Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Maamulka sare ee hay’adda tayo dhowrka Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Date:

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar oo uu wehelinayey Wasiiru-dawlaha Wasaaradda mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, ayaa maanta kulan hawleed shaqo la qaatay mas’uuliyiinta iyo Golaha cusub ee Maamulka sare ee dhawaan loo soo magacaabay hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, kuwaasi oo ka kala socday Wasaaradaha dalka.

Kulanka oo ahaa mid Wasiirku ku dar-dar-gelinayey hawlaha shaqo ee hay’adda, ayaa waxa goob-joog ka ahaa oo war-bixinno laga dhagaystay Maareeyaha hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed Mudane Aadan Xasan Barre (Aadan Cadde) iyo Maareeye ku-xigeenka hay’addaasi Mudane Caydaruus   Macalin Xasan. Waxaa kale oo kulanka looga hadlay dar-dar-gelinta hawlaha shaqo iyo sidii dalka looga hirgelin lahaa hal-beegyada tayo-dhowrka Soomaaliyeed oo dhawaan la daah-furay, kuwaasi oo ahmiyad weyn u leh ilaalinta tayada badeecadaha iyo ilaalinta bad-qabka caafimaad ee noolaha iyo bii’adaba.

Wasiirku, wuxu si gaar ah u soo dhaweeyey Golaha Maamulka sare ee hay’adda oo kala matelayey Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyo qaar ka mid ah Wasaaradaha kala duwan ee heer Federaal, waxaana uu ku boggaadiyey shaqada fiican ee ay qabteen muddadii ay joogeen xafiiska siddoo kalena looga baahan yahay inay kor u sii qaadaan dedaalkooda iyo siddii hay’addani ay ugu guulaysan lahayd ilaalinta tayada badeecadaha laga dhoofiyo wadanka, kuwa laga soo dejiyo iyo waxyaabaha lagu isticmaalo gudaha dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...