Ciidanka AMISOM oo agab caafimaad ugu deeqay qaar ka mid ah barakacyaasha Muqdisho+(SAWIRRO).

Date:

Ciidanka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika Soomaaliya ee AMISOM ayaa agab loogu talo galay ka hortaga xanuunka Karoona iyo nadaafada ugu deeqay qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ee ku nool xeryaha ku yaala magaalada Muqdisho

Ciidanka oo xusayay sanad guuradii 40-aad ee ka soo wareegtay aas aaskii ciidanka qaranka Uganda ayaa sidoo kale qeyb ka qaatay nadiifinta qeybo ka mid ah degmada Xamar jajab iyaga oo kaashanaya dadka deegaanka iyo maamulka degmada.

Col. John Winston Mugarura oo ah taliye ku xigeenka ciidanka Uganda ee AMISOM ayaa sheegay in qalabka ay dadka barakacayaasha u qeybiyeen uu ka caawin doono ka hortaga xanuunka COVID -19.

Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab Maxamed Cabdi Maxamed ayaa ugu mahadceliyay ciidanka Uganda deeqda, isagoo sheegay in ay wax badan u tari doonto dadka barakacayaasha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNAHA JFS OO GAARAY MAGAALADA DOHA EE DALKA QATAR

Doha, Febaraayo, 06,2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan...

Duqa Muqdisho oo horkacayay olole nadaafadeed oo maanta laga sameeyay Xeebta Liido

Muqdisho, Febraayo 06, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay horjoogihii Maaliyadda Khawaarijta ee Gobolka Banaadir

WAR SAXAAFADEED Muqdisho, February 05, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo...

Wasiirka Gaadiidka Badda XFS oo uga mahadceliyay G/Wasiirrada Ansixinta Heshiisyada Badda

Muqdisho, Febraayo 05, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...