Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga 4aad ee tartanka “SAWIRRO”

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 11-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisa 24aad ee wareegga Saddexaad ku tartamay Degmooyinka Kismaayo Vs Xamar weyne oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkan taabagelinaya Bangiga IBS.

Tartameyaasha labada degmo ee Kismaayo Vs Xamar weyne ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Kismaayo

Tartameyaasha Degmada Kismaayo Gobolka Jubbada Hoose waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Xamar weyne, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kismaayo ay heleen waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Xamar weyne

Tartamayaasha Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddax su’aal, waxa ay iska qaldeen Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Kismaayo, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xamar weyne waxay noqotay Sideed (8) dhibcood.

Hadaba kulankii 24aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga 4aad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 25aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka, waxaa ku tartami doona degmooyinka Yaaqshiid iyo Wadajir oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Jaamacadda Ummadda iyo Jaamacadda Ruwaanda oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo dhinacyada waxbarashada

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) iyo Jaamacadda Ruwaanda (University of...

TALIYAHA CIIDANKA XDS OO SHIR GUDDOOMIYAY SHIRKA SUBAXLAHA EE TALISKA GUUD EE CIIDANKA

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...

Safiirka JFS ee Dalka Liibiya oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Liibiya, Mudane Cabdifataax...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Jowhar Casho Sharaf ugu Sameeyay Saxafiyiinta iyo Hobollada Qaranka Waaberi

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe),...