Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Maamulka sare ee hay’adda tayo dhowrka Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Date:

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar oo uu wehelinayey Wasiiru-dawlaha Wasaaradda mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, ayaa maanta kulan hawleed shaqo la qaatay mas’uuliyiinta iyo Golaha cusub ee Maamulka sare ee dhawaan loo soo magacaabay hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, kuwaasi oo ka kala socday Wasaaradaha dalka.

Kulanka oo ahaa mid Wasiirku ku dar-dar-gelinayey hawlaha shaqo ee hay’adda, ayaa waxa goob-joog ka ahaa oo war-bixinno laga dhagaystay Maareeyaha hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed Mudane Aadan Xasan Barre (Aadan Cadde) iyo Maareeye ku-xigeenka hay’addaasi Mudane Caydaruus   Macalin Xasan. Waxaa kale oo kulanka looga hadlay dar-dar-gelinta hawlaha shaqo iyo sidii dalka looga hirgelin lahaa hal-beegyada tayo-dhowrka Soomaaliyeed oo dhawaan la daah-furay, kuwaasi oo ahmiyad weyn u leh ilaalinta tayada badeecadaha iyo ilaalinta bad-qabka caafimaad ee noolaha iyo bii’adaba.

Wasiirku, wuxu si gaar ah u soo dhaweeyey Golaha Maamulka sare ee hay’adda oo kala matelayey Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyo qaar ka mid ah Wasaaradaha kala duwan ee heer Federaal, waxaana uu ku boggaadiyey shaqada fiican ee ay qabteen muddadii ay joogeen xafiiska siddoo kalena looga baahan yahay inay kor u sii qaadaan dedaalkooda iyo siddii hay’addani ay ugu guulaysan lahayd ilaalinta tayada badeecadaha laga dhoofiyo wadanka, kuwa laga soo dejiyo iyo waxyaabaha lagu isticmaalo gudaha dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...