Dowladda oo dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhexeeyay Kenya

Date:

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd dowladda Kenya kaddib wada hadal mira dhal ah oo ay yeesheen madaxda labada dal.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala oo goordhaw la hadlay Warbaahinta ayaa ku dhawaaqay in iyada oo la ilaalinayo daris wanaagga iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal la gaaray goโ€™aankaan.

Hadaba halkan ka akhriso War-murtiyeedka

War-murtiyeedka wadajirka ah ee dib-u-soo-celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee soomaaliya iyo Kenya

Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay iyadoo la ilaalinayo danaha deris wanaaga, ku dhawaaqaysaa in ay dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Jamhuuriyadda Kenya.

Dowladda Jamhuuriyadda Kenya waxay soo dhawaynaysaa tallaabadan lagu ilaalinayo danaha daris-wanaagga labada dal.

Labada dowladood waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee labada dal iyadoo lagu saleynayo mabaadiโ€™da is-ixtiraamka ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, faragelin laโ€™aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinnaanta, wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha

Madaxweynayaasha labada dal waxay Amiirka Dowladda Qatar uga abaal hayaan, ugana mahadcelinayaan dadaalkii uu ka geystay arrintan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad oo maanta ka furmaya dalka

Waxaa maanta si rasmi ah guud ahaan dalka uga...

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...