Home Blog Page 757

Shir weynaha haweenka Soomaaliyeed oo maanta lagu qabtay Muqdisho+(SAWIRRO).

0

Caqabadaha ku hor gudban ka qeybgalka haweenka ee doorashooyinka soo aadan iyo muhiimadda ay leedahay in la dhowro qoonddada dumarka ee kuraasta labada aqal ee baarlamaanka dalka ayaa lagu soo bandhigay shirweynaha haweenka Soomaaliyeed ee u qareemidda qoondada dumarka 30% ee  labada aqal ee BFS.

Shirka oo ku qabsoomay masraxa qaranka ayna goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ay ka mid yihiin guddoomiyaha golaha shacabka , ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo boqolaal kamid ah haween weynah Soomaaliyeed oo ka kala yimid gobolada dalka oo wasaaradda haweenka ku casuuntay ka qeybgalka shirkan.

Dhammaan mas’uuliyiinta ka hadashay madasha oo ay kamid yihiin wasiiro, xildhibaano, guddoomiyaal iyo u ololeeyeyaasha xuquuqda dumarka Soomaliyeed  ayaa wadajir usoo dhaweeyeen dadaalada ay wado wasaaradda haweenka XFS ee ku aadan xaqiijinta qoonddada 30% ah ee haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin baarlamanka dalka.

Xaniifa Maxamed Ibraahim, wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in u jeedka shirkan loo qabtay ay tahay sidii loo ilaalin lahaa saamiga haweenka ay ku leeyihiin kuraasta golaha sharci dejinta dalka.

Mahdi Maxamed Guuleed ra’iisulwasaare ku xigeenka XFS ayaa tilmaamay in dowlada federaalka ay ka go’an tahay ilaalinta xaqa hablaha Soomaaliyeed u leeyihiin ka qeybgalka siyaasada dalka.

Maxamed Mursal Sheekh Cabduraxmaan Guddoomiyaha golaha BFS oo wasaaradda haweenka ku bogaadiyay mas’uuliyadda ay iska saartay ilaalinta xuquuqda haweenka Soomaaliyeed ayaa sheegay in guddoonka golaha shacabku garab taagan yihiin in haweenka fursad loo siiyo ka qeybgalka siyaasadda.

Shirka waxaa laga soo saaray war murtiyeed, qodobadii ku jireyna kamid ahaayeen in baarlamaanka 11-aad ee dhawaan la soo dooranayo 30% noqdaan haween.

In 50%  laga dhimo haweenka u sharaxan kuraasta labada aqal ee baarlamanka. In kuraasta loo qoondeeyay dumarka aysan kula tartamin ragga.

Shirkan wuxuu ahaa kii ugu horeeyay oo noociisa ah, oo wasaaraddu u qabato haweenka Soomaaliyeed, waxaana lagu casuumay dhammaan wasaaraddaha haweenka ee dowlad goboleedyada, ururada arrimaha haweenka u ololeeya.

Mas’uuliyiinta shirweynaha haweenka Soomaaliyeed ka qeybgashay waxaa kamid ahaa, ku guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Aqalka sare, Mowliid Xuseen Guhaad, wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya, Khadiija Maxamed Diiriye, xildhibaano ka tirsan labada aqalka ee baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka shaqada ee Xukuumadda Soomaaliya oo Dhuusamareeb kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan+(SAWIRRO).

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Faarax oo ku sugan xarunta Dawlad-gobolleedka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa kulan wax ku ool ah la yeeshay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Galmudug ,Yaxye Xiish Xuseen , Ku-xigeenkiisa Maxamed Nuur Diini iyo sarkaalka xiriirka Galmudug ee Baxnaano iyo mashruuca ka jawaabaya saameynta Ayaxa, Asma Saciid Cali.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa awoodda wada shaqeyn iyo isku dubaridka barnaamijyada Dawladda sida Barnaamijka caawimaada Qaran ee Baxnaano oo qeyb ka ah siyaasadda Ilaalinta Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya.

Imtixaanka Garsoorayaasha Galmudug oo la daah furay+(SAWIRRO).

0

Madaxwayne ku-xigeenka Dowladda Galmudug mudane Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa si wadajir ah u daah-furay Imtixaanka Garsoorayaasha Galmudug.

Munaasabaddan furitaanlka imtixaanaadka laamaha Garsoorka waxaa goobjoog ka ahaa xeer ilaaliyaha Guud, Wasiirada Wasaaradaha arrimaha Gudaha, Cadaaladda iyo Amniga, xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda iyo hawlwadeeno tirsan waaxda imtixaanaadka ee Garsoorka dalka iyo waaxyaha caddaaladda Galmudug.

Wasaaradda Caafimaadka Koofur Galbeed oo agab looga hortago COVID-19 kala wareegtay AMISOM+(SAWIRRO).

0

Daawadaan oo ka kobneyd nuucyo kala duwan oo loogu talagaley in lagula tacaalo Cudurka Safmarka ee COVID-19 iyo Cuduro kale ayaa waxaa Ciidanka AMISOM qeybta 3-aad ay maanta ku wareejiyeen Wasaaradda caafimaadka ee Koonfur Galbeed.

Goobta Wasaaraddu ay kula wareegeysey dawada ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Mudane Maxamed Cusmaan Jiidow, qaar Ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda iyo saraakiil caafimaad oo ka tirsan hool-galka AMISOM.

Saraakiisha AMISOM ee dawada Wasaaradda ku wareejinayay oo goobta hadal ka jeediyey ayaa waxaa ay sheegeen in mar walba ày diyar uyihiin inay ka jawaabaan baahiyaha bulshada Soomaaliyeed tana ay ka mitahay waajibaadka ka saaran shacabka ay u adeegaan

Saharo Cabddiraxamaan Maxamed oo kamid ah shaqaalaha Wasaaradda iyo Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Koonfur Galbeed Maxamed Cusmaan Jiidow ayaa si iskumid ah uga mahad celiyey ciidanka howl-galka AMISOM, waxaana ay balan qaadeen in ay gaarsiin doonaan goobihii looga talagaley.

Waaradda caafimaadka koonfur Galbeed ayaa dadaal dheer ugu jirtaa sidii adeegyo caafimaad loo gaarsiin lahaa bulshada koonfur Galbeed, tanina waxa ay qeyb ka tahay dadaallada Wasaaraddu ay ugu jirto in kor loo qaado bixinta adeegyada bulshada.

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo sagootiyay ciidan tababar loogu qaaday Turkiga+(SAWIRRO).

0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa Muqdisho ka Sagootiyay cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Gor Gor oo tababar ku soo qaadan doona dalka Turkiga.

Waxaana dhanka kale, wasiirka Difaaca uu soo dhaweeyay Saraakiil  iyo Saraakiil Xigeenno loo soo tababaray hoggaaminta ciidamada.

Soomaaliya ayaa waxay xiriir diblomaasiyadeed oo adag la leedahay Dowladda iyo Shacabka Turkiga, waxayna xukuumadda Ankara kaalin weyn ka qaadataa dhismaha iyo tayeynta ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

UK oo galeysa xayiraad cusub oo karoonaha la xiriirta kadib markii ay badatay tirada dadka uu cudarka soo ridanayo

0

16 bishaan December oo ku beegan arbacada waxaa qeybo ka mid dalka UK oo ay ku jirto magaalada caasumada ee London ka dhaqan galaya xayiraad cusub oo looga gaashaamanayo cudurka karoonaha oo dadka tarab tarab u soo ridanaya.

Isbuucii ugu danbeeyay oo kaliya waxaa xanuunka karoona UK ugu dhintay 2,984 qof halka uu haleelay 131,708 qof.

Xayiraadan cusub ayaa saameyn doonta goobaha dadku ku kulmaan sida maqaayadaha iyo meelaha lagu caweeyo.

Waxaa sidoo kale la xiri doonaa tukaamada aan iibin waxyaabaha daruuriga ah .

Guud ahaan UK waxaa cudurka Karoona ugu dhintay 64,170 qof waxaana uu ku dhacay 1.85 malyuun oo qof .

Waxaa isbuucii hore UK laga bilaabay talaalka feyraska karoonaha balse waxa ay saraakiisha caafimaadka sheegeen in talaalku si tartiib ah ku socdo halka faafinta cudurkana ay sii xoogeysaneyso loona baahan yahay in la hakiyo

Madaxweynaha Shiinaha oo ka hadlay xoojinta xiriirka 60 jirsaday ee Soomaaliya kala dhexeeyo.

0

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Madaxweynaha Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed si loo xoojiyo iskaashiga laba geesoodka ah ee ku saabsan istiraatiijiyad horumarineed ee kaabayaal caalami si ay uga faa’iideystaan ​​dadka labada dal.

Mr Xi Jinping ayaa hadalkan ka sheegay isweydaarsiga dhambaallada hambalyada ah ee uu u diray dhigiisa Soomaaliya oo loogu dabaal degayay sanad-guurada 60-aad ee ah xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal ka dhexeeya.

Munaasabad lagu weyneynayay xoojinta xiriirka 60 sano jirsaday ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, kaasi oo ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo si weyn loogu soo dhaweeyey Galmudug+(SAWIRRO).

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa si diirran u soo dhaweeyey Madaxda Dowlad Gobolleedka Galmudug mas’uuliyiin iyo dadweyne kale.

Safarkan uu ku yimid Ra’iisul Wasaare Rooble magaalada Dhuusamareeb ayaa qeyb ka ah socdaal uu ku marayay Dowlad Gobolleedyada oo diirradda lagu saarayay wadashaqeynta iskaashiga dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, arrimaha doorashooyinka, amniga, horumarinnta adeegyda bulshada iyo qodobbo kale.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inta uu joogo deegaannada Galmudug inuu latashiyo kala duwan la sameynayo madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si loogu kaabo dowlad dhisidda iyo adkeynta isku xirka hay’adaha Federaalka iy dowlad gobolleedka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo shacabka Galmudug soo dhaweynta diirran ee loo sameeyey, wuxuna sheegay in Xukuumaddiisu ahmiyadda koowaad siinayo sidii bulshada loogu dhaweyn lahaa dowladnimada.

Wasiirka Arrimaha gudaha oo heshiisiiyay labo beel oo walaalo ah.

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Mukhtar Xuseen Afrax ayaa maanta isku keenay laba beelood oo wax kale tabanayay oo kuwada nool Gobolka Hiiraan.

Odayaasha labada beelood  oo kulanka ka hadlay ayaa waxa ay balan qaadeen in ay diyaar u yihiin in ay si nabad ah uga heshiiyaan colaadii iyo waxyaabihii labada beel kala dhexmaray dhawaanahan.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan iyo waxgarad kale oo ka tirsan labada beelood ee walaalaha ah.

Hawshaan dib u heshiisiinta  lakala dhexdhigay beelaha walaalaha ah ee wada dagan Gobolka Hiiraan waxa ay qeyb ka tahay da’daallada nabadda iyo Dib u heshiisiinta oo dhawaanahan Wasiirku uu ka waday Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Wasiirku waxa uu baaq nabadeed u diray beelo walaalo ah oo colaad ku dhexmarayso deegaanno u dhaw degmadd Matabaan ee Gobolka Hiiraan, isagoo ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu joojiyo colaadda wadahadal degdeg ahna la isgu yimaado sida ugu dhaqsiyaha badan.