Home Blog Page 758

Taliyaha Guutada 16-aad Ee Kumaandooska Danab oo gaaray Magaalada Kismaayo.

0

Taliyaha Guutada 16aad ee Kumaandooska DANAB Gaashaanle Axmed Cabdullaahi Nuur(Beeryare) iyo saraakiil ka tirsan taliskaasi ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbaland.

Taliyaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Saraakiisha Ururka 5aad ee Kumaandooska Danab oo ugu horeeyo taliyaha Ururka 5naad Carab Dheeg Axmed.

Taliyaha Guutada 16aad Ee Kumaandooska xooga Dalka Soomaaliyeed ee DANAB Gaashaanle Axmed Cabdullaahi Nuur(Beeryare)  ayaa bogoodiyay shaqada adag ee Ururka 5aad  ka u hayaan Maamulka iyo Shacabka deegaanada Jubbland.

Sidoo kale taliyaha ayaa waxaa la filayaa in uu booqasho ku tago Saldhigyada Ciidamada DANAB ee degaannada Gobolka Jubbada Hoose si loo dardar geliyo howlgallada ka dhanka ah Maleeshiyaadka Alshabaab ee ay halkaasi ka wadaan.

Kulan Xog Uruurin ah iyo Aragtada ay ka qabaan Bulshada Dib u Eegis lagu sameynayay Qodobada Dastuurka oo Baydhabo loogu qabtay+(SAWIRRO)..

0

Si loo uruuriyo Aragtida ay ka qabaan Qodobada Dastuurka ee dib u eegista lagu sameeeyay Ururada Bulshada ee Dowlad Goboleed Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa  Baydhabo lagu qabtey shir wadatashi oo looga hadlayey dib u eegista qodobada qaar.

Waxana shirka ka soo qeyb galey wasiirka Dastuurka Dowladda Fedaralka Soomaaliya ,wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed, Hay’adaha loo xilsaarey dib u eegista Dastuurla dalka, Aqoon yahano , iyo Ururada Bulshada ra’idka Magaalada Baydhabo.

Maxamed Abdiraxiin wasiirka Dastuurka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka soo qeyb galiyasha ku booriyay in soo bandhigaan Araktidooda Saliimka ah

Xildhiban cusmaan Xaaji iyo Gudoomiye kuxigeenka Gudiga Madax banan ee Dastuurka Muumino Sheikha Cumar ayaa ka warbixiyay qodobada ay wadatashiga kala yeelan doonan bulshada Baydhabo.

Intaas ka dib waxaa halkaasi Ururada Bulshada ra’idka ay ku soo bandhigeen Araktidooda iyo qodobada qaar oo ay su’aal ka qaban iyadoona Madaxda Hay’adaha dastuurka dib u eegistiisa loo xilsaarey ay si toos ah mid kasta su’aashiisa ugu jawaabeyay.

Wasiirka Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa ugu dambeyn shirka soo xirey.

   

Galmudug oo dadaal ugu jirta dhismaha Dekedda Hobyo.

0

Magaalo xeebeedka hobyo ayaa waxaa ka socda dadaalo ladoonayo in lagu dhiso dakada magaalada hobyo oo ay wadaan madaxda maamulka galmudug iyo qaybaha bulshada magaalada

Masuuliyiinta Maamulka galmudug ayaa siyaabo kaladuwan utagay magaalada hobyo waxaa aad loo xoojiyey sugidda amniga iyada oo ganacsatada iyo bulshada lagu dhiirigalinayo sidii magaalada dib udhiskeeda ay uga qayb qaadan lahayeen

Qorshuhu waxa uu yahay sidii maamulku uu wax uga qabanlahaa dhismaha dakada hobyo oo ubaahan dib udhis iyo dayactir xoogleh

Nolosha kajirta magalada hobyo ayaa aad uga duwan sidii ay ahayd xiliyo kahor dadka deeganka ayaa fahmaya dawladnimada iyo wax wada qabsiga iyaga oo umuuqdo kuwo kasookabanaya xiliyadii adkaa ee lasoo dhaafay

Dadaalada isugu jira horumarinta iyo dhirigalinta bulshada hobyo ayaa tilmaan kabixinaya rajada laga qabo in hobyo ay yeelato dakad iyada oo madxdu ay wadaan sidii looyagleelilahaa hirgalinteeda oo marar badan aan suurtagalin

Marka laga soo tago Trump, yay ahaayeen Madaxwaynayaashii ku guul darreystay in mar labaad la doorto, (WARBIXIN).

0

Tan iyo waagii John Adams uu ka talinaayay Mareykanka (1797 – 1801), toban madaxwayne ayaa ku guul darraystay inay xilligoodi labaad soo laabtaan kuwaas uu ugu danbeeyay madaxwaynaha hadda xilka haaya ee Donald Trump oo guul darro kala kulmay musharraxa dimuquraadiga ee Joe Biden.

Dastuurka Mareykanka wuxuu dhigayaa in madaxwaynuhu xaq u leeyahay inuu xafiiska sii joogo ugu badnaan laba xilli oo midba tahay 4 sano.

Madaxwaynayaashii tartamay laakiin ku guuldareystay inay qabtaan xilka madaxtinimada markii labaad, waxaa ka mid ahaa:

Gerald Ford:-
Ford wuxuu ku guul darreystay in dib loogu doorto madaxwaynaha Mareykanka sanadii 1976, isagoo xilka qabtay kadib iscasilaadii Richard Nixon, Ford oo Jamhuuri ahaa wuxuu guul darro kala kulmay Jimmy Carter doorashadii dhacday 1976.

Jimmy Carter:-
Carter wuxuu madaxwayne ka soo noqday Mareykanka 1977 ilaa 1981, laakiin waxaa isna ka badiyay 1980 Ronald Reagan.

Guul darradii Carter waxay abuuraty casbi badan kadib markii laba madaxwayne oo isku xiga ay ku guul darraysteen inay soo laabtaan mar labaad.

George Bush-kii aabaha ahaa:-
Bush-ki aabaha ahaa wuxuu ahaa madaxwaynihii 41-aad ee Maraykanka soo mara, wuxuuna ka mid ahaa madaxwaynayaalkii ku fashilmay inay mar labaad difaacdaan inay sii joogaan Aqalka Cad ee Maraykanka looga taliyo.

Bill Clinton oo ahaa dimuquraadi ayaa kaga guuleystay Bush doorashadii dhacday 1992.
Bush wuxuu agaasime ka soo noqday CIA intii u dhaxeysay 1976 iyo 1980, wuxuuna madaxwayne ku xigeen u noqday Reagan intii u dhaxeysay 1981 iyo 1989, isagoo ugu danabayn noqday madaxwaynaha Mareykanka.

Herbert Hoover: Wuxuu hayay madaxtinimada Mareykanka intii u dhaxeysay 1929 iyo 1933.

William Howard: wuxuu qabtay jagadaan intii u dhaxeysay 1909 iyo 1913.
Benjamin Harrison: Wuxuu madax ka ahaa dalka Maraykanka intii u dhaxeysay 1889 iyo 1893.

Martin Van Buren: Wuxuu xukumaayay Mareykanka intii u dhaxeysay 1837 iyo 1841.
John Quincy Adams, waxaa dhalay Madaxweynihii labaad ee Mareykanka John Adams, wuxuuna xafiiska qabtay intii u dhaxeysay 1825 iyo 1829.

John Adams: Wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee ku guul darreysta inuu dib ugu soo laabto xilka madaxwayne ee Mareykanka, isagoo xilka haayay intii u dhaxeysay 1797 iyo 1801.

Donald Trump oo ah madaxwaynaha hadda xilka haaya ayaa guul darro kala kulmay siyaasiga gaamuray ee Dimuquraadiga Joe Biden doorashaddii dhacday billaawga bishaan, wuxuuna ku biiray liiska madaxwaynayaashii ku guul darraystay inay mar labaad soo noqdaan.

Waxaa Turjumay:-   Axmed Maxamed Axmed ( Axmed Caato)

 

Munaasabadda Daah-furka Dekedda Kalluumeysiga Hobyo oo Soo gaba-gabowday+(SAWIRRO).

0

Qorshaha dhismaha Dekedda Kalluumeysi waxa uu soo socday muddo 3 Sanno ah, laakiin Dakadaha Galmudug Cabdi Saabir Nuur Shuuriye,wuxuu intii uu joogay xafiiska waqti badan galiyey in si hufan loogu tartamo howsha dhismaha, lana bilaabo howsha dhismaha.

Dekeddan waxaa maalgalinaya Dowladda Talyaaniga, iyagoo soo marsiiyey WFP, waxaana dhisaya shirkadda Global Link.

Dekeddan oo ay ku xiran karaan doomaha dhererkoodu yahay ugu badnaan 20 mitir, ayaa waxa aan rajaynaynaa in uu dhismaheedu ku soo dhammaado muddo Lix (6) bil ah, waxa aan sidoo kale si kumeel-gaar ah loogu adeegsan karaa Dekeddan baahiyaha kale.

Dekeddan Kalluumeysi waxa ay suurtagelin doontaa horumarinta kalluumeysiga Galmudug, qeyb muhiim ahna ka qaadan doontaa shaqo abuurka dhalinyarada.

Dhinaca kale waxaa dhammaadka bishan dalka soo gaari doona Injineero ka socda Shirkadda Oriental Terminal oo hordhaca u ahaa dhismihii Dekadda weyn ee Hobyo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta u soo xiray tababar diblomaasiyadeed 19 hablood oo howlwadeenno ka ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda+(SAWIRRO).

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta u soo xiray tababar diblomaasiyadeed oo muddo labo todobaad socday 19 hablood oo howlwadeenno ka ah 14 Waaxdood ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, iyadoo munaasabadda xiritaanka ay goobjoog ka ahaayeen Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda, Mudane Maxamuud Cabdullaahi Siraaji iyo Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji.

Wasiir Cawad ayaa uga mahadceliyay tababarayaasha mutadiwiciinta ah ee Machadka dadaalkooda ay ku kobcinayaan xirfadda shaqaalaha, isagoo tilmaamay in tababarayaal Sweden ah ay tababari doonaan tababarayaasha Machadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda si xirfaddooda loo xoojiyo, shaaciyayna muhiimadda ay leedahay in shaqaalaha la baro far-qoridda Af Soomaaliga si ay u saxaan higgaada si looga fogaado khaladaad luqadeed , iyadoo isla markaana la barayo afaf khalaad oo ka qeyb ah istiraatiijiyadda u adeegaysa siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda, Mudane Yuusuf Calasow Maxamuud ayaa sheegay in Machadka uu qabtay seddex tababar tan iyo markii dib loo furay 2 Disember, 2019, tababarna uu u fidiyay 45 shaqaale oo ka kala tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Xafiisyada Madaxtooyada, Ra’iisul wasaaraha, Guddoomiyeyaasha Golayaasha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ra’isul wasaaraha Itoobiya oo soo saaray qoraal uu uga hadlaayo xaalada ka taagan dalkaasi.

0

Ra’isul wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in walaaca laga qabo dagaal sokeeye oo itoobiya ay gasho uu yahay mid aan xaqiiq ku fadhin.

War qoraal ah oo uu soo saaray ayuu ku sheegay in dowlada itoobiya ay abaal u heyso saaxiibada walaaca ka muujinaya xaalada itoobiya iyo in ay lugaha la gasho qalalaase .

Howlgalka ciidanka itoobiya ay ka wadaan waqooyiga gaar ahaan gobalka Tigreega ayuu ku tilmaamay mid nidaamka sharciga lagu soo celinayo si dadka ay nabad ugu noolaadaan cadaaladana ay wajahaan qas wadayaasha.

Howlgalkeena meel marinta nidaamka sharciga waxaan u nahay dal madax banaan oo awood u leh in uu maareeyo arimihiisa gudaha ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Abiy Ahmed wuxuu sheegay in dhawaan ay soo afjarayaan howlgalka ka socda gobalka tigreega.

Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa ku booriyey in ay ka qeyb qaataan horumarinta dowladnimada+(SAWIRRO).

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa kala hadlay doorkooda ku aaddan dib u dhiska dalka, adkeynta dowladnimada, hoggaaminta iyo horumarinta bulshada.

Madaxweynaha oo ka jawaabay weydiimaha dhallinyaradii kulanka ka soo qeyb galay ayaa tilmaamay in dhallinyaro badan oo ku xirnaa Xabsiyo shisheeye ay dowladdu dib ugu soo celisay dalka, kuwaas oo haatan sharaf iyo karaamo ugu nool dalkooda, qeybna ka ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee u taagan in ay mustaqbal wanaagsan u horseedaan dalka iyo dadka.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waa cududda dalkeenna. Waa waajib Qaran in lagu dhiirri geliyo ka miro dhalinta hiigsigooda iyo dadaalkooda ku aaddan dib u dhiska dalka. Dowladda aan hoggaaminayo waxaa ka go’an xaqiijinta kaalinta dhalliyarada ee siyaasadda, arrimaha bulshada, difaaca dalka iyo dhaqaalaha”

Madaxweynaha ayaa dhallinyarada la wadaagay dadaalka dowladdu ay ku bixisay awoodsiinta dhallinyarada ee hoggaaminta hay’adaha dowladda iyo Ciidamada Qalabka Sida, taas oo lagu xaqiijinayo qorsheyaasha ku qotoma xaqiijinta dowlad Soomaliyeed oo horumarsan, ilaalisana madax-bannaanideeda iyo Sharafka shacabkenna.

Dhankooda dhallinyarada goob joogga ku ahaa kulanka, ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyey dhallinyarada iyo kalsoonida uu ku qabo awooddooda hoggaamineed, waxa ayna soo bandhigeen sida ay uga go’an tahay mideynta cududda dhallinyarada oo ah awoodda ugu badan ee bulshada, si looga miro dhaliyo qorsheyaasha la dagaallanka qabyaaladda iyo musuqmaasuqa.

 

 

Safiirka Dowlada Talyaaniga u fadhiyo Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Hobyo+(SAWIRRO).

0

Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi & mas’uuliyiin kale ayaa maanta gaaray magaalo xeebeedka hobyo ee gobolka mudug, iyada oo si wyan halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Wafdigaasi waxaa hoggaaminaya Wasiirka Dakadaha Galmudug Cabdi Saabir Nuur Shuuriye,  waxayna halkaasi u tageen dhagax dhigidda dhismaha Daked macmal ah oo ay  hirgalin doonto Ha,adda WFP.

Wasiirka Dekedaha Galmudug Cabdi Saabir Nuur Shuuriye ayaa dhawaan magaalada London ee dalka Ingiriiska ku saxiixey heshiis lagu dhisayo Dakadda Hobyo.

Ujeedada Dakaddaan Macmalka ayaa ah suurta galinta in qalabka lagu dhisayo dakadda Hobyo laga soo dajiyo marka laga reebo inay ka faa’idaystaan ganacsatada Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa ku howlan hirgalinta mashruuca dhismaha dakadda magaalada hobyo, oo la filayo haddii uu taabbo galo inuu qayb Libaax ka qaadan doono horumarka dhaqaale iyo bulsho ee Galmudug iyo guud ahaan goballada dhexe ee dalka.

 

Mas’uuliyiinta iyo Shaqaalaha Wasaarada Beeraha iyo Waraabka oo maanta ka qeyb galay Barnaamijka Is-xilqaan+(SAWIRRO).

0

Waxaa si dar dar leh u soconaya Barnaamijka Is-xilqaan oo dib udhis looga sameynayo xarumaha muhiimka ah ee dowladda taasi oo ay ka qeyb qaadanayaan shaqaalaha kala duwan ee wasaaradaha dowladda soomaaliya.

Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay hogaaninayaan mas’uuliyiinta wasaaradda oo si weyn ugu soo diyaar garoobay ayaa kaltanka toban lixaad ugu qeyb qaatay dib u datactirka xarunta ex guriga hooyooyinka oo loo bixiyay guriga Mama Baxsan waxaana goob joog ka ahaa madaxda barnaamijka isxilqaan.

Qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda beeraha ayaa ka hadlay muhiimada barnaamijka Is-xilqaan iyo doorka shaqaalaha beeraha ay ugu qeyb qaadanayaan

Agaasimaha Waaxda Waraabka Iyo Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in wasaaradu ay qeyb weyn ka qaadaneyso howlaha dib looga dhisayo barnaamijka Is-xilqaan.

Agaasimaha Is-xilqaan Maryan Aadan Amiin ayaa sheegtay in barnaamijka Is-xilqaan oo ah dalkaaga dib udhiso uu wax weyn ka qabtay howlaha dib u dhiska ee ka soconayo dalka.