Maamulka deegaanka Gubadley oo dayac tir ka wado qaar ka mid ah wadooyinka deegaanka.

Date:

Maamulka deegaanka Gubadley ee gobolka Banaadir ayaa waxa uu dayactir iyo dib u dhis xoogan ka bilaabay Qaar ka mid ah wadooyinka waaweyn ee dhexmara degaanweynaha gubadley , howlahan lagu furayo wadooyinka uu xiray geed yahuudka iyo qashinka ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya gaadiidka loogu tala galay in lagu qaado qashinka katarabiilo lagu furayo ama dib loogu hagaajinayo wadooyinka si ay u fududaato isu socodka dadka iyo gaadiidka islamarkaana ay u soo laabato bilicda iyo Nadaafadda deegaanka Gubudley.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa ka hadlay baahida loo qabay wadooyin iyagoo soo dhaweeyay dadaalada maamulka deegaanka Gubudley oo ay ku furayaan wadooyinka ,  Gudoomiyaha Guddiga dib u dayactirka wadooyinka ee deegaanka Gubadley Mudane Maxamud Yusuf Xuurshow ayaa ka warbixiyay muhiimada wadooyinka ay u leeyihiin bulshada.

Gudomiyaha degaanka Gubadley ee Gobolka Banaadir mudane C/llaahi Nuur Kaalibey ayaa sheegay in maamulka uu qeyb weyn ka qaadanayo horumarada deegaanka isagoo ku booriyay in shacabka deegaanka Gubudley in ka qeyb qaataan dib u dhiska iyo horumarinta deegaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...