Barnaamijka Falanqeynta oo Caawa ku soo qaadan doono qodobo dhawr ah.
Halkaan ka Daawo.
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ka hadlayay ansixinta Golaha Adeegga Garsoorka oo ay maanta cod aqlabiyad leh ku asixiyeen Xildhibannada Golaha Shacabka ayaa yiri “Waxaan so dhaweynayaa ansixinta maanta ee Golaha adeegga Garsoorka ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Golahu wuxuu u xilsaaran yahay maamulidda howlaha garsoorka iyo damaanad qaadidda madaxbannaanida Garsoorka Dalka”.
Xeer-ilaaliyihu wuxuu intaas ku daray “Golaha Adeegga Garsoorka wuxuu kaloo u xilsaaran-yahay soo jeedinta, magacaabidda, anshax-marinta iyo bedelaadda xubnaha Garsoorka dalka si loo xaqiijiyo dalku in uu yeesho garsoor wax ku ool ah, daah-furan oo loo siman yahay”.
Ugu danbayntii xeer-ilaaliye Sulaymaan ayaa sheegay in loo baahan-yahay in la dhameeyo howlaha u dhiman Golaha adeegga Garsoorka Dalka “Madaxda Garsoorka Dalka gaar ahaan xeer- ilaaliyaha guud ee Qaranku waxaa uu ugu mahad-celinayaa Wasiirka wasaaradda Caddaalada dadaalka dheeriga ah ee uu ku bixiyey horgaynta Golaha Adeegga Golaha shacabka si loo ansixiyo. Wasiirka iyo madaxda kale ee qaranka, waxaan ka rajaynayaa in ay dardar-galiyaan hawlaha u dhiman golaha garsoorka”.
Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa howgal qorsheysan ku bur buriyay fariisimo Nabadiidka Al-Shabaab ay ku lahayeen degaanno hoostaga Gobolada Shabellooyinka iyo Hiiraan.
Howlgalka ciidanka kumaandooska fuliyeen ayaa waxa ay ku soo qabteen horjogayaal uu ka mid yahay horjoogihii Maaliyadda Gobolka Hiiraan Horjooge Xasan Yuusuf Cali ,Horjoogihii Maktabka Waxbarashada Dumarka ee Degaanka Ceelcadde Cali Cabdulle Jilacow, iyo Horjogihii Sakawaadka Nabadiidka ee Gobolada Shabellada Hoose iyo Dhexe horjooge Cabdullahi Isxaaq Xuseen.
Taliyaha Ururka 4-aad ee Kumaandooska Danab Labo Xidigle Maxamed Saleebaan oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in Ciidamada Kumaandooska Danab ay howlgal ku bur buriyeen xarumo nabadiidka Al-Shabaab ku lahayeen Gobolada Hiiraan iyo Shabellooyinka .
Taliye Maxamed Saleebaan waxa uu tilmaamay howlgalka lagu soo qabtay horjogayaal sare oo ka tirsan Nabadiidka Al-Shabaab.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirada Soomaaliya u qaabilsan dalalka Itoobiya, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, kuwaas oo ay ka wada-hadleen siddii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee Soomaaliya la lee dahay dalalkaasi iyo siddii loo garab istaagi lahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee wax-soo-saarka wadanka u dhoofisa wadamadaasi.
Kulanka oo ay Wasiirka ku wehelinayeen Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi) iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Miudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, ayaa sidoo kale safiirada kulanka ka soo qeyb-galay oo kala ahaa safiirka Soomaaliya ee Itoobiya Danjire Inj. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar (Camey), Safiirka Soomaaliya ee Suudaan Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq iyo Safiirka Soomaaliya ee Koonfurta Suudaan Danjire Xuseen Xaaji Axmed, waxay ugu horeyn ka wada-hadleen dedaalada lagu horumarinayo xidhiidhka ganacsi ee Soomaaliya la lee dahay dalalka caalamka iyo weli ba siddii loo xoojin lahaa xidhiidhada ganacsi ee Soomaaliya la lee dahay Itoobiya, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan ba.
Safiiradu, waxa ay carabka ku dhufteen inay ka shaqeyn doonaan siddii loo dhammeystiri lahaa heshiisyada ganacsi ee Soomaaliya iyo Suudaan iyo heshiiska Soomaaliya ee ka mid noqoshada Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika (AfCFTA) kuwaas oo hore loogga ansaxiyey Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Waxa kale oo ay xuseen in ay wadaan dedaalo lagu xoojinaayo xiriirka ganacsi, iskaashiga dhaqaale, Maal-gashi iyo siddii loo taageeri lahaa ganacsatada Soomaaliya.

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta xuquuqul Insaanka, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaabsade) oo uu wehliyo wasiir ku xigeenka Caddaaladda ayaa maanta Isbitaalka Erdogan ee Ex-Digfeer ku booqday, Maryan Mursal Salaad oo ah gabar 20 sano jir ah oo lagu soo dhaawacay magaalada Bosaaso ee gobolka Bari.
Gabadha ayaa la sheegay in nin ka tirsan booliiska magaalada Bosaaso oo xabad kaga dhuftay xubinta taranka shan maalin ka hor, ka dibna waxaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho si loogu dhaweeyo.
“Runtii dhibaatooyinkaas waa ku soo noq noqday waa kiiskii labaad oo aan kala kulmay Bosaaso, gabar nin xabad ku dhuftay, waxaa la ii sheegay Maryan ninka xabadda ku dhuftay in ay is yaqaanneen oo aysan ka shakisineyn kana filanaynin in waxaas ku sameynayo,” ayay tiri wasiir Xaniifa.
Wasiirka Xaniifa ayaa sheegtay in dhibaatada lagula kaco gabdhaha Soomaaliyeed aysan aheyd wax la aqbali karo, waxayna dowlad goboleedka Puntland ugu baaqday in ay caddaaladda hor keenaan dadkii ka dambeeyay falkan argagaxa leh.
Wasiirka Haweenka ayaa sheegtay in waalidka Maryan ay la qeybsanayaan dhibaatada soo gaartay gabadhooda.


Guddiga Howlaha guud ee Degmada Xudur ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Howlaha Guud dib-u-dhiska iyo guryeynta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Yuusuf Wadani oo howlo shaqo ujoogo magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.
Guddiga ayaa kala hadlay baahiyaha looqabo dhismaha Wadooyinka Maamulka ay balaariyeen iyo kuwo sida sharcidaro ah lagu dhistay oo dhowaan ay bixinayaan iyo sida hay’adaha hormarada ka shaqeeya iyo guddiga ay u wada shaqeyn lahaayeen.
Agaasimaha ayaa dhankiisa Guddiga hawlaha guud ku amaanay shaqada wanaagsan oo ay qabteen, intaa ka dib Agaasimaha iyo Injimeerada ayaa kormeerey wado halbowle ah oo dhexmarta magaalada oo si Isxilqaan ah bulshada ku dhisayaan.
Guddiga isxilqaan ayaa agaasimaha uga warbixiyey shaqada ay qabteen iyo dhismaha buundo oo aan dhaqaale loo heynin, waxaana Agaasimaha uu guddiga u balan qaaday lacag dhan $500 oo isxilqaanka uga qeyb qaadanayo iyo Injineerada Wasaaradda oo qiimeyn iyo naqshadeynba ku sameyn doono buundada la dhisayo.


Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaa oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay.
Socdaalka shaqo oo qaadanaya muddo ku dhow toddobaad ayaa sidoo kale, Wasiirka wuxuu kormeeri doono deegaanno ka tirsan Puntland, gaar ahaanna deegaannada ay ka socdaan barnaamijyada ay Wasaaraddu ku taageerayso bulshada nugul.
“Waxay noo tahay arrin muhiim ah booqashadan uu Wasiirka ku soo gaaray Garoowe, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Federaalka waxaa naga dhaxeeya wada shaqeyn ballaaran” Marwo Hodan Siciid Xasan, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland oo Wasiirka iyo wafdigiisa ku soo dhaweysay garoonka diyaaradaha Jeneraal Maxamed Abshir ayaa u sheegtay Warbaahinta.
Wasiir Duraan Faarax, ayaa sheegay socdaalkan iniuu xaqiijinayo sida ay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada uga go’antahay in la daadajiyo adeegyada muhiimka u ah bulshada, wuxuuna inta ku daray inay hadda diiradda saarayaan sidii loo xoojin lahaa dagaalka lagu dhimayo saboolnimada iyo shaqo la’aanta.
“Ujeeddada waxay tahay sidii bulshada loogu soo bandhigi lahaa adeegyada ay Wasaaraddan ku taageerrayso..waxaana tagi doona deegaanno kale oo Puntland ah si loo dardargaliyo ,qiimeyna loogu sameeyo barnaamijka Baxnaano oo taageerro dhaqaalo ay ka helayaan qoysas badan oo reer Puntland ah gaar ahaanna kuwa nugul.” ayuu yiri Wasir Duraan.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa kalo uu caddeeyay in dhowaan la guda gali doono taageerro dhaqaale oo la siinayo qoysaska uu saameynta ku yeeshay Ayaxa.
Booqasho uu Wasiirka ku tagey Garoowe, waxaa ku weheliya saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradda oo ay qeyb ka tahay Agaasimaha Waaxda arrimaha bulshada ahna madaxa barnaamijka Baxnaano, Fardowsa Axmed Cabdullahi.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay Kalfadhiga 8-aad kulankiisa 6-aad ayaa ugu horeyn Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) uu goluhu ka hor Akhriyay warbixinta xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka iyo magacyadda xubnaha Golaha.
Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa aragtiyadooda ka dhiibtay warbixinta uu Wasiirka ka hor jeediyay Golaha iyo shaqada u taala.
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo cod u qaaday xubnaha Golaha Adeegga Gorsoorka ayaa waxaa codka Haa ku ogolaatay 145-Xildhibaan oo ahaa kooramka kulanka golaha ku furmay, mana jirin Xildhibaan diiday iyo mid ka aamusay intuba.
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Golaha hor geeyay warbixinta xubnaha Guddiga madaxa banaan ee la dagaallanka Musuq maasuqa iyo sidoo kale muhiimadda ay dalka u leeyihiin.
Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa aragtiyadooda ka dhiibtay xubnaha guddigan.
Wasiirka Cadaaladda ayaa ka jawaabay su’aal ay Xildhibaannada qaarkood weydiiyeen oo aheyd xubin guddiga ka maqan iyo sidoo kale sababta Taariikh nololeedka xubnaha guddiga loogu qoray luuqadda Ingiriiska oo luuqada Hooyo ee Soomaaliga loogu qori waayay.
Intaasi ka dib Xildhibaannada Golaha Shacabka oo xubnahan cod u qaaday ayaa waxaa codka Haa ku ogolaatay 145-xildhibaan diidis iyo aamusid midna ma jirin sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka shir Guddoominayay.
Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Xildhibaanadda Golaha Shacabka uga mahadceliyay Ansixinta xubnaha Golaha Adeega Garsoorka iyo xubnaha Guddiga madaxa banaan ee la dagaallanka Musuq maasuqa.
Maadaamaa dooda Xildhibaannada Golaha badankeed ay ku saleysaneyd Miisaaniyadda ay ku shaqeyn doonaan guddiyadan ayaa Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulanka soo xiray waxa uu sheegay in Wasaaradda Cadaaladda looga baahanyahay in miisaaniyadda Guddiyadan ay kala hadasho Hay’adaha ay khuseyso ka hor inta aan miisaaniyadda Golaha la hor keenin dhamaadka sanadkan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta kormeer shaqo ku tagey xarumaha Caddaaladda iyo Garsoorka dalka ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saarayso tayaynta hay’adaha Garsoorka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Xukuumaddiisu ay dadaal ku bixinayso sidii shacabka Soomaaliyeed ay ugu xaqiijin lahayd hannaan Caddaaladeed oo hufan, isagoo warbixinno la xiriira howllaha adeeg ee ay u hayaan bulshada ka dhageystay mas’uuliyiinta Wasaaradda Caddaaladda, Maxkamadda Sare, Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida, Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir.
Eng. Rooble ayaa xusay in barnaamijka Xukuumaddiisa uu aas-aas u yahay hagaajinta hannaaanka caddaaladda, isagoo kula dardaarmay howlwadeennada Wasaaradda iyo dhammaan xarumaha Garsoorka in shacabka Soomaaliyeed loogu adeego si daacadnimo ku jirto oo ka fog musuqmaasuq iyo eex.
“Xukuumaddayda waxaa saldhig u ah in bulshada Soomaaliyeed ay helaan hannaan caddaaladeed oo la isku halayn karo, anigoo fahmi kara duruufaha adag ee aad ku shaqaysaan, hadana waxaan la idinka rabaa inaad ka fogaataan wax walba oo keenaya musuqmaasuq, bulshadana ugu shaqeysaan si caddaalad ah”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka qaybgalay dhageysiga Garmaqal ka socday Maxkamadda Gobolka Banaadir, taasoo u dhaxeysay muwaadiniin Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed lafta-gareen ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax, isago oo guddoomiye cusub u magacaabay gobolkaas.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa loogu Magacaabay Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii oo mar soo noqday Guddoomiyaha Gobolkaasi.
Xilka ka qaadista Guddoomiyihii gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa timid ka dib markii madaxweynaha uu dhageystay talo soo jeedinta Wasiirka arrimaha gudaha, Dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta maamulka Koonfur galbeed.