 2021.
Isbaddalka jadwalkan wuxuu ku saleysan yahay codsi Guddiga Doorashooyinka uga yimid Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku aaddan in muddadaa dib loo dhigo waqtiga loo asteeyey Doorashada Aqalka Sare.
Muddadaas waxaa lagu dhammeystirayaa hawlaha qabyada ah ee dhanka qabashda codsiyada murashixiinta iyo diyaarinta agabyada iyo deegaanka ay ku shaqeynayaan Guddiyada Maamulaya Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.
Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxa uu uga mahadcelinayaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada tixgelinta ay siiyeen codsiga Madaxweynaha Galmudug.

Xubno ka tirsan Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo kormeeray Gaadiidka booliska+(SAWIRRO).

0

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal iyo xubno ka tirsan Guddiga Amniga Doorashooyinka ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Gaadiidka Booliiska, halkaas oo loo asteeyay in lagu qabto doorashooyinka kuraasta Labada Aqal ee Somaliland iyo Banaadir.

Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd qiimeyn ay guddiga ku sameynayeen xarunta Gaadiidka Booliska oo la qorsheynayo in lagu qabto doorashada kuraasta labada Gole ee dowladda, gaar ahaan Somaliland iyo Banaadir.

Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda ugu jirto dardargelinta hannaanka doorashooyinka, maadaama dhawaan uu guddiga soo bandhigay Habraacyada Doorashooyinka 2020/21 ee Aqalka Sare.

Xulka Banaadir oo u soo gudbay kulanka kama dambeysta ah ee tartanka maamul Goboleedyada+(SAWIRRO).

0

Kulanka ka tirsan tartanka kubadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo ka soconaya magaalada Muqdisho, isla markaana ah kulanka afar dhamaadka ee tartanka ayaa waxaa galabta foodda is daray xulalka kubadda Cagta Banaadir iyo Koonfur Galbeed, kaasi oo ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Eng, Yariisow.

Cayaarta oo ay u soo daawasho tageen dad weyne aad u fara badan oo ka kala yimid 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir, isla markaana kala taageerayay labada Xul ee Banaadir iyo Koonfur Galbeed, isla markaana sitay hal ku dhigto ayaa muujiyay sida ay u taageersanyihiin tartamada nuucaani oo kale ah ee la xiriirta isdhexgalka bulshada.

Labada xul ayaa soo bandhigay cayaar aad u xiisa badneyd oo ay ku qanceen dhamaan dadkii u soo daawasho tagey garoonka oo ahaa mid aad loo soo camiray, waxaana cayaarta daqiiqaddii 41aad gool u dhaliyay xidiga N0, 11aad ee xulka Banaadir Nageeye Deeq, iyadoo qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay la yimaadeen Xulka kubadda cagta Banaadir oo ah marti geliyaasha koobka.

Daqiiqaddii 58aad Ibraahim Ilyaas oo Xulka Banaadir u wata N0. 28aad ayaa u dhaliyay goolka labaad ee ay la yimaadeen Xulka Banaadir, balse daqiiqaddii 63aad Maxamuud Ibraahim oo N0: 20aad wata ayaa gool u dhaliyay xulka Koonfur Galbeed, kaasi oo cayaarta ka dhigay 2-1.

Cayaarta oo ahayd weerar iyo weerar celis ayaa daqiiqaddii 82aad Idiris Maxamed Bilaal oo ka tirsan Xulka Banaadir waxa uu cayaarta ka dhigay 3-1, waxaana cayaarta ay ku soo idlaatay 3-1 oo ay guusha ku raacday Xulka kubadda caggta ee Banaadir, waxaana ay u gudbeen cayaarta kama dambeysta ah oo ay isku arki doonaan Xulka Galmudug.

Wasiirka Maaliyadda oo saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay kala hadlay qarashaadka ku baxaya doorashooyinka+(SAWIRRO).

0

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa shaaca ka qaaday in aaladda fogaan aragga ay shir kuwada qaateen mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay, kaasi oo ay kaga wada hadleen dar dargelinta hannaanka doorashooyinka ee dalka iyo inay ka qeyb qaataan qarashaadka ku baxa doorashada.

“Waxa aan shir muhiim ah oo ku saabsan Qarashaadka ku baxaya Doorashooyinka Qaranka la yeelanay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay, iyadoo ay shirka igu wehlinayeen qaar ka mid ah madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dalka, waxaa naga go’an in aan si wadajir ah uga wada shaqeyno howlaha lagu Horumarinayo hannaanka Dowladnimada”.ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiir Beyle ayaa xusay in Madaxda Wasaaradda Maaliyadda dalka ay ka go’antahay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo dadaallada lagu horumarinayo hannaanka dowladnimada dalka.

Booliska oo gacanta ku dhigay nin lagu tuhmayo in uu ka dambeeyay fal dil ah oo ka dhacay Caabudwaaq+(SAWIRRO).

0

Taliska booliska Degmada Caabudwaaq ayaa gacanta ku soo dhigay nin lagu tuhmayo in uu ka dambeeyay falkii dilka ahaa ee loo geystay marxuum Ubax Maxamed Yaxye oo ahayd Hooyo uur saddex bilood ah leh, taasi oo lagu gowracay duleedka Waqooyi ee degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada ayaa ku guuleystay in howlgal ay sameeyeen kaddib ay gacanta ku soo dhigaan eedeysanaha lagu tuhmayo in uu ka dambeeyay falka dilka ah, isla markaana ay cadaaladda horgeyn doonaan baarista kaddib.

Ehelka gabadha la dilay ayaa  Warbaahinta u sheegay in dilka ka hor la kufsadey, waxaana hadda socda baaris ay wadan dhaqaatiir caafimaad iyo saraakiil ka tirsan laanta dambi baarista CID ee degmada Caabudwaaq.