Home Blog Page 757

Wasiirka Qorsheynta JFS oo la kulmay Guddiga Maaliyadda iyo Qorsheynta Golaha Shacabka+(SAWIRRO).

0

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan lagu turxaan bixinayey Sharciga hay’addaha aan dowliga aheyn la qaatay guddiga maaliyadda iyo qorsheynta Golaha shacabka barlamaanka federaalka Soomaaliya.

Kulankaan oo  lagu turxaan bixinayay sharciga hay’addaha aan dowliga ahayn, Wasiirka qorshynta maal-gashiga iyo horumarinta dhaqalaha iyo howl-wadeenada wasaaradda la qaatay guddiga maaliyadda, qorsheynta iyo la xisaabtanka hay’addaha aan dowliga ahayn  ee horyaalo golaha shacabka.

Guddiga iyo wasaaradda ayaa si qoto dheer u eegay turxaan bixinta sharciga hay’adaha aan dowliga ahayn, Agaasimaha xalka –waara ee wasaaradda Qorsheynta Marwo Sahra Cabdi Maxamed ayaa guddiga u sharaxday qeybaha sharciga uu ka kooban yahay iyo muhiimada ku dul xusan ee faa’iidada u leh dalkeena.

Guddoomiyaha guddiga maliyadda, qorsheynta iyo la Isxaabtanka hay’yaddaha aan dowliga ah, Marwo Aaamino Shiekh Cusmaan  ayaa boggaadisay wasaaradda hanaanka ay u diyaarisay sharcigan, ayna diyaar u yahiin waajibaadkooda  dastuuriga  si ay gutaan sharciga isla amarkaana golaha shacabka u ansixiyaan.

Wasiirka wasaaradda qorsheynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha  Danjire Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka jawaabay su’aalo ay soo jeediyeen xildhibaanada oo ku aadanaa sharciga oo sharaxad dheeri ah la wadaagay sharciga isla amrkaana qiray in dowladda iyo umadda Soomaaliyeed ahmiyadd weyn ugu fadhiyo Sharcigan.

“‘hadda waxaa gacanteena ku jiro mustaqalka umadda iyo wadanka tasoo ah in manata gacanta ku hayno sharcigii horumar gaarsiin lahaa, dakhliga dowladana kobcinayo, fursado shaqano u abuurayo dadkeena oo shaqa la,aan ahayso, sidoo kale waxa uu sharcigan si cad u qeexayaa in la ogaado hay’add walbo waxa ay qabanayso iyo meelaha ay ka shaqeyso waqti walbo ayuu horseedayaa sharcigan”.

  

Taliska Howlgalka AMISOM oo kulan ka yeeshay Ammaanka Doorashooyinka Dalka+(SAWIRRO).

0

Taliyaha guud ee ciidanka Amisom ,sareeye guud Diomede Ndegeya, ayaa maanta kulan la qaatay saraakiisha lixda qeybood ee Amisom kaasi oo ay uga wada hadleen arrimo badan oo qeyb ka ahaa xoojinta amniga maadaama ay qeyb ka yihiin la dagaalanka argagixisa.

Kulanka oo ay hanaanka muqaal-fog araga dhanka internetka uga qeyb galeen lixda taliye  qeybaha Amisom ayaa looga hadlay qorsheynta hanaanka dib u qaabeynta howlgalka Amisom iyo sidii loo meel marin lahaa qorashayaasha lagu kaabayo hanaanka la dagaalanka maleeshiyaadka al-shabaab.

Saraakiisha ayaa  sidoo kale kulanka ay uga hadleen  talaabooyinka dhanka amaanka la xiriira kuwaas oo loogu talo galay doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya .  Ciidanka Amisom ee jooga Soomaaliya waxay kaalin weyn ka qaataan la dagaalanka argagaxisada iyaga oo garab ka helaya xoogga dalka Soomaaliya.

Wasaaradda Haweenka oo Tababar ku aadan Ciribtirka Gudniinka Fircooniga maanta ka furtay Muqdisho.

0

Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul insaanka JFS ayaa Maanta tababar ku aadan ciribtirka Gudniinka Fircooniga iyo u qareemida Ansixinta sharciga Gudniinka gabdhaha u qabatay xubno ka socday Maamul-goboleedyada dalka qaar ka mid ah Ururada bulshada iyo xubno ka socdey Wasaaradaha Dowlada Federalka.

Shariif Maxamed Cumar oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dhibaatada Gudniinka Fircooniga uu gabdhaha u geysto iyo waxa ay shareecadda islaamku ka qabto, waxuuna cadeeyay in gabi ahaanba aysan ogoleyn shareeca Islaamka loona baahanyahay in laga hortago Dhinaca caafimaadkana dhibaato weyn uu u geysto gabdhaha Soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeenka wasaraadda haweeenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka JFS Xiis Xassan Aadan oo furtay tabarka ayaa sheegtey in Wasaaraddu ay dadaal ugu jirto ka hortaga gudiinka fircooniga iyo ansixinta sharciga gudniinka gabdhaha.

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ayaa wada qorsho looga hortagayo qatarka Gudniinka Fircooniga oo sameyn balaaran ku yeeshay nolosha gabdhaha Soomaaliyeed.

Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo war qoraal ah ka soo saaray Xaalada dalkaasi.

0

Ra’isulwasaaraha itoobiya Abiy Ahmed ayaa saakay bartiisa Twiterka ku qoray qoraal kooban oo uu kaga hadlayo xaalada gobalka tigreega ee waqooyiga itoobiya halkaas oo maalinkii totobaad ay ku dagaalamayaan ciidanka dowlada federaalka iyo Jabhada TPLF.

Qoraalka ayaa sidaan u dhignaa.

Howlgalkeena fulinta sharciga ee Tigray waxay u socdaan sidii loo qorsheeyay.

Howlgalka dhaqso ayuu u joogsanayaa marka hubka laga dhigo kooxda danbiilayaasha ah, maamul sharci ahna gobalka lagu soo celiyo oo la qabto kuwa baxsad ah islamarkaana la keeno cadaalada.

Dhamaan arimahani si dhaqso ah ayeey ku imaanayaan oo lagu gaarayaa.

Wasiirku-Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, JFS oo kulan la qaatay Maamulada Dugsiyadda ay gacanta ku hayso Dowlada Federalka.

0

Wasiirku-Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa maanta kulan la qaatay Maamulayaasha Dugsiyada ay wasaaradda gacanta ku heyso.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Marwo Nuuriya Aadan Ciise, Agaasimaha Guud Wasaaradda Mudane Axmed Xasan Yuusuf iyo Agaasimaha Dugsiyada.

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud (Jaabiri) ayaa xubnaha ka socday dugsiyada ay maamusho dowladda kulanka ugu dhageystay tayeenta waxbarashada iyo dar dar galiyo Horumarinta Waxbarashada.

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta macalimiinta Soomaaliyeed, si loo horumariyo waxbarashada.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka JFS iyo Hay’adda UNHCR oo ka wada hadlay Arrimo badan oo ay ka mid tahay u gargaarida Dadka bacakacayaasah.

0

Kulan fogaan arag ah oo dhexmaray wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Mareeynta masiibooyinka XJFS Xil. Khadiija Maxamed Diiriye iyo masuuliyiinta UNHCR oo ku aadanaa arrimaha bini’aadanimo ee Soomaaliya ayaa lagu gorfeeyay arrimo ay ka mid yihiin Qaxootiga, Barakacayaasha, Roobka Deyrta iyo Raadadkii ay reebeen fatahadihii dalka ka dhacay.

Madaxda UNHCR ayaa tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay hirgelinta sharciga dhowrayo barakacayaasha, waxa ay xuseen in ahmiyad gaar ay u leedahay wasaaradda Gargaarka iyo Mareeynta Masiibooyinka.

“UNHCR waxaan isla garanay in daryeel dhab ah la siiyo dadka banaanka joogo ee xaalad walba u nugul waqtigan Dowladda Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa cid walba oo kala qeyb qaadaneyso daryeelka dadka Soomaaliyeed, Weli waxaa muuqdo raadadkii fataahaadda, Roobkii Deyrta ayaa lagu guda jiraa, iyadoo qaar badan oo dadkeena ah ay wajahayaan xaaladdo adag.” ayay tiri Wasiirad Khadiijo.

Wasiirka Gargaarka Xil. Khadiija Maxamed Diiriye oo sii hadleysay waxa ay tiri: “Dadka la rabo inay gacan isa siiyaan waa anaga, aan duceysano iskuna tashano, mar walba waxaan aaminsanahay inaan si wanaagsan isku caawin karno, xaaladdii is-garab-istaaga ayaan ku jirnaa.”

Sidoo kale arrimaha hor-tebinta leh wasaaradda horyaallo waxaa ka mid ah sameeynta Istaraatiijiyadda Maareynta Musiibooyinka.

Tan iyo markii ay xafiiska la wareegtay wasiirka waxaa deeqdii ugu horreysay ay ka timid dowladda Masar, waxana lagu wareejiyay maamulka gobalka Banaadir si ay u gaarsiiyaan dadka nugul ee caasimadda ku nool.

Mas’uulinta Safaarada Soomaaliya ee K/Afrika oo Socdaal wacyi galin ah oo ay kula hadlayso Jaaliyada Soomaaliyeed ka bilowday Gobolada Dalkaasi+(SAWIRRO).

0

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee K/Afrika oo bilaabay Socdaal ay ku marayaan Gobolada dalkaasi gaar ahaa gobolada Soomaalidu u badantahay iyadoo Socdaalkoodii ugu horeeyay ay ku tageen magaalada Rustenburg ee Gobolka North West, waxaana ay kulan la qaateen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolkaasi.

Danjire Maxamed Cali mire ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay, Xogyaha kowaad, Uqeybsanayaasha Waxbarashada, Ganacsiga, Arimaha Diinta iyo Awqaafta iyo Uqeybsanaha Socdaalka iyo Jansidiyaha.

Kulan Xog is weedaarsi oo ay Madaxda Safaaradda la qaadatay Jaaliyadda magaalada Rustenburg ayay Safaaraddu sheegtay in uu safarkooda ku qotomo wacyigalin iyo u kuurgalid xaaladda ganacsatada Gobolkaasi.

Qaar ka mid ah Jaaliyadda ka hadashay madasha kulanka ayaa soo dhaweeyay Wafdigan waxa ayna sheegeen in ay tahay muhiim aad u weyn wadashaqeynta Jaaliyadda iyo Safaaradda.

Ciidamada Booliiska K/Afrika oo kulankan ka qeybgalay waxey Soomaalida ku amaaneyn inay yihiin dad dalka dhaqaalo soo galiya mar walbana caawiya dadka u dhashay dalkaasi, iyagoo tusaale u soo qaatay in xilligii gumeysiga ay K/Afrika ku jirtay Dowladda Soomaaliya garab taagnayd.

Uqeybsanayaasha Safaarada Dhinacyada Waxbarashada, Ganacsiga, iyo Socdaalka iyo Jansidiyaha oo la hadlay Jaaliyadda ayaa waxay sheegeen in ay ka caawin doonaan Jaaliyadda Waaxaha ay u qaabilsanyihiin Safaaradda.

Ugu dambeyn Danjire Maxamed Cali Mire Nabadoon ayaa ka hadlay madasha waxa uuna sheegay in muhimadda safarkooda yahay wacyagalin guud iyo sida ay Jaaliyadda feejignaan oga muujin lahayd tuugada qowleystada ee bartilmaameedsada ganacsiga Soomaalida gaar ahaan xilliyada sanad dhamaadka.

Danjire Nabadoon ayaa intaa ku daray in ganacsatada mar walba xiriiro dhaw la sameeyaan Saldhigyada u dhow iyo Safaaradda si loogu hortagga dhibaatooyinka.

Si kastaba Kulankan ayaa imaanayo xilli dhawaanahanba ay soo badanayeen Dilalka Burcada Hubeysan ay ugu geystaan gudaha dalkaasi Muwaadaniinta Soomaaliyeed iyadoo ay ugu dambeysay dilkii November 7, 2020 Muwaadin soomaaliyeed kaasi oo ka dhacay deegaanka Elsis oo Ka Tirsan Magaalada Cape Town.

WD: C/qaadir Axad Dhaqane Rustenburg.

 

Hadal jeedinta Murashixiinta u taagan Xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo la filayo in maanta jowhar ay dhacdo.

0

Murashixiinta u taagan qabashada xilka Madaxweyne ee Maamulka Hir-shabeelle ayaa la filayaa in Maanta ay ka hor jeediyaan Khudbadahooda,xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Maamulkaasi Waxaana Magaalada Jowhar si weyn looga dareemayaa Qaban qaabada Doorashada Madaxda sare ee Hirshabeelle.

Murashixiinta isku diiwan galiyay qabashada Xilalka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ayaa soo bandhigi doono waxqabadkooda, waxaana ilaa hadda isi-soo sharraxay afar murashax oo kaliya, kuwaas oo u tartamaya jagada Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenka Hir-shabeelle.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweeynaha iyo Madaweyne Ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Xil.Caaisho Khaliif Xaji Maxamed ayaa Gudoonsiiyay Shahaadada Musharaxnimada Murashixiinta kala ah Cabdiraxmaan Jimcaale Cusmaan oo utartamayo Jagada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Hirshabelle, Musharax Cali Guudlawe Xuseen oo u tartamayo Jagada Madaxweynaha, Musharax Yuusuf Axmed Hagar iyo Musharax Maxamed Maxamuud Cabdulle (M dheere) oo utartamayo Jagada Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle.

Waxaa la filayaa in Berri oo Arbaco ah in la gudo galo doorashada Madxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeen.

Armenia, Azerbaijan iyo Russia oo saxiixay heshiis lagu soo afjarayo dagaalka Nagorno-Karabakh.

0

Armenia, Azerbaijan iyo Russia ayaa kala saxiixday heshiis lagu soo afjarayo iska hor imaadkii millateri ee ka dhashay dhulkii lagu muransanaa ee Nagorno-Karabakh

Raiisel wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan wuxuu heshiiska ugu yeedhay heshiis “aad ugu xanuun badan aniga iyo dadkeenaba”.

dadaalkaan ayaa yimid kadib lix todobaad oo dagaal uu u dhaxeeyay Azerbaijan iyo qowmiyado Armeniyaan ah.

Gobolkan waxaa caalami ahaan looga aqoonsan yahay Azerbaijani, laakiin waxaa maamulayay qowmiyadaha Armenia ilaa 1994.

Sannadkaas, dagaalka ayaa joogsamay laakiin heshiis nabadeed lama saxiixin.

Tiro heshiisyo xabad joojin ah ayaa la dhexdhexaadiyay tan iyo markii uu dagaalku dib u qarxay bishii Sebtember, laakiin dhammaantood way fashilmeen.

Taliyaha Guutada 16-aad Ee Kumaandooska Danab oo gaaray Magaalada Kismaayo.

0

Taliyaha Guutada 16aad ee Kumaandooska DANAB Gaashaanle Axmed Cabdullaahi Nuur(Beeryare) iyo saraakiil ka tirsan taliskaasi ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbaland.

Taliyaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Saraakiisha Ururka 5aad ee Kumaandooska Danab oo ugu horeeyo taliyaha Ururka 5naad Carab Dheeg Axmed.

Taliyaha Guutada 16aad Ee Kumaandooska xooga Dalka Soomaaliyeed ee DANAB Gaashaanle Axmed Cabdullaahi Nuur(Beeryare)  ayaa bogoodiyay shaqada adag ee Ururka 5aad  ka u hayaan Maamulka iyo Shacabka deegaanada Jubbland.

Sidoo kale taliyaha ayaa waxaa la filayaa in uu booqasho ku tago Saldhigyada Ciidamada DANAB ee degaannada Gobolka Jubbada Hoose si loo dardar geliyo howlgallada ka dhanka ah Maleeshiyaadka Alshabaab ee ay halkaasi ka wadaan.